Colaadda Ukraine: Maxay ciidamadan u diideen inay ka dagaallamaan Ukraine?

Russian servicemen stand guard near the Kakhovka Hydroelectric Power Plant near Kherson, Ukraine - 20 May 2022

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Ciidamada Ruushka ee ku sugan meel u dhow Kherson, Ukraine - 20 May 2022

Ciidamada Ruushka qaarkood ayaa diidaya inay ku laabtaan oo ay ka dagaallamaan Ukraine sababo la xiriira wixii ay kala soo kulmeen furinta hore ee dagaalka billowgii hore ee duullaanka, sida laga soo xigtay qareennada xuquuqda aadanaha ee Ruushka. BBC-da ayaa la hadashay mid ka mid ah ciidamadaas.

"Ma doonayo inaan dib ugu laabto Ukraine si aan wax u dilo ama la ii dilo," ayuu yiri Sergey - ma aha magaciisa saxda ah - oo shan toddobaad joogay dagaalka Ukraine horraantii hore ee sanadkan.

Hadda wuxuu joogaa Ruushka, isagoo la siiyay talo ku aaddan inuusan dib ugu laaban furinta hore. Sergey waa uun mid ka mid ah boqollaal ciidamada Ruushka ka tirsan oo la rumeysan yahay inay doonayaan talo noocaas oo kale ah.

Sergey ayaa sheegay inuu tiiraanyo kala kulmay wixii uu kala soo kulmay Ukraine.

"Waxaan moodayay inaan nahay ciidamada Ruushka, kuwa ugu awoodda badan adduunka," ayuu si careysan u yiri ninkan dhalinyarada ah. Taas beddelkeed waxaa laga doonayay inay dagaallamaan iyadoo aan xitaa heysan qalabka aasaasiga ah, sida qalabka habeenkii wax lagu arko, ayuu yiri.

"Waxaynu ahayn sida bisado yaryar oo indhaha la'. Waxaa iga yaabiyay ciidamadeenna. Wax badan kuma qaadan lahayn inay qalab na siiyaan. Maxaanan sidaa loo sameyn?"

Sergey ayaa ciidamada ku biiray isagoo maraya hannaanka qasabka ah - nta badan ragga Ruushka ee ay da'doodu u dhaxeyso 18-27 waxaa qasab ku ah inay dhammeystaan hal sano oo ka mid noqoashada militariga ah. Balse bilooyin yar kaddib, wuxuu go'aansaday inuu saxiixo qandaraas labo sano ah oo mushaar uu ku qaadanayo.

Bishii January, Sergey waxaa loo diray meel u dhow xadka Ukraine isagoo loo sheegay inuu ka qeyb galayo dhoollatus militari. Bil kaddib - 24 February, maalintii Ruushku bilaabay duullaankiisa - waxaa loo sheegay inuu ka gudbo xadka. Wax yar kaddib guutadii uu ka tirsanaa ayaa dareentay in weerar uu ku socdo.

Markii ay fiidkii ku hakadeen meel beer ah, taliyahooda ayaa yiri: "Hagaag, sida aad haatanba dareenteen, tani maaha kaftan."

A convoy of Russian military vehicles heading towards the Donbas region - 23 February 2022

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Kolonyo ciidamada Ruushka ah oo ku wajahan gobolka Donbas - 23 February 2022

Sergey wuxuu sheegay in gebi ahaanba ay la yaab ku noqotay.

"Wixii ugu horreeyay ee igu dhacay waxay ahayd 'Ma tan baa dhab ahaantii i heysata?'"

Si joogto ah ayaa loo duqeynayay, sida uu sheegay, labada goorba markii ay socdeen iyo markii ay habeenkii hakanayeen. Guutadiisa oo ka koobneyd 50 qof, 10 waa la dilay 10 kalena waa la dhaawacay. Inta badan waxay da'doodu ka hooseysay 25.

Wuxuu sheegay in kolnyadii uu la socday - ee ka baxaysay waqooyiga Ukraine - ay kala firxadeen afar maalmood kaddib sababtoo ah waxaa qaraxday buundo ay doonayeen inay ka gudbaan, taas oo ay ku dhinteen ciidamada qaar.

Dhacdo kale, ayuu Sergey sheegay inuu ku qasbanaaday in askar ku jirtay gaari gubanaya uu ka soo saaro.

"Wuxuu qarax ka dhashay bambo. Dab ayaa qabsaday waxaana gudaha ku jiray ciidamo Ruush ah. Waanu ka gududbnay, annagoo xabbaado rideyna intaan soconno. Dib uma eegin."

Local residents look at a destroyed Russian tank in Sloboda, Chernihiv, Ukraine - 8 May 2022

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Dadka deegaanka oo eegaya taangi Ruushku leeyahay oo ku burburay Sloboda, Chernihiv, Ukraine - 8 May 2022

Guutadiisa ayaa u dhaqaaqday dhanka miyiga Ukraine, balse ma jirin qorshe cad, sida uu sheegay. Ma imaan ciidamo xoojin ah askartana ma heysan qalab u suurto gelinaya inay qabsadaan magaalo weyn.

"Waxaanu baxnay innagoo aan heysan helikobtarro - annagoo safan, sida annagoo u soconna inaan gaardin u soconna."

Wuxuu aaminsan yahay in taliyeyaashiisa ay qorsheeyeen inay degdeg ku qabsadaan magaalooyin waaweyn - ayna u iska dhaadhiciyeen in dadka reer Ukraine ay si fudud isku dhiibi doonaan.

"Hore ayaanu u dhaqaaqnay annagoo habeennada qaar hakannay wax qalab ahna aan heysan. Cidna meesha ugama tegin, marka haddii uu qof gadaal naga soo weeraro ma jirin wax naga difaacaya.

"Waxaan u maleynayaa in qaar badan oo askarteenna ka mid ah ay u dhinteen sababto taas la xiriirta. Haddii aan si tartiib tartiib ah u socon lahayn, haddii aan iska jiri lahayn miinooyinka waddooyinka waxaa laga baaqsan lahaa dad badan oo naga dhintay."

Cabashooyinka Sergey ee ku aaddan qalab la'aanta ayaa sidoo kale waxaa laga maqlay wada sheekeysi telefoonka ah oo la sheegay inuu u dhaxeeyo ciidamo Ruush ah iyo qoysaskooda, kaas oo ciidamo Ukraine ka tirsan ay ku wadaageen baraha internet-ka.

Bilowgii April, Sergey ayaa dib looga celiyay xadka waxaana la geeyay xero ku taalla dhanka Ruushka. Ciidamada ayaa laga saaray waqooyiga Ukraine waxayna u muuqdeen kuwo dib isku soo abaabulaya iskuna diyaarinaya inay weerar ku qaadaan bariga. Xilli dambe oo bishaas ah waxaa lagu wargeliyay inuu dib ugu laabto Ukraine - balse wuxuu taliyihiisa u sheegay inuusan u diyaarsaneyn inuu baxo.

Banner with the letters Z and V, in support of the Russian military, on a building in Moscow - 19 May 2022

Xigashada Sawirka, EPA

"Wuxuu igu yiri rabitaankaaga ayuu ahaa. xitaa iskuma dayin inay na joojiyaan sababtoo ah ma ahayn kuwii ugu horreeyay," Sergey ayaa sidaas u sheegay BBC-da. Balse, wuxuu aad uga walwalsanaa sida ay guutadiisa uga falcelin doonaan diidmadiisa.

Qareen ayaa Sergey iyo labo kale oo guutadiisa ka tirsan u sheegay inay celiyaan hubkooda ayna dib ugu laabteen xarunta guutadooda ayna gudbiyaan warqad ay ku faahfaahinayaan inay jir ahaan iyo maskax ahaanba daallan yihiin ayna sii wadi karin dagaalka Ukraine.

Sergey ayaa loo sheegay in dib ugu laabashada guutada ay muhiim tahay sababtuna ay tahay in ka bixitaanka loo qaadna karo amar diiddo, taas oo xukunkeedu noqon karo labo sano oo xabsi ah.

Taliyeyaasha ciidamada ayaa isku daya in ciidamada qandaraaska ku jooga ay ku cabsi geliyaan inay la joogaan guutadooda, sida uu sheegay Alexei Tabalov oo u dooda xuquuqda aadanaha una dhashay Ruushka. Balse wuxuu sheegay in sharciga militariga ee Ruushka uu u oggol yahay ciidamada inay diidaan inay dagaallamaan haddii ay sidaas gartaan.

Sergei Krivenko oo isna u dooda xuquuqda aadanaha ayaa sheegay inuusan ka warqabin wax xukun ah oo ka yaalla diidmada dib ugu laabashada furinta dagaalka.

Taasina micnaheedu maaha inuusan jirin isku day dacwad ku soo oogid ah.

Russian service personnel rehearse for the Victory Day Parade in Moscow - 7 May 2022

Xigashada Sawirka, Reuters

Mid ka mid ah taliyeyaasha ku sugan waqooyiga Ruushka ayaa codsaday in kiis dembi ah lagu soo oogo kuwa aan dooneyn inay dib ugu laabtaan Ukraine, balse dacwad-oogaha miliyariga ayaa diiday arrintaas, sida laga arki karo dukumentiyo ay heshay BBC-da.

Mana jiro wax damaanad qaadaya in dacwado kale aysan jiri doonin mustaqbalka.

Ciidamada sida Sergey - ee ka caga jiidaya inay ku laabtaan furinta - ma aha wax cusub, sida uu qabo Ruslan Leviev, oo ah tifaftiraha Kooxda Sirdoonka Dagaalka, oo ah mashruuc warbaahineed oo lagu baarayo waxa uu militariga Ruushka kala kulmay dagaalka Ukraine iyadoo wareysiyo xogtooda la dhowray lala yeelanayo ciidamada.

Leviev ayaa sheegay in kooxdiisa ay qiyaasayaan in ciidamo badan oo da' yar qandaraasna ku jooga oo la geeyay Ukraine si ay uga dagaallamaan bilowgii duullaanka ay diideen inay dib u laabtaan.

Russian President Vladimir Putin visits soldiers wounded during the conflict in Ukraine - 25 May 2022

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Madaxweyne Vladimir Putin oo booqanaya ciidamada ku dhaawacmay dagaalka Ukraine - 25 May 2022

Warbaahinta madaxa bannaan ee Ruushka ayaa sidoo kale soo tebisay boqollaal kiis oo ciidamo diiday inay dib ugu laabtaan Ukraine tan iyo bilowgii April.

Dhowr qareen u dooda xuquuqda aadanaha oo ay BBC-du la hadashay ayaa sheegay inay si joogto ah talo u siinayeen rag isku dayayay inaysan ku laaban Ukraine. Mid walboo ka tirsan kuwa aan wareysannay ayaa gacanta ku hayay kiisas dhowr ah waxaana la rumeysan yahay in ciidamadaas ay sidoo kale talo la wadaagayeen saaxiibbadood.

Inkastoo Sergey uusan dooneyn inuu dib ugu laabto furinta dagaalka, wuxuu haddana doonayaa inuu sii wato howsha militari ee qabyada u ah si uu uga fogaado waxyaabaha mustaqbalka uga imaan kara. Balse taasi micnaheedu waa in laga aqbalay codsigiisii ahaa inuusan dagaallamin - ma jirto damaanad qaad ah inaan dib loogu celin doonin Ukraine.

"Waxaan arkaa inuu dagaalku sii socdo, ma joogsanayo," ayuu u sheegay BBC. "Bilooyinkan [adeegga qasabka ah ee militariga] ee aan ka soo tegay, wax walba - oo ay ku jirto tan ugu daran - ayaa dhici kara."