Colaadda Ukraine: "Meydadka ayaan meel wada seexannaa"

Derbiga caddaanka ah ee qeybta hoose ee iskuulka Yahidne wuxuu dadka deegaanka u yahay kalandar lagu qoray qad casaan ah. Wuxuu muujinayaa xilli aan tiiraanyadiisu la qiyaasi karin - laga soo bilaabo 5 March ilaa 2 April.
Yahidne, oo 140km (80 meyl) u jirta waqooyi-galbeed Kyiv ahna duleedka magaalada Chernihiv oo u dhow xadka Belarus iyo Ruushka, ayaa ku dhowaad bil waxaa heystay ciidamada Ruushka.
Markii ay galeen, waxay qori caaraddii guryahooda uga kaxeysteen rag, haween iyo carruur waxayna muddo toddobaadyo ah ku hayeen gudaha iskuul halkaas ku yaalla - qiyaastii 130 qof ayaa la isugu geeyay qol cabbirkiisu yahay 65 mitir isku wareeg ah (700 sq ft).
Mykola Klymchuk oo 60 jir ah dadkaas ayuu ka mid ahaa. Wuxuu naga oggolaaday inuu na tuso halkii lagu hayay.
Markii aan ka degannay dhowr jaranjaro oo gaagaaban, waxaa inoo soo uray wax qurmay. Qolku wasakh buu ahaa - joodariyaal, dhar, iyo buugaag ayaa daadsanaa dhulka, afar sariiro yar yar ayaa yaallay bartamaha halka maacuun ay taallay geeska.
Mykola ayaa na geeyay geesta ugu dambeysa qolka.
"Kani wuxuu ahaa haaf mitirkii aan ka lahaa qolka. Anigoo taagan ayaan seexan jiray," ayuu yiri. Hadalka ayaa ku mergaday wuxuuna bilaabay inuu ooyo. "Birtan ayaan maro iskula xiray si aanan u dhicin. waxaan 25 habeen ah ku jiray sidan."
Mykola ayaa sheegay inaadan is dhaqaajin karin gebi ahaanba adiga oo ka baqaya inaad qof ku istaagto. Ilaa 40 ama 50 carruur ah ayaa ku jiray dadka la soo qabtay, dhallaan yaryar ayaana ka mid ahaa. Kii ugu yaraa wuxuu jiray labo bilood.
Ciidamada Ruushka ayaa degdeg ku gaaray xaafadaha sida Yahidne markii ay weerar ku qaadeen Chernihiv. Muddo toddobaadyo ah magaalada oo ay ku noolaayeen 300,000 oo qof waxaa go'doomiyay ciidamada Ruushka oo hareereeyay isla markaana bambaanooyin ku garaacay. Waxay sidoo kale burburiyeen buundo magaalada ku xireysay caasimadda Kyiv, taas oo sababtay in dadku ay waayaan meel ay ka baxaan.
Haatan ciidamada Ruushka ayaa isaga baxay halkaas, kaddib markii ay ku guul darreysteen inay qabsadaan Kyiv. BBC-du waa mid ka mid ah warbaahintii ugu horreysay ee gaarta halka ay ka baxeen si ay usoo arkaan raadadkii ay reebeen weerarkii ciidamada Ruushka. Maaddaama ay magaaladu aad ugu dhowdahay xadka, dadka ayaa ka walwalsan in Ruushku mar kale soo laaban karo.

Anastasi oo 15 jir ah waxay ku sugneyd qeybta hoose ee Yahidne waxaana la joogay aabbaheed iyo ayeeyadeed.
"Wax qol ah maba la arki karin. Annagoo kor u fadhinna ayaan halkan ku nooleyn. Istaag ayaan ku hurdi jirnay. Maba aynaan hurdinba. Suurtogal ma ahayn. Gantaallo badan ayaa agagaarkan ku soo dhacayay. Looma adkeysan karin," ayay tiri.
Qolku ma lahayn hawo. Labadiisa daaqadood way cilladeysnaayeen.
"Intii aan halkan joogay, 12 qof ayaa dhimatay," ayuu yiri Mykola.
Waxaan la nooleyn meydadka
Badankood waxay ahaayeen dad da' ah. Ma cadda waxa ay u dhinteen, balse Mykola wuxuu aamisan yahay inay neefta ku dhegtay.
Markii ay dadku dhinteen, meydadka durba lama qaadi karin. Ciidamada Ruushku ma oggolaan jirin maalin walba. Dagaalka joogtada ah ee bannaanka ka socday awgiina - madaafiicda, qaraxyada iyo rasaasta - sidoo kale khatar ayay ahayd.
Taasi waxay ka dhigneyn in dadka, oo carruurtu ka mid tahay, inay saacado la noolaayeen meydadka, mararka qaarna maalmo ilaa dibadda looga bixiyo.

"Aad ayay u cabsi badneyd. Waan garanayay dadkii dhintay," ayay tiri Anastasi. "Aad ayay noo daryeelayeen. Murugo ayaan dareemay, halkan ayay ku dhinteen sabab la'aan."
"Xaaladaha caadiga ah, ma aysan dhiman lahayn. Putin waa dembiile dagaal," ayuu yiri Mykola.
"Lugaheygu way barareen. Balse waxaan is iri, waa inaan badbaadaa. Waan ku qasbanahay, anoo u sameynaya gabadheyda iyo labada gabdhood ee aan awoowaha u ahay."
Inta badan dadka looma oggoleyn inay dibadda u baxaan oo ay suuliga aadaan. Waxaa loo sameeyay baaldiyaal ay isticmaalaan.
"Mararka qaar ciidamada ayaa dadka la baxayay si ay gaashaan uga dhigtaan," ayuu yiri Mykola.
Waxaa loo oggolaa in maalintii labo jeer ay bannaanka wax ku karsadaan. Xaafaddu waxaa taallay cunno ku filan iyo ceel biyood.
Mid ka mid ah ciidamada Ruushka ayaa Mykola u sheegay in loo sheegay inay Ukraine joogi doonaan afar maalmood keliya, oo ku filneyd inay ku qabsadaan Kyiv.
Dadka ay jeclaayeen ayay qubuuraha ka raadinayaan
Taariikhdu markii ay ahayd 3 April, Ruushka ayaa isaga baxay Yahidne.
Ciidamada Ukraine ayaa haatan jooga xaafadda, inta badan dadkii halkaa laga qafaashayna waa la sii daayay.
"Dhowr jeer ayaan habeen walba soo kacayay. Waxaan dareemayay inaan maqlayo dhawaqa toogashada. Waxaan u cararayay waaliddiinteyda, aniga oo baqaya," ayay tiri Anastasi.
Ciidamada Ruushka ayaa qabsaday xaafadaha sida Yahidne ee ku yaalla agagaarka Chernihiv si ay ugu dhowaadaan magaalada kaddibna u maamulaan.
Ma aysan awoodin inay galaan magaalada, balse waxay burbur xooggan u geysteen qeybo badan saraakiishuna waxay sheegeen in ilaa 350 qof oo rayid ah la dilay.

Xigashada Sawirka, EPA
Tan iyo intii Ruushku uu ka baxay hareeraha Chernihiv, dad mutadawiciin ah ayaa aasayay meydadka. Qeyb ka mid ah qabuuraha waxaa haatan ku aasan meydad badan oo dadkii dhowaan geeriyooday ah, iyadoo ay suran yihiin boorar lagu aqoonsanayo.
Qoysaska kala irdhoobay ayaa halkaasi ku qulqulayay si ay usoo eegaan meydka qof ay qaraabo yihiin.
Garoon kubadda cagta ah ayaa la qarxiyay, saraakiisha Ukraine ayaa sheegay in waxa sidaas sameeyay ay yihiin diyaaradaha cirka ee Ruushka. Gumac weyn ayaa dhex yaalla bartamaha garoonka halkaas oo hal bam uu ku soo dhacay. Bam kale ayaa burburiyay qeybo ka mid ah dhismaha waxaana haatan dhex daadsan kuraas caagag ah oo jajaban iyo biro.
Maktabad carruurta ah oo ku dheggan garoonka, isla markaana dhisme taariikhi ah ayaa sidoo kale ay waxyeello soo gaartay.
Markii aan ku dhex soconnay magaalada annagoo gaari wadanna, waxaan marnay dhowr xaafadood oo sidoo kale waxyeello ay gaartay.

Novoselivka, oo waqooyi ka xigta Chernihiv, burburku waa mid kor laga arki karo.
Dhagaxaan iyo bulukeetiyaal ayaa tuban goobo dhismooyin ahaa. Waxaan aragnay jaakad carruur iyo qalabka ay ku cayaaraan markii aanu ku sii soconnay xaafadda.
Intii aan sii soconnay, waxaan aragnay gumacyo badan oo bambada ka haray.
'Maxaanan naloogu digin?'
Haweeney iyo ilmo yar oo baaskiil sita ayaa inoo baaqay si ay inoo soo raacaan.
Nina Vynnyk oo 62 jir ah iyo wiilka ay ayeeyada u tahay oo 10 jir ah laguna magacaabo Danylo, ayaa doonayay inay gurigooda na soo tusaan - hadda waa qolof uun, wax walba oo gudaha iyo bannaanka ahaaba waa la burburiyay.

Gabadha Nina oo ah hooyada Danylo, Ludmyla oo 39 jir ah, ayaa lugta ka go'day waxayna ku jirtaa isbitaal.
Markii guriga Nina madaafiic lagu garaacayay, waxay u carareen guriga qof kale iyagoo gabbaad ka dhiganaya. Balse kaasna waa la weeraray.
"Waxaa dibadda inoo soo saaray qaraxyo. Dad qaar way dhaawacmeen, markii aan soo baraarugnay waxaan arkay gabadheyda oo cabaadeysa, 'Hooyo, hooyo lug iguma taallo'. Naxdin ayay ahayd," ayay tiri.
Ludmyla ayaa soo gurguuratay isbitaal ayaana loo qaaday.
"Waxaan dareemayaa in tani tahay qarow daran. Run ma noqon karto. Maxaysan dowladdeennu inoogu digin? Maxaysan nooga saarin halkan," ayay tiri Nina.
Afar farac oo qoyskeeda ah ayaa ku noolaa gurga. "Muddo gaaban gudaheeda, waxba ma harin. Ma garan karo halka aan ku noolaan doono qaboobaha," ayay tiri.
Ma awooddo inay gabadheeda u iibiso lugta macmalka ah.
Sida lagu sheegay warka Ruushka ma aysan beegsan rayid, sida ay tiri, "Isaga [Putin] waa mid been badan. Haweeney ayaa isbitaal ku jirta iyadoo lug la'aan ah. Taasi waa runta.
"Putin ha bixiyo qalliinka. Putin ha dhiso gurigan. Aad ayuu u doonayay, miyeysan ahayn? Hadda ha bixiyo dhammaan."










