Sheekada harqaanlihii isubedelay fannaanka

Xigashada Sawirka, Fannaan Caabi Mire Dacar
- Author, Fatuma Taxadar Yusuf
- Role, BBC Somali
Hobolka caanka ah ee Caabi Mire Dacar, lana dhashay fannaankii caan baxay ee Shay Mire Dacar, ayaa ka hor intii uusan soo galin fanka waxaa uu soo maray xirfado kala duwan kuwaas oo qaarna uu ku macaashay, qaarna uu ku khasaaray.
Muddo ku siman 12-sano waxaa uu ku shaqeysan jiray, Harqaanle ama Dawaarle, taasi oo markii hore uu ku bilaabay qaab shaqaalanimo ah illaa uu isagu noqday hantiile leh harqaan.
Taasi waa tan kaliya ee uu ku macaashay oo sida uu sheegay waxaa uu ka gatay jago, am boos, oo ay ka dhismi karaan ugu yaraan shan qol.
Laakiin xirfado kale oo uu ku khasaaray ayuu noo sheegay, oo mar uu isku dayey xirfad badi raga Soomaalida aanay ka gancsanayn qabashadeeda, waa muqmad/oodkac iibinta, iyo subagga, taas oo aheyd shaqo uu beri ka shaqayn jiray, balse uu ku khasaaray.
Fannaan Caabi Mire Dacar, oo u safray dalka Isutagga Imaaraadka Carabta ayaa safrkiisa ka bilowday magaala xeebeedka Maydh, taasi oo uu doon ka raacay, balse doonta oo wadday adhi ayuu waxaa uu kamid noqday xaraasintii adhiga sii xaraasayey ilaa intii magaalada Abu Dhabi laga gadhayey.
Inkasto markii uu gaadhay magaalada Abu Dhabi uu sheegay inuu go'aansaday inuu waddankaasi sharci ka sameysto, kaddib markii ay rajadiisi gancasi ay meesha ka baxaday, maadaama uu dalkaasi u dhoofiyey Muqmad/Oodkac, balse cidna ka gadan weyday, xilligaas oo ah markii uu u beedhay dhanka fanka.
1988 ayey aheyd markii ugu horraysay ee uu fananka toos ugu biiray.
Inkastoo fannaan Caabi uu hadda fankiisu aanu aheyn sidii uu bari ahaan jiray, balse weli fanka waa ku jiraa, oo magaaladda Hargeysa oo aheyd meeshii uu fankiisu ku bilaalay ayuu weli ka heesa.
Fannaan Caabi Mire oo mar uu soo maray jaceyl daran ayaa sheegay inuu intii uu soo waday heestii uu gabadha ku amaaneyey ayay ku gacan saydhisay hasaawihii.
Caabi Mire Dacar wuxuu ku dhashay kuna barbaaray magaalada Ceerigaabo ee gobolka Sanaag, waa Aabe haysta hadda 7 carruur ah, wuxuu qeexay inuu rabo hadda inuu u wareego dhanka sugaanta Nebi Amaanka iyo kuwa Alle-bariga.










