Donald Trump oo ammaanay Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin

Xigashada Sawirka, AFP
Madaxweynaha la doortay ee Maraykanka Donald Trump ayaa ku ammaanay talaabada u qaaday madaxweynaha Ruushka Mr Putin ee ah in uusan ku dayan dowladda maamulka Obama oo horay u ceyriyay diblumaasiyiin Ruush ah.
Dadkaasi ayaa loo haysto inay ka dambeeyeen faragalin lagu sameeyey doorashadii Maraykanka ka dhacday.
Madaxweynaha dalka Ruushka Vladimir Putin ayaa hore u sheegay in uusan musaafurin doonin diblumaasiyiinta Mareykanka ee dalkiisa ku sugan.
Putin wuxuu sheegay inuu sugayo illaa Donald Trump uu xilka kala wareegaayo bisha January, kahor inteysan go'aan gaarin.
Wuxuu xaqiijiyay in caruurta diblumaasiyiinta Mareykanka lagu casuumaayo aqalka Kremlin-ka oo dabaal degga sanadka cusub ay kaga qeybgali doonaan.

Wasaaradda arrimaha dibedda ee Ruushka ayaa horey ugu baaqday in dalka Ruushka laga eryo 35 diblmoaasiyiin u dhalatay Mareykanka taas oo jawaab u noqon lahayd tallaabo ay Washington qaaday.
Fariin qoraal ah oo uu dhigay barta Twitter-ka ayuu Donald Trump ku sheegay in madaxweyne Putin uu yahay nin waxgarad ah.

Xigashada Sawirka, Twitter-ka Donald Trump
Dhanka kale John McCain oo horay musharax madaxweyne u soo noqday ayaa ku tilmaamay tilaabada Ruushka lagula xiriirinayo jabsashada aalada internetka ee doorashooyinkii Maraykanka ka dhacay inay ahayd tilaabo weerar ah, ayna tahay in Ruushka uu wajaho abaalkiisa.












