Xilligan kala guurka dalka Soomaaliya yaa maamula?

Xigashada Sawirka, Hassan Sheik Mohamud
Doorashada madaxweynanimada ee Axaddi dhacday waxaa lagu doortay Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud inuu Soomaaliya hogaamiyo afar sanadood oo ka bilaabatay maalintaasi, iyadoo islamarkiiba loo dhaariyay xilkaasi.
Balse caadiyan todobaad iyo labo ayay qaadataa inta uu fariisanayo madaxtooyada Villa Soomaaliya , halkaas oo uu weli fadhiyo madaxweynihii hore Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
Waxaase la is weeydiinayaa weeydiinta ah : Yaa xukuma dalka mudadaas todobaadka ah , ma Xasan Sheekh mise Farmaajo?.
Madaxweyne Xasan oo aan weli xilka si rasmi ah ula wareegin ayaa howlahiisa caadiga ah ka wato huteelka Shabeelle uu ololaha doorashada uu ku sameeyey.
Xasan Sheekh ayaa labo maalmood kadib doorashadiisa booqday madaxtooyada, wuxuuna kulan la yeeshay madaxweynihii hore Farmaajo oo weli fadhiya Villada.
Haddaba waxaa la isweydiinayaa sababta madaxweynaha cusub markii la doortayba in isla madashi lagu doortay lagu dhaariyo oo aan la isla sugin dhaarinta iyo xil la wareegidda madaxweynaha waxa diiday.

Xigashada Sawirka, Hassan Sheik Mohamud
"Waxa diidaya kan waxaa weeyaan kalsoonidaas ayaan jirin aaminaad baan jirin tani waxay siin lahayd marka madaxweynaha cusub hadduu 20 cisho ama 10 cisho sugi lahaa oo wakhtigaasi la siin lahaa wuxuu fursad u heli lahaa inuu ka baaraan dego dowlada la dhisayo iyo sida uuu soo dhisayo iyo cidda la dhisi doonta... marka tii hore tan waxay uga wanaagsan tahay waxaa weeyaan fursad ayey siineysay madaxweynaha cusub in isagoo deggan uu ka baaraan dego qorshahiisa," ayuu yiri Senator Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar oo ka mid ah sharci-dejiyayaasha Soomaaliya.
Madaxweynaha cusub haddii la dhaariyey welina xilka si rasmi uu madaxweynihi hore ugala wareegin wakhtigan kala guurka yey mas'uuliyadda dalka saaran tahay? waa su'aasha kale oo ay dad badani isweydiinayaan.
"Iminka kolba haddii madaxweynaha cusub la dhaariyey isagaa mas'uuliyaddii oo dhan haya, madaxweynihii hore ma hayo wax mas'uuliyad ah inkastoo Villa Somalia fadhiyo. Waxaanna isleeyahay amarrada uu madaxweynaha siin lahaa isaga ayey ku soo wada wareegeen haddaanan aad looga fiirsanna waxay keeni kartaa khalkhal siyaasadeed laba meelood oo amar kala yaallo laakiin khlakhal siyaasadeed inuu imaanin waxaa badbaadineysa dadkii aan eheen siyaasiyiinta ee madaxweynihi hore la shaqeynayey iney amar ka qaadanayaan madaxweynaha cusub," ayuu yiri Senator Barfasoor Cabdi Ismaaciil Samatar.
Adduunka kale dowladaha ka jira waa ay dhisan yihiin oo dastuurkooda ayaa si cad loogu qeexay, balse dastuurka ku meel gaarka ee Soomaaliya ciddii qortay arrintan kama ay baaraan degin.

Xigashada Sawirka, Hassan Sheik Mohamud
Madaxweynaha cusub ee la doortay iyo madaxweynaha xilka ka sii tagayo qaabka ay xilka kula wareegaan nidaam shaci ah oo loo maro malahan marka laga reebo dhaqanno soo jiri jiray.
Dastuurka Ku meel gaarka ee Federaalka Soomaaliya Qodobkiisa 91-aad wuxuu qeexayaa oo keli ah muddo xileedka madaxweynaha balse wax intaa dhaafsiisan kama sheegayo sida ay madaxweynayaashu ay xilka kula waregaan.
Seddexda dastuur ee ay Soomaaliya yeelatayna ay wada muujinayaan madaxweynaha xil la wareegistiisa rasmiha iney ka billaabaneyso dhaarta.
"Marka aad akhrisid qodobka 91-aad ee Dastuurka ku meel gaarka ee Soomaaliya xil la wareegista madaxweynaha wuu caddeynayaa oo kama uu dhigaayo wax aanan muuqaal laheen, wuxuuna ku tilmaamayaa madaxweynaha wuxuu xilka xafiiska la wareegayaa marka la dhaariyo muddo xileedka madaxweynahana ay billaabmeyso maalinta madaxweynaha xilka loo dhaariyo madaxweynaha xilka ka dagayana xilka halkaas ayuu ku dhammaaday, marxaladaha kale sida caleema saarka iyo xil wareejinta wa wax la iska bartay," ayuu yiri Sharci yaqaan Abukaate Zakariye Yuusuf.
Madaxweynaha xilka loo doortay xiliga la dhaarinayana waxa go'aaminaya baarlamaanka federaalka Soomaaliya sida uu qabo datuurka ku meel gaarka ah. Baarlamaanka ayaana muddo u qabanaya inkasta oo madaxweynaha cusub ee hadda la doortay markiiba la dhaariyey, baarlamaankana lagu hor dhaariyay.

Xigashada Sawirka, .
"Maadaamaa degganaan siyaasadeed aynan jirin, xisbiyo ay jirin, awoodda xil wareejinta si deggan ay u dhacdo oo gadaal ay gocasho uga imanin waa sida ay aniga ila tahay ayey baarlamaanka u qaateen laga billaabo Carte ilaa iyo haddana dhaqan ay noo noqotay meesha madaxweynaha lagu doorto isla meesha in lagu dhaariyo si ay u dhammaataba ma aqoonsanin iyo doorashada cillad ku jirtay, oo Soomaalida waxay tirahdaa 'Geesa Lo'aad kuleylkaa lagu gooyaa," ayuu yiri Abukaata Zakariye Yuusuf.
Madaxweynaha la doortay ee Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa howsha ku sii wadaa Hoteel Shabeel oo ku yaalla Muqdisho, kaas oo u dhow Garoonka Diyaaradaha Aadan Cabdulle ee Muqdisho. Halkaasoo horay uu uga sameynayay ololihiisii doorashada madaxweynaha.
Xasan Sheekh marki la doortayba wuxuu horay ka gudagalay shaqooyinki loo igmaday isaga oo mas'uuliyiin kala duwan kulamma lla yeeshay.
Wuxuu la kulmay guddoomiyaha Aqalka Hoose Shekh Adan Maaxamed-Nuur Madoobe oo waxayna ka wada hadleen dhameystirka dhismaha hay'adaha dowladda iyo dedejinta howlaha xilliga kala guurka.
Sida oo kale madaxweynuhu wuxuu kulama la yeeshay madaxweynayaasha dowlad goboleedyada iyo qaar ka mid ah midowga musharrixiinta, taliyayaasha ciidamada.
Kulammo gooni gooni ahna wuxuu la qaatay danjirayaal kala duwan sida Danjirayaasha Mareykanka Imaaraadka iyo Sacuudi Carabiya.
Madaxweynaha cusub waxaa la wareegay ciidanka koofiya-casta ee ilaaladaha madaxtooyada. Horay waxaa amnigiisa u sugayay ciidamo ka tirsan milateriga Soomaaliya. Cutubka madaxda ilaalisa ee howlgalka ATMIS ee Midowga Afrika ayaa sida kale ku soo biiray ilaaladiisa gaarka ah.
Madaxweyne Xasan ayaa Axaddii la soo dhaafay waxaa loo doortay inuu Soomaaliya hogaamiyo afar sanadood oo ka bilaabatay maalintaasi, iyadoo islamarkiiba loo dhaariyay xilkaasi.










