Apple oo 21 sano kadib dooneysa in ay joojiso iPod

Xigashada Sawirka, Getty Images
Shirkadda Apple ayaa ku dhawaaqday inay joojinayso adeeggii muusiga ee iPod Touch, iyadoo soo afjaraysa qalab si weyn loogu ammaanay inuu wax ka beddelayo sida dadku u dhegaystaan muusigga.
iPod ayaa markii ugu horreysay la bilaabay sanadkii 2001, adeeggan ayaa keydin kara 1,000 heesood. Maanta waxaa jira in ka badan 90 milyan oo heeso oo ku keydsan adeeggan.
iPod Touch, waxaa naqshadeeyay isla kooxdii markii dambe iqtiraacday Iphone-ka oo si degdeg ah u hareeyay iPod-ka.
Shirkadda Apple ayaa markii ugu dambeysay adeegga iPod-ka cusboonaysiisay sanadkii 2019.
Sanadihii la soo dhaafay ayaa waxaa jiray noocyo kala duwan oo iPod ah oo ay ku jiraan Nano iyo Shuffle, balse iPod Touch oo la sii daayay 2007 ayaa ah barnaamijkii ugu dambeeyay ee la joojiyo.
Shirkadda Apple ayaa sheegtay in ay diyaar u tahay inay iibsato "inta saamiyada shirkadaha kale ay dhammaanayaan".
Greg Joswiak, madaxweyne ku xigeenka sare ee suuqgeynta adduunka ee Apple ayaa yiri. ''Qalabka ayaa dib u qeexay sida muusiga loo helo, loo dhegeysto, loona wadaago".
Dadka isticmaala iPod ayaa baraha bulshada ku wadaagay fikradahooda ku saabsan wararka iyo xusuusta ku xiran aaladaha muusiga.
qalabkii ugu horreeyay ee iPod-ka waxaa daaha ka qaaday maamulaha Apple, Steve Jobs oo u qaabaysan qaabka caadiga ah ee Apple sannadkii 2001-dii.
Waxaa jiray warar xan ah oo sheegaya in shirkaddu ay ku dhawaaqi doonto barnaamij muusig cusub.
"Muusikadu waa qayb ka mid ah nolosha qof walba. Muusiggu weligiis wuu jiray. Had iyo jeerna wuu jiri doonaa," ayuu yiri Jobs.
Sanadihii la soo dhaafay, dad badan oo caan ah ayaa ku tuuray awoodda xiddigooda iPod-ka, oo ay ku jiraan John Mayer, U2 iyo Oprah Winfrey.
BMW ayaa soo bandhigtay nadaamka madadaalada baabuurta ee ugu horeeyay oo leh nidaam iPod ku dhex dhisan, dhawr sano gudahoodna shirkadaha baabuurta badankoodu way raaceen.
Laakiin falanqeeyaha tignoolajiyadda ayaa sheegaya in ay lama huraan ahayd in iPhone-ku uu maalin beddelo iPod-ka.
"Markii shirkadda Apple ay samaysay iPhone-ka ayaa waxa ay ogaatay in ugu dambayntii ay la macno tahay bilowga dhammaadka iPod-ka," Ben Wood, oo ah falanqeeye sare oo ka tirsan shirkadda la-talinta tignoolajiyada ee CCS Insight, ayaa sidaasi u sheegay BBC.
Carolina Milanesi oo ka socota Istaraatiijiyada hal abuurka ayaa sheegtay in hoos u dhaca iibka iPod uu ku xiran yahay kor u kaca iibka iPhone.











