Xanuunka Furuqa Daanyeerka oo walaac hor leh ka abuuray UK

جسيم فيروس جدري القرود

Xigashada Sawirka, Science Photo Library

Qoraalka sawirka, Labaatan kiis oo xanuunkan ah ayaa laga helay UK

Dhaqaatiirta ayaa ka digay in xanuunka Furuqa Daanyeerka uu "saameyn ballaaran" ku yeelan karo adeegyada caafimaadka taranka iyo dadka u baahan intaba.

Xarumaha caafimaadka ayaa ku qasbanaada inay shaqaalahooda ku soo rogaan karantiil, haddii ay la macaamilaan qof qaba xanuunka.

Gudaha London, oo in ka badan 20-ka kiis ee Britain lagu arkay laga diwaan geliyay, ayaa xarumaha caafimaadka taranka waxay dadka ka mamnuuceen inay soo galaan xaruntaas.

Ururka Caafimaadka Taranka iyo HIV ee Britain ayaa sheegay inay ka walaacsan yihiin saameynta caabuqyada kale.

Ururka Caafimaadka Adduunka ayaa sheegay in kiisaska Furuqa Daanyeerka, oo badankood ah kuwo aan darneyn, ay aad ugu yar yihiin Bartamaha iyo Galbeedka Afrika balse ilaa 80 kiis laga diwaan geliyay ugu yaraan 12 dal.

Caabuqan ayaa markii hore laga soo sheegay dalalka Talyaaniga, Sweden, Spain, Portugal, Mareykanka, Canada, iyo sidoo kale Britain, oo ah meeshii ugu horreysay Yurub ee kiiska laga helo.

WHO ayaa sheegtay in ilaa 50 kale oo kiis la baarayo.

Furuqa daanyeerka ayaa ku faafi kara marka qof uu la macaamilo qof qaba. Fayraska ayaa jirka ka gala meelaha dhaawaca ah, ama indhaha, sanka iyo afka.

Cudurkan hore looguma sheegin inuu ku faafi karo galmada, balse waa lagu kala qaadi karaa.

'Shaqaalaha caafimaadka waa in la karantiilaa'

Dr Claire Deusnap, oo ka mid ah ururka caafimaadka taranka ayaa sheegtay in shaqaalaha caafimaadka taranka ay wajahayaan cadaadis xooggan iyadoo Furuqa Daanyeerkana uu xaaladda ka sii darayo.

طفح جلدي

Xigashada Sawirka, UKHSA

Qoraalka sawirka, Finanka uu sababo xanuunkan ayaa mara marxalado kala duwan

"Haddii cudurku uu haatanba culeysinayo shaqaalaha wuxuu yeelan karaa saameyn ballaaran haddii shaqaalaha lagu qasbo inay is karantiilaan, haddii ay la macaamileen qof qaba," ayay intaas raacisay Dr. Deusnap.

"Waxaan ka walaacsanahay saameynta uu ku yeelan karo adeegyada caafimaadka taranka guud ahaan," ayay tiri.

Gudaha London, xarumaha caafimaadka ayaa ka doonaya dhammaanba bukaannada inay shaqaalaha hore ula xiriiraan una sheegaan calaamadahooda, kahor inta aysan ballan sameysan, si dadka qaba calaamadaha Furuqa Daanyeerka looga fogeeyo qolalka sugitaanka oo ay dadku ku jiraan.

Xarumaha caafimaadka ee meelaha kale ayaa dadka qaba finanka loogu baaqay inay goor hore isbitaalka la xiriiraan, si looga sii warqabo.

Shaqaalaha qaar ee xarumaha caafimaadka taranka ayaa haatanba la siiyay tallaalka furuqa daanyeerka, si looga difaaco inuu ku dhaco. Tallaalka Furuqa Daanyeerka ayaa xoogaa difaac siinaya qofka.

Labaatan kiis oo Furuqa Daanyeerka ah ayaa laga helay Britain, kaddib markii 11 kiis oo dheeraad ah la shaaciyay Jimcihii.

Si kastaba, xanuunkan ayaa aad ugu daran carruurta, haweenka uurka leh iyo dadka uu difaaca jirkoodu daciif yahay.

Jimcihii, Wasiirka Caafimaadka Britain Sajid Javid ayaa sheegay in dalkiisa uu soo dhiganayo keydka tallaalka si dadka qaar looga difaaco xanuunkan.

Wuxuu ugu baaqay dadka qaba calaamadaha xanuunkan inay raadsadaan daryeel, baaritaan ayna is karantiilaan si aysan dadka ugu faafin.

Mar wax laga weydiiyay waxtarka daaweynta haatan socota, ayaa wuxuu sheegay inay jirto daaweyn kahortag ah kaddib marka qofku qaado xanuunka, daaweyntaas oo loo fidin karo dadka ugu dhow ee uu la macaamilay, daawadan ayaana lagu tijaabiyay Bartamaha Afrika, wuxuuna sheegay in la sameyn karo wax badan oo cudurka wax looga qaban karo.