Fanka: Fannaan Soomaaliyeed oo ku dhiirraday howl aysan raggu u badneyn

Faarax Murtiile ayaa sheegay inuu leeyahay xirfado ka baxsan fanka
Qoraalka sawirka, Faarax Murtiile ayaa sheegay inuu leeyahay xirfado ka baxsan fanka

Inta badan fannaaniinta xirfaddoodu waxay ku saleysan tahay dhinaca fanka iyo Suugaanta, laakiin Faarax Murtiile oo ah fannaan caan ka ah bulshada Soomaaliyeed dhexdeeda wuxuu BBC-da u sheegay in uu leeyahay xirfado kale oo uu qoyskiisa ugu shaqeeyo.

Murtiile oo sidoo kale ah Abwaan ah ayaa wareysi uu BBC-da shaaca uga qaaday inuu si wanaagsan u yaqaanno xirfadda cunto karinta, taasoo ah mid ragga Soomaaliyeed ee leh ay dhif iyo naadir yihiin.

"Cunnada nooc walba waan kariyaa, iyo xitaa raashinka isku dhex kariska ah. Maalinta aan galo Madbakha(Jikada), ciyaalkeygu aad bay u farxaan, waayo waxaan si aad u fiican ugu kariyaa raashinka ay jecel yihiin sida bariiska, baastada iyo wax walba", ayuu yidhi Faarax.

Xirfadda cunto karinta ayaa la shegaa in ragga Soomaaliyeed ee qurbaha ku nool ay danta ku kallifto, balse Faarax Murtiile wuxuu sheegay in isagu uu yahay "Kuuk" xirfad heer sare ah u leh cunto karinta.

Isagoo hadalkiisa sii wata ayuu sheegay in xirfad ahaan ka sokow ay fiican tahay in dumarka xaasaska ah ay caawinaad ka helaan raggooda isla markaana ay la qabtaan howlaha gaarka ah ee guriga.

"In dumarka lala shaqeeyo way fiican tahay, sababtoo ah ragga waxaa laga doonayaa iney kaalintooda ka qaataan howlaha guriga. Annaga waxaa na badday danta qurbaha, waayo marka ay xaaskaagu xanuunsato waxaad ku khasbanaaneysaa inaad la wareegto howsha guriga, maadaama aysan jirin qaraabo ku caawineysa oo qurbaha kula joogta", ayuu yidhi Abwaan Murtiile.

Tolista Dharka

Dhanka kale Faarax ayaa noo sheegay inuu leeyahay xirfad kale oo qeyb ka ah farsamada gacanta.

Mar uu xirfaddaas sharraxayay ayuu yidhi: "Waxaan garanayaa sida dharka loogu tolo harqaanka, xaaskeyga haddii ay maro ka jeexanto durba waan toli karaa, sidoo kale waxaan garanayaa sida loo tolo diracyada bacweynaha la yiraahdo".

Ragga Soomaaliyeed qaarkood ayaa ceeb u arka in jikada la galo oo raashinka la kariyo ama in qeyb laga qaato howlaha kale ee guriga, sida dhaqista dharka, xannaaneynta carruurta iyo waxyaabaha la xiriira.

Laakiin Faarax Murtiile ayaa sheegay in marka qurbaha la joogo ay shaqooyinkaasoo idil dan keeneyso, wax ceeb ahna aan loo arkeynin.

Faarax murtiile

Xigashada Sawirka, ..

Qoraalka sawirka, faarax murtile

Faarax Cawil Jamac oo loo yaqaano (Faarax murtiile) oo Barnaamijka Musigga iyo Salaamaha ee BBC-da, u waramay ayaa ka hadlay sheekooyin quseeya noloshiisa, gaar ahaan hees uu u qaaday gacalisadiisa bariisimaadkii.

Abwaan Murtiile oo gabadhaasi u qaadey heeso kala duwan, kadib markii ay ku gacan seyrtey dalabkiisa jaceyl kii, sidoo kalena waxey jeexjeexday dhanbaaladii uu u qoray wakhtigii uu xodxodanayey.

''Warqad ayaan u qoray oo waliba ugu dhiibay ina abtiday, way jeexjeexday, maalin ayaan meel ku arkay, waxaan weydiiyey naa heedhe maxaad u jarjartay warqadaan kuu soo qoray'' Faarax Murtiile" ayaa sidaasi yidhi.

Gabadha oo markaasi ka gows qabsaneysay shukaansiga iyo haasawaha Faarax, ayaa ku tiri, "adigoon aqoon ii laheyn, maxaad waraaqaha xambaarsan dhambalada Jaceylka iiggu soo qoreysaa."

Abwaanka oo arrintaasi qaadan waayey, ayaa yidhi naa waa laga yaabaa inaan is calfanee, balse waxaa uu abwaanku sheegay in afar sanno kadib, ay gabadhii noqotey xaaskiisa, taasi oo ay hadda isla nool yihiin 24 sanno muddo gaadheysa. Waana xaaska u dhashay lixdiisa caruura.

Qoraalka Codka, Murtiinle oo ka sheekeynaya waayihiisa

Nolashii hore ee Faarax Murtiile

Faarax murtiile oo ah abwaan wax curiya, Majaajiliiste, iyo fannaan qaadda heesaha kala duwan, ayaa sheegay inuu yaraantiisii kusoo barbaaray Magaalada Burco.

Abwaan Murtiile oo ah nin jilaagiisa aad loo jecel yahay, ayaa wuxuu u BBC-da uga waramay wakhti miyi la geeyey, iyo waxa ay kal muteen. Abwaanku ayaa xiligaasi waxa uu jirey lix sanno.

''Xoolaha waan raaci jiray, Geelana Koor ayaan u qoray, adeerkey ayaa igu yidhi awrkaasi idinkaa leh, aniga waxaan dhahay, ma anagaa leh, markaasuu adeerkay igu yidhi haa, Waxaan ku dhahay ma i yaqaannaa, reer miyiga, ayaa iga xaraabeysan jiray, waayo miyiga wax badan kama aqoon, markaasana tagay markaygii koowaad, waxaan arkay geel aan loo cadayin, adeerkay ayaan weydiiyey wuuna igu qoslay waayo aniga miyiga waxbadan kama aqoon xiligaas''.

Abwaanka ayaa qada heeso badan, wuxuu sidoo kale caan ku yahay jilista

Xigashada Sawirka, facebook

Qoraalka sawirka, Abwaanka ayaa qada heeso badan, wuxuu sidoo kale caan ku yahay jilista

Abwaan Murtiile oo markii u qurbaha tagay sheegay inuu jiray 16 sanno, balse wakhtigaasi uu shaqo ka bilaabay dalka sucuudiga, laakiin waxaa dhib ka qabsatay luuqadii wadankaasi, oo aheyd Af Carabiga,

''Nin ayaa igu dhahay laxda ( اللحظة) markaasan mooday inuu ileeyahay lax baa tahay, anigana waxaan ku dhahay adiga lax ah'' Faarax ayaa sidaasi yidhi.

Abwaanka ayaa qada heeso badan, kuwaasi oo qaarkood isugu jiraa wadani iyo jaceyl. Wuxuu sidoo kale caan ku yahay jilitaanka oo dad badani ku barteen inuu curiyo suugaanta kala duwan.