Nin TikTok caan ka ah oo madaxweynanimo u tartamaya

Gustavo Petro and Rodolfo Hernández

Xigashada Sawirka, Anadolu Agency/AFP via Getty Images

Qoraalka sawirka, The second round will see ex-rebel Gustavo Petro (left) running against 77-year-old Rodolfo Hernández

Codbixiyeyaasha Colombia, oo aan waligood horay u dooran hoggaamiye siyaasadddiisu bidixda tahay, ayaa si aqlabiyad leh codkooda u siiyey Gustavo Petro oo horay uga tirsanaa fallaago dalkaasi ka dagaallanta.

Petro ayaa codbixinta wareegga koobaad ee doorashada 12% cod kaga sarreeya musharraxa isaga ku sii xiga balse ma helin codka 50% oo uu guusha ku hanan lahaa.

Wareegga labaad ee doorashada wuxuu la tartamay Rodolfo Hernandez oo ah ganacsade 77 jir ah, Ololihiisa ku saleysan aqoonta uu u leeyahay baraha bulshada ayaa u horseedday in guul lama filaan ahuu codbixinta ka gaaro.

Dhammaan musharrixiinta kusiga madaxweynaha u tartameysa waxay ballan qaadeen iney wax ka baddalayaan siyaasadda dalka Colombia oo muddo dheer majaraha u soo hayen koox tira yar oo is uruursatay.

Rodolfo Hernández: Tartamaaga la hollin waayey

Ololaha doorashada madaxtnimada markii ay billaabatay maalqabeenka Rodolfo Hernandez aad loogama aqoon wixii ka baxsan magaalada Bucaramanga, oo maayar uu ka soo ahaa inti u dhaxeysay 2016-2019-kii.

Markii ugu horreysay oo barta ay bulshada ku xiriirto ee TikTok uu soo dhigay muuqaallo ololahiisa ku saabsan dadka la yaab ayey ku noqotay waxayna aamineen inuu ka guuleysan karin musharraxa caanka ah ee la tartamaya.

Qoraalka Muuqaalka, Musharraxan ololahiisa doorashada wuxuu adeegsaday barta TikTok si uu u gaaro codbixiyeyaasha dhalinyarada ah

Muddo bilooyin ah waxay muwaaddiniinta dadkaasi aaminsanaayen tartanka ugu adag inuu dhex mari doono Gustavo Petro oo ay siyaasadiisu bidixda tahay caanna ka ah dalkaasi iyo Fedrci Gutierrez oo loo garan ogyahay 'Fico' oo ka soo jeeda xisbiga Conservative.

Gutiérrez oo xisbiyada conservative xulafa ah ayaa haystay fursad dhaqaale iyo waaya aragnimo siyaasadeed intaba.

Halka Rodolfo Hernández, uu ahaa musharrax madax bannaan oo aan xisbi siyaasadeed ku tiirsaneen.

Rodolfo inta uu ololaha doorashada ku jiray ma qaban isu soo baxyada ay musharrixiinta sameeyaan, mana ahayn nin si weyn uga soo muuqday doodaha taleefishinka.

Hase yeeshee dadka baraha bulshada kaga xiran ayaa si aad ah sare uga kacay iyaga oo nus malyuun kor u dhaafay muuqaalladasiina ay daawanayeen dad ka badan afar malyan.

Rodolfo Hernández TikTok ka ololeynaya

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Rodolfo Hernández TikTok ka ololeynaya

Wuxuuna musharraxa si gaar ah uu shacabka dalkaasi uuu soo jiitay dadkuna ay naxariis badan ugu muujiyeen telefishiinno lagu marti qaaday markii uu kaga sheekeeyey afduub gabar uu dhalay loo geystay.

Juliana Hernández oo da'deedu 23 jir ahayd 2004-tii waxaa afduubtay fallaga ELN ee ay siyaasaddoodu bidixda tahay, waxayna weydiisteen madax furasho lacageed oo gaareysa $2 malyan oo doolar.

Hase yeeshee Hernandez oo lacagta ay fallagada weydiisatay gabadhiisa inuu ku so furto bixin waayey waxaa lagu wargeliyey in la dilay meydkeeda ayaana loo keenay.

Musharraxa madaxweynaha Colombia Gustavo Petro (Bidix) iyo mushharaxa madxaxweyne ku xigeenka u taagnaa Francia Marquez (Midig)

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Gustavo Petro's

Wixii ka dambeeyey afduubkii iyo dilkii gabdhiisa loo geystay Hernández wuxuu go'aansaday inuu madaxweynanimo isu sharraxo si uu heshiis ula galo ELN, halka ay dowladdu fallaagadi kale ee dalka Colombia ka dagaallameysay ay heshiis la galeen.

Gustavo Petro: Nin horay Fallaaga u ahaa siyaasaddana ku gaamuuray

Inkasta oo Gustavo uu wareeggi koobaad ee doorashada uu cod badan haddana wareeggi labaad waxaa kaga cod badnaaday musharraxa ay siyaasaddiisu bidixda tahay.

Musharraxa seddexaad ee doorashada u taagnaa Fico Gutiérrez, wuxuu taageeray Hernandez isaga oo weliba olole u galay 'sidi Petro meesha looga saari lahaa.'

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, .

Warbaahinta dalka Colombia waxay si weyn uga warrameen doorashada Colombia ee sanadkan sida ay kuwii hore uga duwaneyd.

Codbixinta doorashada wareeggeedi koobaad oo marki hore ay musharrixiinta aad isugu dhawaayeen waxay ku kala tageen wareegga labaad ee codbixinta.

Hernández habeenkii codbixinta wareegga koobaad la shaaciyey oo lagu wargeliyey inuu wareegga labaad uu u gudbay taagerayaashiisa wuxuu kala hadalay bartiisa TikTok.

Wuxuuna soo dhigay farriin ah: 'Waad mahadsan tihiin wareegga labaad inaad ii codeysaan ayaan idinka codsanayaa.'

Ugu dambeyn Rodolfo Hernandez oo caan ka ahaa baraha bulshada gaar ahaanna barta TikTok ayaa laga yaabaa inuu noqdo madaxweynaha doorashada ku guuleysta oo afarta sano oo soo socota dalka Colombia hoggaamiyo.