Duuliye Shiinaha u dhashay oo shaqada ku waayay gabadh isku sawirtay kursigiisa

.

Xigashada Sawirka, WEIBO/SCREENSHO

Qoraalka sawirka, Gabadha galaafatay duuliyaha

Duuliye u dhashay dalka Shiinaha ayaa shaqada duuliyaha laga mamnuuca inta noloshiisa ka dhiman, ka dib markii haweeney ay isku sawirtay halka ay duuliyeyaasha fariistaan ee shirka diyaaradda.

Sawirka oo la qaaday horraantii sannadkan waxaa laga qaaday duulimaad ka tirsan shirkadda diyaaradaha ee Air Guilin, taas oo u kala safreesay Magaalada Guilin iyo gobolka Yangzhou.

Sawiirkan wuxuu si weyn ugu baahay baraha bulshada toddobaadkan, taas oo keentay in shirkadda ay talaabo qaado.

Sawirka wuxuu muujinayaa haweeney sawir ku gashay halka duuliyeyaasha ka kaxeyaan diyaaradda, horteedana ay yaalaan cabitaano.

Shirkadda Air Guilin ayaa sheegtay in duuliyehaas uu ku xadgudbay shuruucda badqabka rakaabka.

'Kaptankii u dadaalay gabadha'

Warbaahinta dalka Shiinaha ayaa kusoo warrantay in gabadha sawirka ka muuqata in ay tahay gabadh baratay duuliyenimo, ayna ahayd qof tababar ku jira, kana soo baxay jamaacadda Guilini ee dalka Shiinaha.

Inkastoo shirkadda aysan kala cadeynin in sawirka ay gabadha gashay xilliga ay hawada ku jireen iyo inkale ayaa haddana dadka u dhuun daloola arrimaha duulimaadyada waxay sheegayaan in sawirka uu u muuqdo in la qaaday xilli ay diyaaradda hawada ku jirtay.

Duuliyaha oo aan magaciisa la sheegin ayaa laga mamnuucay in uu wax duulimaad ah sameeyo, inkastoo aysan kala cadeyn in shaqada laga eryay iyo in loo dhiibay shaqooyin kale.

.

Xigashada Sawirka, Air Guilin

Qoraalka sawirka, Air Guilin

Shirkadda Air Guilin ayaa war qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay in duuliyahaas uu ku xadgudbay sharciga, maadaama uu qof caadi ah u oggolaaday halka laga wado diyaaradda.

Waxay intaa raacisay in shaqaalihii kale ee arrintan ku lugta lahaa mudo kooban shaqada laga joojiyay, baaritaanna uu ku socdo.

Sida uu qabo xeerka duulista hawada ee dalka Shiinaha, qof rakaab ah looma oggola in uu gudaha u galo halka laga kaxeeyo diyaaradda, haddii aanu heysan fasax gaar ah ama aysan jirin xaalad daruuri ah.

Sannadkii hore shirkadda diyaaradaha ee Donghai Airlines ayaa shaqada mudo lix bilood ah ka joojisay, shatigiina kala laabatay, ka dib markii xaaskiisa uu u oggolaaday in ay gudaha u gasho halka diyaaradda laga kaxeeyo.