Martin Mestre: '26 sano kaddib ayaan helay ninki gabdhayda dilay'

Xigashada Sawirka, Archivo personal
Martin Mestre ku dhawaad 30 sano wuxuu ka war sugayey halka uu ku dambeyn doono kiiska dilka ee loo geystay gabadhiisa oo aan la garaneyn cidda falkaasi geysatay.
Mudda dheerna Booliska iyo garsoorkaba waxay ku howlanaayeen baaritaan qoto dheer oo ay ku ogaanayaan dambiilihii falkaasi geystay.
Wakhtiga waxa uu isa soo guraba aabbaha gabadha wuxuu saxiixay racfaankii ugu dambeeyey ee maxkamadda sare ee Federaalka ee dalka Brazil ay ku diidday in loo gacan geliyo ninkii lagu helay inuu dilay gabadhiisa.
Mestre wuxuu noolashiisa inteeda badan uu ku qaatay sidii uu ku ogaan lahaa Jaime Saade oo 1996-kii lagu xukumay 27 sano oo xarig ah. Hase yeeshee ninkaasi ayaan la xirin oo laba sana ka hor xukunkiisa u baxsaday dalka Colombia.
Baadigoobka soo qabashada ninkaasi looga jiro waxay qaadatay dhowr iyo labaatan sano iyada oo ugu dambeyntii booliska Interpool ay 2020-ki ka soo qabteen magaalada Belo Horizonte ee dalka Brazil.

Xigashada Sawirka, Archivo personal
Ninka fal-dambiyeedka dilka loo haysta ayaa noolal caadi oo deggan ku jiray isaga oo magaci baddashay lana baxay Henrique dos Santos Abdala. Wuxuuna guursaday haweeney reer Brazil ah waxayna u dhashay laba carruur ah.
"Waxaan nabad iyo nasasho buuxda aan helayaa markii la helo ninkii gabadheyda dilay laguna qaado sharciga ciqaabta ee u yaalla dalka Colombia," ayuu yiri Martin Mestre wareysi uu siiyey BBC Brazil.
Fal dambiyeedka dhacay
Nancy waxay ahayd gabadha ugu yar carruurta qoyska Martin Mestre waxaya ku taami jirtay iney diblumaasi noqoto cilmiga diblumaasiyaddana ay Mareykanka ka soo barato.
"Waxay ahayd gabar firfircoon, faraxsan, waxbarasho jecel, marweliba wax akhris ku mashquusha. Waxayna Jecleyd iney barato Sharciga caalamiga iyo Diblumaasiyadda," ayuu yiri Martin.
Balse hammigii gabadhaa 18 jirka ah ay adduunka ka lahayd waxay soo afjarantay 1-da bishii January 1994-kii. Nancy Aabbaheed, Hooyadeed iyo Walaalaheed sanadka cusub ay u dabbaldagayeen iyaga oo ku sugan gurigooda.
Saqdi dhexe ee maalintaa ayuu aabbaheed reerkii macasalaameeyey si uu saaxibbadii uu ula soo dabbaaldago munaasabada sanadka cusub.

Xigashada Sawirka, Archivo personal
Martin gurigiisa ayuu ku soo noqday wuuna iska seexday saacaddu markay ahayd 6-da subaxnimo ayuu hurdadad ka toosay wuxuuna qolkeedii ka fiiriyey Nancy balse waa cidlo oo cidna ma joogin.
Meel kasta markii uu gabadhiisa ka raadiyey oo uu waayey wuxuu aaday guriga Jaime oo ah gabadha saaxibkeed wuxuuna gurigooda tagay wiilka hooyadii oo guriga tirtireyso.
'Hooyadu xilligaa waxa ay tirtireysaa wuxuu ahaa dhiigga gabadheyda hase yeeshee aniga uma fiirsan mana dareemin maadaamaa guriga uu mugdi ahaa,' ayuu yiri Martin oo wixii dhacay xusuusanaya.
Martin wuxuu degdeg uu ku tagay Isbitaalka wuxuuna la kulmay jaime aabbihii oo ku yiri 'gabadhaada iney isdisho ayey damacday haddana waa dhaawac oo qolka qalliinka ayey ku jirtaa'.

Nasiib darro Nancy qolkii bukaannada xaaladaha degdegga oo la geliyey waxaa laga soo saaray 8 maalmood kaddib balse noolal ugalama soo bixin oo waa ay geeriyootay.
Baxsashada dilaaga
Inta qoyska Nancy ay isbitaalka ku dhibbanaayeen booliskana ay ku guda jireen baaritaanka la xiriira gabadha waxa ku dhacay ninka looga shakisan yahay falkaasi Jaime Sade wuxuu u baxsaday dalka Colombia.
"Jaime maalintii uu gabadha dilka u geystayba wuxuu u duulay oo maalintaa kaddib dalka laguma arag," ayuu yiri Mestre.
Booliskana baritaan ay muddo wadeen kaddib waxay ku soo gabagabeeyeen Nancy in la kufsaday kaddibna la dilay jirkeedana dhaawac aad u badan uu ka muuqdo.

1996-kii oo ku beegneyd 2 sano markii ay ka soo wareegtay geerida Nancy maxkamadda Colombia Jaim Saade waxay ku xukuntay 27 sano oo xarig oo uu ku muteystay Kufsi iyo dil.
Booliska baaritaanka ku saameyey kiiskanna waxay sheegeen Jaime marki uu Nancy kufsaday kaddib inuu mdaxa xabbad uga dhuftay.
"Qoyska Jamie marki ay ogaadeen gabadha iney dhimatay iyada oo qaawan meydkeeda mara ayey ku duubeen waxayna geeyeen Isbitaalka si ay uga dhigaan iney naf ku jirtay isbitaalka marki la geynayey," ayuu yiri Mestre.

Xigashada Sawirka, Archivo personal
"Waxaan aaminsanaa marwelibana aan rajeynayayey wakhtiga haba dheeraadee ninki gabadheyda dilay in mar un la soo qaban doono," ayuu yiri Martin.
"Booliska Interpol marki ay isoo waceen oo ay ii sheegeen gacan ku dhiiglihi Gabadheyda dilay farxadda ayaan dhulka ula dhacay ilaahey ayaanna u mahad celiyey gabdheydina waxaan caddaalad u helay 27 sano kaddib, ayuu yiri Martin Mestre.
Geerida Nancy waxay kala dhantaashay farxaddi qoyska oo dhan Mestre iyo xaaskiisa waa ay kala tageen. Halka wiilka keli ee ay dhaleen uu u wareegay carriga Mareykanka.










