Nadaafadda: Sideed khaladaad nadaafad xumo oo jikadaada ka dhaca oo khatartooda leh

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sanad walba, qiyaastii 600 oo milyan oo qof ayaa la dhibtooda xanuun ay ka qaadeen cuntada. Ilaa 420,000 oo ka mid ah ayaana u dhinta.
Waxa ugu badan ee sababa ayaa ah bakteeriya ku dhex faafta cunto dhacday amaba si aan habbooneyn loo keydiyay.
Waxay sababi karaan caabuq daran oo mindhicirrada ah, kaas oo sababa in qofku matago, shuban iyo fuuq-bax.
Khubarrada caafimaadka ayaa koox baaritaan ku sameeysa u xil saaray saameynta dhibaatadan ee dalka Brazil.
Tallaabadii ugu horreysay ee ay kooxdu qaadeen ayaa la daabacay sanadkii 2019, waxayna heleen ilaa 247,000 kiis iyo 195 dhimasho la xiriirta xanuunnada cuntada ka dhasha ee dalkaas intii u dhaxeysay sanadihii 2000 iyo 2018.
"Mid ka mid ah waxyaabaha aan aragno ayaa ah wasakhow badan oo ka dhex jira guriga," ayuu yiri mid ka mid ah kooxda oo lagu magacaabo Pinto.
Dhammaadkii 2021, koox saynisyahanno ah ayaa go'aansaday inay si fiicna u fahmaan dhaqamada dadka marka ay timaaddo keydinta iyo karinta cuntada ee xaaladdan qeyb ka qaata.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haddaba, Waxaanu idiin soo gudbineynaa khaladaadka guud ee jikada ka dhex dhaca iyo sida aad uga fogaan karto.
1. Digaagga oo lagu dhaqo meesha alaabta lagu dhaqo ee jikada
Sida ay sheegeen baarayaasha arrintan, tani waa khalad inta badan ay dadku sameeyaan.
Dad badan ayaa u maleeya in hilib cayriin ah oo lagu dhaqo biyaha tubbada ay ka saareyso wasakhda iyo sidoo kale carrada.
Balse tani waa dhibaato caafimaad: dhibaatada ugu weyn waa xoogga biyaha tubbada ee lagu dhaqayo digaagga ayaa sababa in bakteeriya ay ku faafto agagaarka meeshaas.
Bal malee, tusaale ahaan, inaad ka tagtay tuwaalka ama istiraashada jikada iyo suxuunta si ay u qallalaan. Dhibco biyo oo ka daatay digaagga oo laga yaabo inay bakteeriya wadaan ayaa taaban kara alaabtaas nadiifka ah.
Haddii si kale loo dhigo: qaaddo ama macalgad la dhaqay ayaad afkaaga gelin kartaa, balse waxaa laga yaabaa inuu la socdo jeermis halis ku ah calooshaada.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Digaaggu caadi ahaan waxaa ku jira bakteeriyo sida ugu fiican ee looga dili karana waa in la kariyo," ayuu yiri Pinto.
Sidaas darteed, khubarrada caafimaadku kuma talinayaan in la dhaqo digaagga kahor inta ana la dubin amaba la karin.
Haatan, haddii aad weli dooneyso inaad dhaqdo digaagga, isku day inaad si tadaxar leh u dhaqdo adigoo ka ilaalinaya waxyaabaha hareeraha yaaala.
In hilibka iyo ukunta si fiican loo kariyo, ayaa sidoo kale walaac laga muujinayaa. Xaqiiqdii, kulka cuntada waa inuu gaaraa ugu yaraan darajada xaraaradda ee 70 ° C. Tani waa in la hubiyo in inta badan jeermiska uu ka dhintay cuntada.
2. In biyo keliya lagu dhaqo khudradda cayriinka lagu cunayo
Kani waa khalad kale oo guryaha ka dhaca: in biyo keliya lagu dhaqo khudradda cayriinka lagu cunayo kama dileyso jeermiska.
Inkastoo waxyaabaha lagu nadiifiyo khudradda ay ka caawiyaan inay jeermiska ka dilaan, haddana gebi ahaanba kama saari karaan.
Waxaa lagu talinayaa in khudradda lagu rido baaquli ama madiibad ay ku jiraan biyo iyo maaddada sodium hypochlorite laguna dhex hayo muddo 15 daqiiqo ah.
Kaddib ku dhaqo biyaha tubbada keliya kahor inta aadan keydin.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Liitar walba oo biyo ah, waa inaad ku dartaa qaaddada shaaha oo maaddada hypochlorite ah," ayuu yiri Pinto.
Waxaad ka heli kartaa dukaamada iyo farmashiyeyaasha. Waxaa sidoo kale si bilaash ah looga helaa farmashiyeyaasha qaar.
3. Inaadan gacmaha dhaqin kahor cuntada
Hadda, waxba ma soo kordhineyso cunto nadiif ah haddii gacmaha aad ku diyaarineysaba ay wasakheysan yihiin.
Jeermiska ku haray farahaaga ayaa geli kara cuntada.
Kahor inta aadan waxba billaabin, oo aadan xitaa soo qabsan tufaax aad cuni lahayd, waa muhiim inaad dhaqdo gacmahaaga.
Haddii aysan biyo kuu dhoweyn, isticmaal jeelka jeermiska lagu dilo.
4. Inaad hal weel u isticmaasho cuntada cayriinka ah iyo tan karsan
Bal qiyaas khatarta ka dhalan karta hilib cayriin ah oo aad saartay saxan, isla saxankaas adiga oo aan dhaqin aad u isticmaasho cuntada karsan.
Jeermiska hilibka ayaa toos u geli kara cuntada aad cuneyso markaas.

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Sidoo kale waa muhiim in gacmaha si joogto ah loo dhaqo kaddib diyaarinta cuntada cayriinka ah si aad gacmahaaga ugu qabato cunto karsan," ayya tiri Mariza Landgraf, oo bare ka ah Machadka Caafimaadka ee USP.
5. Inaad sugto cuntada ilaa ay ka qaboobeyso si aad faranjeerka u geliso
Nooc walba oo jeermis ah wuxuu leeyahay heerkul u gaar ah oo uu ku faafi karo.
Bakteeriyada qaarkeed, tusaale ahaan, waxay aad ugu faaftaa xaraarad dhan 25 ° C. Qaar kalena heerkul dhan 30, 35 ºC iyo wixii la mid ah.
Warbixintan ayaa gacan naga siineysa inaan fahanno sababta aysan wax fiican u ahayn in la sugo cuntada inta ay qaboobeyso kahor inta aan faranjeerka la gelin.
Haddii cuntada kulul aad toos u geliso faranjeerka waxay ka ilaalineysaa in jeermis ku dhex faafo.
6. In cuntada si aan habeysneyn loogu dhex rido faranjeerka
Cimiladu way ku kala duwan tahay gudaha faranjeerka.
Sidaas darteed, cuntada la kariyay waxay u baahan tahay in lagu ilaaliyo qabowga, halka cabitaannaduna ay u baahan yihiin xoogaa kul ah.

Xigashada Sawirka, Getty Images
7. Inaad hilibka ku riddo weelal aan daboolneyn
Aan kala caddeyno: faranjeerku guud ahaanba cuntada kama celinayo jeermiska.
Jeermisku cuntada wuu ku dhex jiri karaa faranjeerkuna wuxuu ka ilaaliyaa inuu dhaqso faafo.
Mid ka mid ah khataraha ugu waaweyn ee cimilada qabow waa habka aan u keydinno hilibka cayriinka ah.
Hilibka marka laga soo iibiyo kawaanka amaba dukaamada wuxuu ku jiraa bac, waxaana mar walba la socda dareere dhiig biyo biyo ah oo bakteeriya wata.
Haddii weelka ada ku ridday uu duleel yar leeyahay, dheecaankaas wuxuu ku dhex daadan karaa faranjeerka wuxuuna saameyn karaa cuntada kale ee halkaas ku jirta.

Xigashada Sawirka, Getty Images
8 . Inaadan faranjeerka u nadiifin si joogto ah
Ugu dambeyn, ma illaawi karno inaan faranjeerka u nadiifinno si joogto ah.
Ujeeddadu waa in laga dhaqo waxyaabaha ku daatay iyo wasakhda.
Tallaabada koowaad ee nadiifinta faranjeerka waa in laga saaro dhammaanba alaabta ku jirta. Eeg taariikhda ay dhacayaan waxa ku jira iskana daadi kuwa dhacay.
Ka saar qeybaha laga bixin karo sida qaanadaha. Dhaq wax walba adoo isticmaalaya biyo iyo saabbuun.
Tallaabada kale waa inaad tirtirto faranjeerka. Isticmaal tuwaal aad ku tirtirto oo aad ku qallajiso.
Ugu dambeyn, ku celi dhammaanba waxyaabaha aad ka saartay cuntadana dib ugu celi.
Machadka USP ayaa ku talinaya in ugu yaraan bishiiba mar la nadiifiyo faranjeerka.














