Doorashada Kenya 2022: Raila Odinga iyo William Ruto oo si aad ah isugu dhaw codadka la tiriyay

Tirinta codadka doorashada madaxtinimada Kenya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Tirinta codadka doorashada madaxtinimada Kenya

Waxaa Kenya weli ka socoto tirinta codadka doorashada madaxweynaha, ku dhawaad kala bar codadkii la dhiibtay ee doorashada Madaxweynaha ayaa la tiriyay, labada musharrax ee ugu cad cad doorashada ayaa si aad isug dhaw.

Madaxweyne ku xigeenka William Ruto ayaa wax yar ka horreeyaa Ra'iisul Wasaarihii hore Raila Odinga-waxay kala wataan natiijada horudhaca ah -51% iyo 48%

Guddoomiyaha guddiga doorashada Wafula Chebukati ayaa qiray in si gaabis ah ay u socoto howlaha tirinta codadka doorashada.

Waxaa dhowr jeer la hakiyay xaqiijinta codadka doorashada kadib markii ay cabasho ka timid taageerayaasha musharraxiinta ugu tunka weyn.

Taageerayaasha Mr Odinga ayaa dhowr jeer carqaladeeyay hanaanka xaqiijinta natiijada, waxay qaar kamid ah saraakiisha guddiga doorashada ku eedeeyeen inay faragelin ku sameeyeen codbixinta.

Inkasta xaley ay jirtay xiisad markii madaxa ololaha doorashada Odinga ay u suurtogashay in uu khudbad ka jeediyo goobtii loogu talagalay inay hadal ka jeediyaan saraakiisha guddiga doorashada, wuxuu dhaleeceeyay qaabka ay u socoto hannaanka xaqiijinta codadka doorashada Madaxweynaha.

"Waxaan doonayaa in halkan aan ka shaaciyo in xarunta tirinta codadka ee Bomas ay noqotay xarun dambiyeed" ayuu yiri Saitabao Ole Kanchory, ka hor inta aan makarafoonka laga damin xilli uu hadalka sii watay.

Bomas - xarunta dhaqanka ee ku taal caasimadda Nairobi, taasoo ah xarunta ugu weyn ee lagu tiriyo codadka doorashada Kenya ayaa waxaa xalay la geeyay ciidamada ka hortagga rabshadaha.

Hoggaamiyeyaasha dalka iyo kuwa diimaha ayaa ugu baaqay shacabka inay dulqaad muujiyaan isla markaana ugu baaqay musharraxiinta ugu cad cad doorashada inay is xakameeyaan oo ay ilaaliyaan mas'uuliyadda saaran.

Waxaa haatan si rasmi ah loo xaqiijiyay 141 kamid ah codadka laga dhiibtay 290 deegaan baarlamaaneed.

Warbaahinta Kenya ayaa markii hore tirineysay codadka doorashada madaxtinimada iyadoo labada musharrax ay si aad isugu dhaw yihiin.

Ku dhawaad 14 malyan oo qof ayaa codeysay doorashada Kenya ee Talaadadii aanu soo dhaafnay ka dhacday dalkaas.

Natiijooyinka Doorashada Kenya ee 2022

Si uu u guuleysto wareegga hore, murashaxu waa inuu helo 50% lagu daray hal ee codadka la dhiibtay iyo ugu yaraan 25% codadka 24 ka tirsan 47 deegaan


Cusbooneysiintii u dambeysay 15/08/2022, 18:59:28 EAT

Natiijooyinka rasmiga ah ee ee IEBC

MurashaxCod
William Ruto
50%
50.5%
7,176,141
William Ruto
7,176,141
Kenya Kwanza Alliance
Codad: 7,176,141
Ugu yaraan 25% codadka waddanka 39/47
Raila Odinga
48.8%
6,942,930
Raila Odinga 6,942,930
Azimo la Umoja Coalition
Codad: 6,942,930
Ugu yaraan 25% codadka waddanka 34/47
George Wajackoyah
0.4%
61,969
George Wajackoyah 61,969
Xisbiga Roots
Codad: 61,969
Ugu yaraan 25% codadka waddanka 0/47
David Mwaure
0.2%
31,987
David Mwaure 31,987
Xisbiga Agano
Codad: 31,987
Ugu yaraan 25% codadka waddanka 0/47
Murashaxiinta kale
0.6%
93,956
Murashaxiinta kale 93,956
1px transparent line

Guddiga doorashada Kenya waxay heystaan tan iyo Talaadada nagu soo aadan si ay ugu dhawaaqaan cidda ku guuleystay doorashada Madaxweynaha.

Maxaa ka socda xarunta weyn ee lagu tirinayo codadka?

Saraakiisha guddiga doorashada ee ku sugan xarunta Bomas ayaa si weyn ugu mashquulsan tirinta codadka doorashada Madaxtinimada.

Jimcihii, guddoomiyaha guddiga doorashada ayaa qiray in hannaanka tirinta codadka doorashada Madaxweynaha ay wakhti badan qaatay isla markaana eedda dusha uga tuuray wakiilada axsaabta ee ku sugan goobta.

Saraakiisha guddiga doorashada ayaa hubsanaya iskuna daraya codadka laga dhiibtay in ka badan 46,000 oo goobaha codbixinta.

Walaaca ay muujinayaan shacabka Kenya

Waxaa dalka laga dareemayaa walaac laga qabo hannaanka gaabiska ah ee ay ku socoto tirinta codadka doorashada iyadoo doorashooyinkii hore ee lagu muransanaa ay sababeen rabshado ama gabi ahaanba meesha laga saaro natiijada doorashada.

Kadib rabshadihii hareeyay doorashadii sanadkii 2007-dii, ugu yaraan 1,200 qof ayaa lagu dilay halka 600,000 ay guryahood ka qaxeen kadib markii ay soo baxeen warar sheegayay in doorashada lagu shubtay.

Sanadkii 2017-dii kadib khalaadkii dhinaca farsamada ahaa waxay Maxkamadda ugu sarreysa Kenya waxay waxbo kama jiraan kasoo qaaday natiijadii doorashada, waxaana dib loo qabtay doorashada Madaxweynaha.

Saraakiisha guddiga doorashada waxay haatan dadaal dheer u galeen in wax kasta ay saxaan.

Goormaa lagu dhawaaqaya natiijada?

Ma kala cadda xilligga lagu dhawaaqi doono natiijada kama dambeysta ah balse guddiga doorashada Kenya ayaa bilaabay inay xaqiijiyaan codadka doorashada ee guud ahaan 290- deegaan baarlamaaneed.

Guddiga doorashada ayaa si rasmi ah ugu dhawaaqi doonaa natiijada doorashada madaxtinimada.

Murashaxa ku guuleysata doorashada madaxtinimada:

  • Waa in uu helo in ka badan kala bar codadka doorashada laga dhiibta guud ahaan dalka.
  • Ugu yaraan in qofka auu helo boqolkiiba 25% codadka laga dhiibtay ugu yaraan 24 maamul-goboleed. Kenya waxay ka kooban tahay 47 maamul goboleed.
  • Haddii qofka uu suurtgeli weyso in uu helo codadkaas sida sharciga dhigayo waa in 8-da September lagu celiyo doorasho kale.

Yaa ku tartamaya Kenya?

Wax ka ogow musharrixiinta madaxweynaha Kenya

Dooro musharrax si aad u aragto taariikhdiisa

Raila Amollo Odinga

Isbaheysiga Azimio la Umoja

  • 77 jirkaan waxaa uu wax ka soo bartay jaamacadda farsamada ee Magdeburg ee loo yaqaano (Otto-von-Guericke Magdegburg) oo ku taalla Jarmalka.
  • Wuxuu ku tartamayaa xisbiga Isbahaysiga Azimio
  • Tani waa markiisii shanaad ee uu tartamayo. Wuxuu soo tartmay: 1997, 2007, 2013 iyo 2017
  • Odinga waa mid ka mid ah halyeeyadii u soo dagaalamay dimuquraadiga Kenya. Horay ayaa loo xiray.
  • Wuxuu noqday ra'iisul wasaare intii u dhaxeysay 2008 - 2013
  • Odinga wuxuu masuul ka ahaa mashaariic waawayn oo ay fulisay dawladii Kibaki, sida koronto galinta deegaanada miyga iyo mashruucii wadoooyinka
  • Kobcinta dhaqaalihiisa isaga oo sameynaya maal galinta ganacsiyo yaryar iyo qaybta warshadaha wax soo saara
  • Bixinta adeegyo caafimaad oo aasaasi ah
  • Tsiilaadka ciyaaraha iyo horumarinta bulshada
  • Kadib isku day afgambi oo dhacay 1 dii Agoosto ee sanadkii 1982 dii, Raila Odinga waa la xiray waxaana ku dhacay xukunno kala duwan, oo ay ka mid tahay khaa'inul wadanimo oo ah tii loo xiray iyada oo an cadeyn loo hayn. Gudiga dib u heshiisiinta iyo cadaaladda dhabta ah ayaa loo sheegay sanadkii 2011 in Odinga uu xariir lalahaa maskaxdii ka dambeysay afgambiga. Odinga marwalba wuu iska diidayay in uu ku lug lahaa afgambiga - Kaydka Taariikhda Kena

William Samoei Ruto

Isbaheysiga Kenya Kwanza

  • 55 jirkaan ayaa haysta shahaadada PhD oo uu ka diyaariyay Cilmiga Beeraha iyo Xaywaanka oo ku dhigtay jaamacadda Nairobi
  • Wuxuu u tartamayaa xisbiga Midowga Dimuquraadiyadda oo xulufo la ah ( Xisbiga Kenya Kwanza)
  • Wuxuu hugaamiyo u ahaa ururka sumcad xumadu ku dhacday ee Youth for Kanu '92 (YK'(92)
  • Wasaaradiisu waxay ahayd tan ugu wanaagsan xukuumadii ay ka tirsanayd xilligii uu ahaa Wasiirka Beeraha
  • Wuxuu noqday madaxweyne ku xigeenkii ugu horeeyay ee Kenya tan iyo markii la badalay dastuurka sanadkii 2010 kii
  • Wuxuu ahaa xildhibaan matala Wuqooyiga Eldoret sanadihii 1997 - 2007
  • Sanadkiiba $424 malyan oo doolar ayuu u quundeyn doonaa ganacsiyada yaryar
  • Wuxuu aasaasi doonaa santuuqa waxbarashada qaran oo bixiya cuntooyinka ardeyda
  • Wuxuu si buuxda u dhaqan galin doonaa sharciga jinsiga ee 3 meelood 2 isaga oo haween ka dhigay kala bar golahiisa wasiirada
  • 2008 dii maxkamadda Sare ee Kenya aya ku amartay mudane Ruto in uu soo ceelinyo beer 100-acre ah uuna bixiyo $62,500 oo uu siinayo Adrian Muteshi, oo ah beeraleey ku eedeeyay in uu xoog uga qaatay dhulka kadib doorashadii 2007 dii. - Sharciga Kenya
  • 2011 kii Ruto wuxuu wajahay dacwad ku aadan saddex dambi oo ka dhan ah bani'aadanimada: Dil, barakicin iyo dad uu si qasab ah uga soo waday deegaano iyo caddibaad uu u geystay dadweynaha taas oo la geeyay Maxkamadda Dambiyada Caalamiga ah. Shan sano kadib maxkamadda ayaa lashay dawcadaha iyada oo sheegtay in eedeymuhu aysan haysan cadeymo ku filan

George Wajackoyah

Xisbiga Roots Party

  • 61 jirkaan ayaa laba mastar oo ku saabsan sharciga kahaysta jaamacadaha Warwick iyo Baltimore
  • Wajackoyah ayaa u tartamaya xisbiga Roots Party.
  • Wuxuu ahaa sarkaal ka tirsan Laanta Khaaska ah xilligii dawladii Daniel Moi ka hor intii aan lagu qasbin in uu dalka isaga tago isaga oo ka cararaya dacwado ay ku soo oogi lahaayeen madaxdu.
  • Wuxuu aasaasay shirkad qareenada sannadii 2018
  • Wuxuu arrimaha sharciga iyo dhaqaalaha ka barayay jaamacada ku yaalla Mareykanka iyo Kenya
  • Sharciyaynta in maandooriyaha marijuana loo adeegsado wax soo saarka warshadaha
  • Inuu ka dhiga maalmaha shaqada Isniin ilaa iyo Khamiis
  • Caafimaad bilaash ah iyo taageerada dadka waawayn, kuwa jilicsan iyo haweenka uurka leh

David Mwaure Waihiga

Xisbiga Agano Party

  • David Mwaure wuxuu u tartamaya xisbiga Agano Party
  • Waa hugaamiyaha xibiga Agano
  • Wuxuu haystaa shaadada koobaad ee jaamacadda oo ka diyaariyay sharciga oo ka dhigtay jaamacadda Nairobi iyo shahaadada labaad oo uu ka diyaariya hugaaminta
  • Waa qareen sare isaga oo ku shaqeynayay sharciga in kabadan soddon sano.
  • Wuxuu leeyahay shirkad ka shaqaysa sharciga isaga oo marar kala duwan u tartamay kuraas siyaasadeed
  • Wuxuu aasaasay xisbiga Agano sanadkii 2006 dii
  • La dagaalanka musuqa
  • Abuurista shaqooyin
  • Dib u soo celinta hantida Kenya ee dibada ku maqneyd
1px transparent line