Asli Cabaade : Waalidka waxay aaminsanaayeen in gabdhuhu ay wiilasha aqoonta ka xadayaan

Asli Cabaade
Qoraalka sawirka, Asli Cabaade

Asli Xasan Cabaade oo ahayd duuliyihii ugu horeeyay ee Afrika iyo Bariga Dhexeba ayaa BBC-da uga warantay halgankii nolosheeda iyo sidii ay ugu suurtogashay in ay duuliye ciidamada cirka ah noqoto, xilli dumarka aysan shaqooyinkaasi qaban jirin.

"Xisaabta ayaan aad u jeclaa, fisikis iyo astronomy (xidigiska) saraakiil ayaan ahayn, hooyaday iyo aabahay ayaa ka mid ahaa ciidaka Booliiska Soomaaliya, waxaanan degenayn xerada Afisiyoone, aniga oo wax akhrisanaya ayaan aroortii hore arki jirey diyaaradaha kacaya, waxaanan dhihi jirey illaahayoow ha I dilin aniga oo garoonkan ka kicin oon kasoo dajin diyaarad" ayay tiri Asli oo BBC-da la hadashay.

Waxa ay sheegtay in xiligaas ay waalidiinta Soomaalida aaminsanaayeen fikrad ah in gabdhaha ay aqoonta ka xadaan wiilasha, sidaasi darteedna laga hor istaagi jirey in ay gaaraan tacliin sare.

Asli Xasan Cabaade
Qoraalka sawirka, Asli Xasan Cabaade

Balse waxa iyada u fududeeyay in ay ciidamada cirka ku biirto walaasheed oo ahayd xoghaynta madaxweynihii Soomaaliya Jeneraal Maxamed Siyaad Barre.

"Madaxweynaha su'aalo badan ayuu i weeydiiyay, wuxuu igu yiri shaqadan raga ayaa qabta, balse waan ku adkaystay in aan qaban karo, marka uu arkay kalsoonidayda ayuu ii saxiixay in aan duuliye noqdo" ayay tiri Asli.

Balse dhibkeeda halkaa kuma uusan ekaan, waxa ay sheegtay in dadka ay aamini waayeen in ay duuliye tahay, iyaga oo u haystay in qofka ragga ah ee la saaran uu diyaaradda wado, iyadana ay kursiga iska fadhido, illaa ay arkaan in kaligeed oo duuliye ah.

Waxa ay Asli sheegtay in ujeedka ugu weyn ee ay ka lahayd duuliyenimada ay ahayd in ay magac usoo jiiddo dalkeeda, iyada oo intaas ku dartay in illaa maanta oo ay gaboowday ay niyadda ka jeceshahay duuliyenimada.