Wiil loo xiray inuu qoob ka ciyaar ku qabsaday jid sacuudiga ku yaalla

Heesta Maccarena

Xigashada Sawirka, TWITTER @ahmed

Qoraalka sawirka, Muuqaalka wiilka oo qoob ka ciyaar ku sameynaya heesta caanka ah ayaa la wadaagay kumannaan jeer

Wiil 14 jir ah oo caan ka noqday barta Twitter-ka ka dib markii la arkay isagoo waddo mashquul ah oo ku taalla dalka Sacuudi Carabiya ku cayaaraya heesta Macarena ayaa la xiray.

Wiilkan ayaa su`aalo lagu weydiinayaa magaalada Jeddah, ka dib markii anshax darro lagu eedeeyay.

Ma cadda dhalashada uu wiilkan haystay ama haddii uu si caadi ah u xukumi doono dacwad-oogaha bulshada.

Horraantii bishan fannaan ayaa lagu xiray dhaqan xumo xilli bandhig -faneed uu ka socday koofur- galbeed dalkaasi.

Muuqaalka oo 45 ilbiriqsi soconaya ayaa la arkayay wiilka oo carqaladeynaya isku socodka gaadiidka isagoo ku dheelaya heesta caanka ah ee soo baxday sanadihii 1990-meeyadii.

Muuqaalka ayaa la rumeysan yahay in markii ugu horreysay lagu soo bandhigay baraha bulshada bishii July 2016.

Ka bood X boggan
Oggolow X macluumaadka

Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.

Digniin: Waxaa suuragal ah in macluumaadka dad kale ay ku jiraan xayaysiin

Dhammaadka X boggan

In sharci rasmi ah oo qabanaya carruurta uusan ka jirin dalka Sacuudi Carabiya darteed, ayaa saraakiisha iyo xaakimiinta waxaa u furan inay xiraan oo ay ciqaabaan carruurta ku nool dalkaasi muxaafidka a

Dhacdadan ayaa waxaa lagu duubay waddo mashquul ah oo ku taalla magaalada Jeddah, ee galbeedka dalkaasi.

Muuqaalkan ayaa kala qeybsanaan ka abuuray baraha bulshada, iyadoo dadka qaar ay difaaceen wiilka oo xitaa ay ku sheegeen inuu geesi yahay.

Qaar kale ayaa soo jeediyay in dhaqanka wiilku uu ahaa wax aan loo dulqaadan Karin.