Weerar ka dhacay Nigeria

Askeri taagan goob uu weerar ka dhacay dalka Nigeria bishii April

Xigashada Sawirka, AFP

Qoraalka sawirka, Askeri taagan goob uu weerar ka dhacay dalka Nigeria bishii April

Booliiska Nigeria ayaa sheegay in toban qof ay ku dhinteen afar iyo toban kalana ay ku dhaawacmeen qarax ka dhacay magalada waqooyiga ku taala ee Bauchi.

Qaraxaasi oo dhacay habeenimadii jimcihii waxaa uu ka dhacay goob ay isticmaalaan haweenka jidhkooda ka ganacsada.

Ilaa io hada ma jirto cid sheegatay masuuliyada werarkaasi, laakiin malayshiyada islaamiga ah ee Boko Xaraam ayaa weeraro isdaba joog ah ku qadaysay magaalada Bouchi.

Arbacadii ugu yaraan labaatan iyo kaw qof ayaa ku dhintay qarax ka dhacay suuq laga dukaamaysto oo ku yaala caasimada waddankaasi ee Abuja. Boko Haram ayaana loo malaynayaa in ay qaday weerarkaasi.

In ka badan 10,000 oo qof ayaa lagu qiyaasayaa in kooxda Boko Haram ay ku dhishay dalka Nigeria tan iyo markii ay bilawday ololaheeda rabshadaha ah 2009-kii. Waxay inta badan weerartaa kooxda goobaha ay u arkaan in ay yihiin kuwa lagu sameynayo macaasi sida baararka, kaniisadaha masiixiga ama skuulada lagu barto maadiga laga dhaxlay reer galbeedka.