Maraykanka: Nin iyo gabadhiisa oo dil ku hafray qof tuugsanaya

Keith Smith ayaa lagu eedeeyay in uu maleegay dilka xaaskiisa

Xigashada Sawirka, KEITH SMITH/FACEBOOK

Qoraalka sawirka, Keith Smith ayaa lagu eedeeyay in uu maleegay dilka xaaskiisa

Nin sheegay in qof tuugsanaya uu xaaskii toori ku dilay sannadkii hore ayaa hadda loo xiray in uu isagu dilka gaystay, sida uu sheegay booliiska gobolka Maryland.

Keith Smith oo 52 jir ah iyo gabadhiisa Valeria oo 28 jir ah ayaa Axaddii lagu xiray meel u dhaw xadka Maraykanka iyo Mexico, iyaga oo loo haysto in ay dileen Jacquelyn Smith.

Qoyska ayaa booliiska u sheegay bishii Disembar in Jacquelyn oo 54 jir ah ay weerar kala kulantay qof tuugsanaya oo ay lacag siin rabtay iyada oo gaarigeeda ku jirta.

Arrintaas ayaa qabsatay ciwaannada warbaahinta dalkaas oo dhan, waxayna horseeday in laga cabsado dadka hoy la'aanta ah.

Jacquelyn aayaa lagu dilay East Baltimore iyadoo ay saacaddu ku sii dhawdahay saqdii dhexe taariikhdu markay ahayd 1 Disembar 2018, sida ay booliisku sheegeen.

Smith iyo Valeria Smith ayaa booliisku ku wargaliyay in iyaga oo ay gaari wada saaran yihiin Jacquelyn oo ah gabadha dhimatay ay arkeen haweenay waddo taagan oo ilmo yar wadata isla markaasna haysata qoraal ay dadka cunto kaga codsanayso.

Smith oo qabay haweenayda dhimatay ayaa markaas sheegay in xaaskiisu ay gaariga qaboojisay daaqadana dajisay si ay lacag u siiso maskiinta.

"Intaas ka dib ayuu nin soo qaabilay wuxuuna isku dayay in uu kala cararo boorsada balse markii ay kula dhagtay ayuu toori ku dhuftay ka dibna baxsaday". ayuu intaas ku daray Smith Qoyska ayaa booliiska ka wacay 911, balse xaaskiisa ayaa markii dambe ku dhimatay isbitaalka.

Booliiska Baltimore ayaa hadda gabadha iyo aabaheedba ku soo oogay dacwado dil. Balse kama aysan hadlin sababta ay u dileen.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

Taliyaha Booliiska Baltimore Michael Harrison oo Axaddii shir jaraa'id qabtay ayaa sheegay in arrintanni ay tahay "masiibo aad u fool xun".

"Caddaymaha aan hayno waxay tilmaamayaan in cidda dilka gaysatay aysan ahayn qof tuugsade ah" ayuu yiri Harrison. "xaaladdu sidaa way ka duwan tahay, dadkuna waxay ka faa'iidaysteen xaaladda Baltimore." ayuu intaas ku sii daray.

"Waxaan rabnaa in aan xaqiijino in runtii caddaatay, caddaaladdiina la helay."