Doorashada Kenya 2022: Arrimaha muhiimka ah ee aad u baahan tahay inaad ka ogaato Kenya doorashada ka hor

Dalka Kenya 9-ka bisha August waxaa ka dhaceysa doorashada guud. Doorashadan ayaa si weyn isha loogu hayaa natiijada ka soo bixi karto gaar ahaanna musharrixiinta u tartamaysa kursiga madaxweynaha ee dalkaasi ugu sarreeya.
Haddaba doorashadan sida weyn ay musharrixiinta ugu loollamayaan waxaa hareeyey arrimo muhiim ah oo codbixiyeyaasha doorashada codkooda ka dhiibanayana ay si weyn u daneynayaan. Qodobbadaasina waxaa ka mid ah:
1. Nolosha aadka u sarreyso
Doorashada Kenya ayaa ku soo aadday xilli dalka Kenya uu ku jiro xaalad dhaqaale oo aad u adag.
Shacabka Kenyana waxay raadinayaan dowladdii mustaqbalkooda jideyn laheyd oo xaaladda taaganna si weyn wax uga baddali lahayd.
Xilligii uu taagnaa cudurka safmarka ee Covid-19, dowladdu waxay ka noqotay cashuurta ay ka qaadi jirtay dadka dakhligoodu hooseeyo si loo yareeyo saameynta dadkaasi uu u geysan karo cudurka safmarka.
Qiimaha cuntada iyo waxyaabaha daruuriga ah ayaa si la yaab leh sare ugu kacay. Cunnooyinka iyo cabitaanka celcelis ahaan waxay kordheen 12% marka loo fiiriyo sida uu qiimaha ahaa bishii July ee kal hore, halka kirada guriyaha, gaaska iyo korontada ay qaaliyoobeen oo uu ku yimid koror gaaraya 7%.
Cunnooyinka qaarkood qiimahooda si aad ah ayay u kordheen sida saliidda cuntada 52%, burka cad 44%, ugaalida (sariirta) 24%, caanaha 19%, halka rootiga iyo jabaatigana uu ku kordhay 12%.
Dalka Kenya waxaa sidoo kale saameyn weyn ku yeeshay abaaraha ku dhuftay waddamada Geeska Afrika. Isku duwaha arrimaha bani'aadaminimada ee xafiiska Qaramada Midoobay waxay sheegtay qayaas ahaan 2.9 malyan oo qof oo Kenya ku nool iney gargaar degdeg ah u baahan yihiin.

Xigashada Sawirka, BBC
2. Waddanka gobolka ugu xoogganaa dhaqaalaha oo xaalad adag ku sugan
Dalka Kenya oo ah dalka labaad ee ugu xooggan dhaqaalaha Geeska Afrika ayaa kobaca dhaqaalaha dalka wuxuu kor u dhaafayaa $110 balyan oo doolar. Halka Itoobiya ay gobolka ugu horreysa uu kobaceeda dhaqaalaha uu gaarayo $111 balyan oo doolar.
Haddana dakhliga Kenya marka loo qaybiyo muwaddiniinta dalka waxay noqoneysaa $2,007, halka Itoobiyana uu noqonayo $944 maadaamaa uu badan yahay dadka dalkaasi ku nool.

3. Deymaha dalka lagu leeyahay
Dalka Kenya oo ku sugan xaalad dhaqaale oo aad u adag, deynta dalkan lagu leeyahay dabayaaqadii sanadkii hore waxay ahayd $72.6 balyan oo doolar oo u dhiganta (8.2 trillion oo shilin).
Dakhliga dalka soo gala marka loo qaybiyo tirada dadka ku nool dalkan Kenya wuxuu gaaraya $1,470 halka uu 2013-kii marka uu talada dalka Kenya uu qabanaya uhuru Kenya uu ahaa $499 doolar oo keli ah.

4. Muwaaddiniinta Kenya ee dhalinyarada ah
Seddex meelood meel shacabka 52 malyan gaaraya oo ku nool dalka Kenya da'doodu waxay u dhaxeysaa 18-35 jir. Intooda badanna dadkaasi waa shaqo la'aan inkastoo ay leeyihiin aqoon iyo xirfad ay ku masruufaan naftooda iyo qoyskooda.
2.9 malyan oo qof oo keli ah ayaa ku tiirsan shaqooyinka caadiga ee laga helo mushaarka joogtada ah, ama ku tiirsan ilo dhaqaale oo la isku halleyn karo.

5. Horumarka Waxbarashada aasaasiga ah
Waxbarashada waxay sida oo kale ka mid tahay qodobbada ugu muhiimsan ee doorashada. Mr Ruto wuxuu markii hore sheegay manhajka la hirgeliyey 2017-kii inuu meesha ka saarayo inkasta oo markii dambe uu isbeddelay oo uu sheegay inuu wax ka baddalayo balse uu meesha uusan ka saareyn.
Halka Mr Odinga uu sheegay inuu ku soconayo mashaariicdii horay uu u meel mariyey madaxweyne Uhuru oo uu ka mid yahay manhajka CBC.
Dowladda ayaa 2003-dii ku dhawaaqday waxbarasha heerka koobaad iney bilaash tahay taasoo horseedday arday aad u badan iney goobaha waxbarashada ku xaadiraan.
Ku dhawaad dhammaan ardayda ay da'doodu waxbarshada gaartay waxay iska diiwaangeliyeen dugsiyada hoose, kaddibna ay u gudbeen 2020-kii tirada ardayda oo gaaray 91-95%.

6. Celcelis ahaan cimriga qofka
Celcelis ahaan cimriga qofka uu noolaan karo ee dalka Kenya oo ah 64, ayaa ah kan ugu sarreeya qaaradda Afrika, inkasta oo uu aad uga hooseeyo qaar badan oo ka mid ah waddamada soo koraya.
Saboolnimada haysta dad badan oo dalka Kenya ku nool waxay ka hor istaagtay iney helaan adeegyada caafimaadka iyo cunnooyinka nafaqada leh.

7. Helitaanka adeegyada Korontada iyo Interneetka
Guud ahaan shacabka Kenya marka loo fiiriyo waddamada kale ee gobolka ku yaalla waxay helaan adeegga korontada. adeeggaasi oo gaaraya 71% inkasta oo dad badan oo ku nool dhulka miyiga iyo deegaannada fogfog ay weli adeeggaasi helin.
Dalka Kenya oo Korontada ugu badan ka dhaliyo biyaha sida oo kale wuxuu koronto ka dhaliyaa dabeesha.
Musharixiinta u taagan xilka madaxweynaha ayaa ballan qaaday in ay dhimi doonaan qarashka ku baxa awoodda iyo in ICT-da looga faa'ideeyo kobaca dhaqaalaha.

8. Qurba joogta Kenya
Qurbajoog tira badan oo dalka Kenya ka soo jeeddo ayaa dibadaha ku nool, iyaga oo qaar badan ay dalkooda lacaga badan dib ugu soo diraan.
Daraasad uu sameeyey bangiga dhexe ee Kenya waxaa lagu sheegay qaar badan oo qurbajoogtaasi ka mid ah waxay ka shaqeeyaan dhinacyada caafimaadka, arrimaha bulshada, maaliyadda, caymiska iyo waxbarashada.
Lacagaha ay dadka qurba joogta ah u soo diraan qoysaskooda ku nool dalka Kenya waxay gaartay $3.6 balyan oo doolar sanadki hore.
Dalka Mareykanka waxaa ku nool qurbajoog gaareysa ku dhawaad 23%, UK 7% iyo Isutagga Imaaraadka Carabta 6%.
Guddiga doorashooyinka qaranka ee dalka Kenyana waxay qorsheynayaan qurbajoogta Kenya oo ku nool 12 dal iney doorashada ka codeeyaan.

Xigashada Sawirka, AFP
9. Cod bixiyeyaasha diiwaangashan
Doorashada ka dhaceyso dalka Kenya sanadkan waxaa codkooda ka dhiibanaya 22 malyan qof.
Qofka kursiga madaxweynaha ku guuleysanayana waa codadka doorashada laga dhiibtay waa inuu ka helaa 50% wixi ka sarreeyo.
Musharrixiintana waxay ololahooda doorashada ay uga hadleen maciishadda sarreysa iyo shaqa la'aanta dhalinyarada.
Si kastaba ha ahaatee, doorashada Kenya waxaa saameyn weyn ku leh qabiilka iyo deegannada ay doorashada ku dhaceyso.
Gobolka Waqooyi-Bari waxaa codkooda ka dhiibanayaa codbixiyeyaal gaaraya 900,000 waana gobolka dadka ugu yar ay codkooda ka dhiibanayaan. Inkasta oo tirada codbixiyaasha ay ku koradhay 26% halka ay 2017-kii ahayd 718,000.












