Apple: Shirkadda Apple oo lagu eedeeyey in qalab ay samaysay la isku basaaso

An AirTag attached to a bag

Xigashada Sawirka, APPLE

ShirkaddaApple waxa ay qorshaynaysaa in ay soo bandhigto tiro isbedelo ah si ay u adkeyso in aan si khaldan loo isticmaalin adeegga AirTags oo la sheegay in dadka qaar lagu basaaso.

Aaladdan oo cabbirka badhanka oo kale ah waxaa loogu talagalay inay la shaqeeyaan aaladaha shirkadda Appke si loo helo walxaha lumay.

Shirkaddu waxay sheegtay in isbeddellada ay ku samaysay aaladda ay fududayn doonto in la helo calaamadaha shakiga leh, isla markaana ay hore uga digtoonaadaan isticmaaleyaasha in AirTag uu la socdo.Bishii Janaayo, tiro haween ah ayaa BBC-da u sheegay in lagu soo raacay isticmaalka AirTags.

Apple ayaa bilaabay barnaamijak AirTags bishii Abriil ee sannadkii hore. Aaladdan yar waxaa lagu dhejin karaa shandadda ama furayaasha - wax kasta oo aad waayi karto.

Laakin aaladaha waxaa si khaldan loogu isticmaali karaa in dadka loogu qariyo baabuurta, ama shay gaar ah sida boorsadooda.

AirTag warnings image

Xigashada Sawirka, APPLE

Iyada oo qayb ka ah isbeddelada lagaga hor tegayo si xun u isticmaalka, Apple ayaa la sheegay in isticmaale kasta oo dejisanaya adeegga AirTag markii ugu horeysay uu arki doono fariin digniin ah, taas oo ah in isticmaalka aaladdan lagula socdo dadka ogolaansho la'aan in ay dambi ka tahay gobolo badan oo adduunka ah.

Hadda, isticmaalayaasha iPhone (iyo isticmaalayaasha Android ee soo dejisanaya app) waxay helayaan digniin haddii AirTag aan la garanayn uu la socdo.Apple ayaa ku dhawaaqday in dadka la ogeysiin doono goor hore in AirTag aan la garanayn ay uu ka ag dhaw yahay, si looga hor tago in la isku basaaso.

Marka dadka looga digayo "raadinta aan loo baahnayn" ee AirTag, isticmaalayaasha iPhone 11, iPhone 12, iyo iPhone 13 waxay awoodi doonaan inay isticmaalaan "helitaanka saxda ah", si ay u arkaan masaafada iyo jihada AirTag aan la garanayn marka ay ku jirto kala duwan. Markii hore milkiilaha AirTag kaliya ayaa sameyn kara tan.