"Bamkii i dili gaaray waxaa uu ahaa hadyadda nolasheyda"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Guriga uu ku koray xilligii caruurnimadiisa Juan Jose Florian wuxuu ku yaal meel bannaan ah oo u dhaw keymaha roobka badan ee Colombia. Qoyskiisu waxa ay nolol maalmeedkooda ka heli jireen beerista babaayga, liin-macaanta iyo afokadhada.
Balse marka la gaaro xilliga habeenkii waxaa gobolkaasi ka talin jiray kooxa burcad ah oo hubeysan.
Dadkii ka dhego adeegay bandowga ay dhaqan galiyeen waxaa la mariyay ciqaab adag islamarkana kuwa ku mar walba jabiyay bandowga waa la toogtaa.
Maydadka ayaa maalin walba lagu arki jiray waddooyinka iyo keymaha.xilligaas dalkaasi kama jirin waddooyiin fiican iyo telefishino.
Halka carruurta kale ay raacaan kooxaha kubbadda cagta, Florian iyo walaalkiis Miller ayaa si dhuumaaleysi ah u soo baxayay oo daawanayay dabka baxaya habeenkii, iyaga oo ku faraxsanaa ciidamada Colombia ee dagaalka kula jira jabahadda Farc .
"Markii ciidanku halkaas joogaan, waxaan ku ciyaari karnaa bannaanka ilaa goor dambe oo habeenkii ah, carruurta iskuulada-na way ka badbaadeen in si qasab ah loo askareeyo ," ayuu yiri Florian.
Jabhadda Farc - oo la aasaasay 1966-kii lana kala diray 2016, markii ay saxiixeen xabbad joojin - waxay si joogto ah u soo waci jireen guriga qoyska, iyagoo dalbanaya cunto, lacag iyo waxyaabo kale.
Florian iyo walaalkiis Miller labaduba waxay go'aansadeen inay noqdaan askar markii ay weynaadaan.
Markii Miller uu ahaa 23 jir, wuxuu u safray magaalada ugu dhow, wuxuu soo bandhigay dukumeentigiisa barta koontaroolka waxaana loo sheegay inuu ka daahay da'da lagu qoro dadka ku biiraya militariga, balse arrintaasi wax cabasho ah kama muujin.
Toddobaadyo ka dib, koox ka mid ah falaagada Farc ayaa soo booqday qoyska Florian .

Xigashada Sawirka, Getty Images
Reerka mid ka mid ah wiilashooda ayay siiyeen jabhadda waxaana loo sheegay in ay mid kale ka doonayaan.
"Hooyaday waxay isku dayday inay la dagaalanto, iyada oo aad u baryeysa markii ay i wadeen, aad ayay u ilmeysay," ayay yiri Florian.
Florian - oo 16 jir ah 1998 - ayaa lagu qasbay dagaal ay ku dhinteen 260,000 oo qof in ka badan 60 milyan oo qof-na ay ku barokaceen intii u dhaxaysay 1954 iyo 2016, dhinaca kalana waxaa soo jeeday walaalkiis.
Wuxuu ka mid ahaa in ka badan 18,000 oo caruur ah, oo 70% ka mid ah ay da'doodu ka yareyd 15 sano, oo ay qorteen kooxda Farc intii lagu guda jiray 50 sano ee ay halganka hubaysan ku jireen iyaga oo ah jabhaddii ugu weynayd ee Colombia ka jirtay.
"Waxay nala bartilmaameedsadeen cadaadis maskaxeed oo saacado ah,"ayuu yiri Florian ayaa .
Mar walba waxaan ka fekerayay sidii ana ku baxsan lahaa, waxaan maalmahayga ku qaatay qorsheynta arrintan, waxaan arkay sida loo toogtey dadka ka goostay jabhadda kuwaasi oo loo arkayay nay khiyaameeyeen halganka."
Balse Florian markii uu sanad ka mid ahaa jabhadda ayaa waxaa uu arkay fursadii uu ku baxsan lahaa.
Guutadiisii, Jabhadda qeybta 27-aad, ayaa loo diray inay weeraraan saldhig boolis, Ciidanka ayaana halkaasi u soo diray diyaarado helicopter ah.
"Way na arkeen rasaas ayayna nagu fureen," ayuu yiri. "Waxaan ku dhuuntay geed hoostiis, waxaa dusheyda ku wareegayay diyaarada."
Markii ay saaxiibbadiis carareen, Florian waxa uu u soo dhacay guri goobta ku yaala oo ay joogaan nin iyo xaaskiisa - iyaga oo aan ka warqabin ayuu u soo galay.
"Waxaan u sheegay inaan dhar u baah nahay , ninkii wuxuu isiin siiyay Jiinis iyo shaar cad, waxaan ku amara isaga iyo xaaskiisa in dhulka ay jiiftaan, waxaana xirtay dharkii, waxaan ku iri ha madaxa kor uma qadai kartaan ka dib-na guriga kor ayaan ka baxay," ayuu yiri.
"Waxaan arkay goob jidgooyo ah oo ciidanka ay joogaan, qorigii aan watay ayaan iska tuuray, waan soo dhawaaday, waxaan u sheegay askartii inaan ahay jabhad oo aan rabo inaan is dhiibo.
"Waxaan u sheegay inaanan wax cunin laba maalmood, Cunto ayay isiiyeen, waxaana uga sheekeeyay sheekadeyda, Waxay i waydiiyeen walaalkay guutada uu ku jiro, nasiib wanaag walaalkay ayaa ka warbixiyey shaqaalaysiinta qasabka ah, waxayna ii xaqiijiyeen inaan ahay qofkii aan sheegtay." ayuu intaa ku daray
Florian waxaa la geeyay goob ay ku taalla magaalada Bogota halkaasi oo ay ciidamada ku ilaalinayeen.
"Waxaan ka baqay in haddii aan banaanka u baxo ay i arkaan, waxay ahayd wax laga naxo, aad baan u yaraa, waxaanan lahaa cadow wayn oo xoog badan."
Markii uu guriga ku soo noqday, hooyadii waxa ay ku qasbanaatay in ay beerta kala soo cararto carruurteeda kale, kuwaas oo ay u dirtay iskuul ah nooca la seexdo si ay amaankooda u ilaaliso.
Markii Florian uu gaaray da'da 18 jir sannadkii 2000 wuxuu ku biiray ciidamada Colombia, tababarkiisa ka dib waxa uu 12 sano ku qaatay la dagaalanka kooxaha daroogada ka ganacsada iyo kuwa shidaalka tahriibiya.
Walaalkii Miller waxa uu sii watay xirfadiisa milatari, balse waxa uu la kulmay masiibo ka dib markii ay is rasaaseeyeen kooxda Farc magaalada El Dorado, Meta, oo qiyaastii 350km koonfur-bari ka xigta Bogota.
"Wuxuu ahaa hawlgal uu jahwareer badan ka dhashay waxa uuna toogasho ku dilay , balse markii ay meydkii u tageen waxaa soo baxday inuu toogtay saaxiibkiisii ugu fiicnaa, arrintaasi oo muraar dilaac ku noqtay, " ayuu yiri Florian.
Florian ayaa sheegay in ka dib uu u safray goobtii uu gurigooda ku yaalay si uu qoyska u soo eeego.
Hooyadood waaxay iibisay beertii ay lahayd, wayna diiday in ay bixiso cashuur ay ka dalbadeen falaagada Farc.
Xubno ka tirsan jabhadda ayaa ka dib uga daba tagya gurigeedii cusbaa, 12kii bishii July 2012.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Florian wuxuu yiri: "Waxaan xasuustaa inaan arkay wax albaabka agtiisa taagan, waxaana u soo dhaqaaqay xaggiisa, inta aan foorarsaday ayaan gacmahayga soo taagay, waxa xigay oo aan xasuusto waa in aan arkay aniga oo jiifa dhulka oo qaylinaya, islamarkana ay go'an yihiin labadeydii gacmood.
"Lugta midig waxay ka go'an tahay jilibka korkeeda, meel kasta waan ka gubtay .
"Isha midig way maqan tahay, waxaana iga lumay maqalka dhegtayda midig, walaalkey ayaa madaxa i qabtay, waxaana ku qaylinayay, 'I dil. I toog. kuma noolaan karo sidan.' ayuu intaa ku daray.
"Intuu madaxa ii salaaxay ayuu igu yiri, ha i waydiin taas, waad fiicantahay." Waxaan ku qaylinayay cayda si aan isugu dayo oo aan uga caraysiiyo, ka dibna waan suuxay" .
Florian waxa uu toosay 12 maalmood kadib oo uu koomo ku jiray. Bilooyin qalliin iyo maqaar la dhayayay ayaa ku socday. Dareenkiisa waxaa hareeyay niyad-jab, dhalanteed iyo fikrado ah in uu is-dilo.
"Waxaan ku fikiray inaan iska tuuro daaqadda ama jaranjarada," ayuu yiri. "Laakiin waxaan is iri, 'kawaran haddaan guuldareysto, oo aan ku danbeeyo mid ka sii daran?' Waxaan go'aansaday inaan barto socodka si aan ugu boodo baabuur hortiisa. Laakin ugu dambeyntii waxaan ku soo gabagabeeyay ka waran haddii aan noolaado?"
Ka dib bilo uu ku jiray daryeelka degdega ah, waxa uu nasiib u yeeshay in loo wareejiyo Guutada Gaarka ah ee Jose Maria Hernandez, oo ah koox gaar ah oo ka tirsan Ciidanka Kolombiya oo loogu talagalay kuwa ku dhaawacmay iskahorimaadka.
Iyada oo qayb ka ah daawayntiisa, Florian wuxuu bilaabay dabaasha, taasi oo markii dambe isu badashay wax lagu tartamo.
Wuxuu ogaaday inuu biya dhex maquuran karo isaga oo aysan neefta ku dhagin islamarkana muddo dheer uu ku jiri karo si ka duwan saaxibadiis.
Wuxuu bilaabay uu waqti badan galiyo howsha dabaasha.
Intii uu waday howsha dabaasha waxa uu la kulmay dad rayid ah oo ku dhaawacmay shilalka gaadiidka ama ay saameeyeen cudurro naafeeyay qeybo ka mid ah jirkooda, kuwaasi oo uu kal qeyb galay tartanka dabaasha ee Bogota Para-Swimming League.
Florian ayaa waxaa uu bilaabay in uu matalo kooxda ka socota militariga.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Qaar ka mid ah asxaabteyda ayaa noloshooda ku qaatay khamriga si ay xanuunka isaga ilaaliyaan, balse waxaan aniga noolasheyda u weeciyay jiho taasi ka duwan ," ayuu yiri Florian .
"Waxaan bilaabay inaan dabaasho masaafo aad u dheer, dhowrka addin oo ii soo haray, hamigaygu wuxuu bilaabay inuu kobco, tartanka Para-swimming, ma jiraan wax caqabad ahiyo midibtakoor ah .
Waxaa intaa ku daray in dabaasho ay markii dambe u noqotay daawo uu ku caafimaado.
Florian waxa uu ku guulaystay biladdiisii ugu horaysay ee dalka Maraykanka xaflad ay soo qaban qaabisay jaamacada Minnesota sanadkii 2013.
Muddo saddex sano ah wuu tartamayay, isaga oo jabiyay rikoodhada Colombia, Venezuela, Brazil, Mareykanka iyo Canada.
Waxa uu ku guuleystay biladii ugu dambeysay ee ciyaaraha qaranka 2015. Sannadkii xigay, afar sano ka dib markii uu qaraxu dhacay, waxa uu ka baxay ciidanka wuxuuna noqday hawlgab, waxaana uu bilaabay shahaado jaamacadeed oo oo ka diyaarinayay cilmi-nafsiga.
Mar dambe ma awoodo in uu ku tartamo kooxda dabaasha ee milatariga, waxa uu go'aansaday in uu sii wado hammi kale oo isboorti.
"Adeerkey, ninkii i soo koriyay, wuxuu aad ugu mashquulay baaskiil wadida, sida inta badan dadka Colombia," ayuu yiri.
"Intii lagu jiray tartamadii Tour de France, the Giro d'Italia iyo Vuelta a Espana, wuxuu had iyo jeer dhagta ku hayay raadiyaha isaa oo dhageysanayay tartanka iyo halka uu marayo."
Florian ayaa sheegay in uu isaga u arkayay in wadidda baaskiilka uusna awoodin maadaama uu u baahan qofka kaxeynaya in uu gacmo leeyahay.
Balse bishii December 2017 waxaa uu helay xal.
"Waxaa la igu casuumay inaan khudbad dhiirigelin ah ka jeediyo garoonka diyaaradaha ee gobolka Kolombiya ee kafeega, halkaas oo ay joogaan Ciidanka Cirka ee Colombia, waxay rabeen inaan wax yar uga sheego sheekadayda nolosha iyo waxa aan samayo maalin walba.
"La sheekaysiga injineerada, waxaan ogaaday inay khubaro yihiin , waxaan waydiiyay inay iga caawin karaan inaan wax ka beddelo baaskiilkayga waxayna igu yiraahdeen, 'Weligay kuma aannu shaqayn baaskiil, laakiin aynu isku dayno!"
"Waxay fikrado ka qaateen shaqadooda caadiga ah, qaar ka mid ah fikradahayga, waxaanan bilownay inaan ka shaqeyno fikiradahaasi."
Dhaawaciisa ayaa dhibaato aad u weyn ku haya naqshadeeyayaasha baaskiilka. Si kastaba ha ahaatee, injineerada diyaaraduhu waxay qaateen baaskiil 18kg ah, iyaga oo isticmaalaya fiber carbon casri ah waxayna hoos u dhigeen miisaanka ilaa 8.5kg.
Isagoo oo isticmaalaya lacago yar oo tabarucaad ahaan loo siiyay iyo lacagtii yareyd ee uu howgabnimada ka helay , waxa uu maalgeliyay safarradii uu ku aaday tartanka Koobka Adduunka ee Belgium, Taliyaaniga iyo Netherlands, iyo Horyaalkii Adduunka ee Netherlands iyo Purtaqiika.
Sannadkii 2019 shirkadda isgaarsiinta Movistar Colombia waxay bilowday inay maalgaliso isaga isaga oo dlakiisa guulo u soo hoyiyay.
"Colombia, dadka gacmaha ama luguha laga jaray waxaa loogu yeeraa mochos, markii aan bilaabay baaskiilka, waxaan naftayda u sheegay in haddii aan leenahay geesiyaal sida Superman ama Batman, maxaa diidaya inaan noqdo Mochoman?"
Juan Jose Florian hadda waa 39 ji, bishii Nofembar ee sanadkan waxa loo caleemo saaray horyaalnimada qaranka Colombia ee Para-cycling - tartanka waddooyinka .
Wuxuu ku tilmaamay bamkii ku dhawaaday inuu dilo in uu ahaa"hadiyad nololeed iyo dhalashadii labaad".










