Kursiga Hop086: Shan waddo oo u furan Fahad Yaasiin kaddib go'aankii maxkamadda

Xigashada Sawirka, SOCIAL
- Author, Cabdishakuur Casoowe
- Role, BBC Somali
Maxkamada Sare ee Soomaaliya ayaa maanta ku gacan sayrtay dacwad uu u gudbiyay Fahad Yaasiin oo ka dhan ahayd guddiga doorashada ee baabi'iyay natiijada doorashadii kursiga xildhibaannimo ee uu u tartamayay. Haddaba maxaa la gudboon agaasimihii hore ee hay'adda Nabad Sugidda iyo sirdoonka qaranka?
In muddo ahba waxaa taagnaa khilaafka salka ku haya doorashadii Fahad Yaasiin uu kusoo baxay ee goor sii horraysay ka dhacday magaalada Beledweyne, taasoo ay waxba kama jiraan kasoo qaadeen guddiga doorashada ee heer federaal.
Sababaha ay guddigu u diideen natiijada waxaa ka mid ahaa in "aan loo marin habraacyadii loogu talogalay". Balse Guddiga doorashada heer dowlad goboleed ee maamulka Hirshabeelle ayaa kasoo hor jeestay go'aankaas, iyagoo ku adkaysanaya in doorashada Fahad ay ahayd mid waddadii saxda ahayd loo maray.
Dacwaddii uu Fahad Yaasiin u gudbiyay maxkamadda sare ayaa maanta waxaa ku gacan sayray garsoorka oo sheegay in Makamaddu aysan awood u lahayn inay faraha la gasho arrimaha doorashadan hadda socota.
Go'aanka waxa saxiixay sedexda garsoore oo dacwaddan dhagaystay, kuwaas oo kale ah: Gudoomiyaha Maxkamadda sare Baashe Yuusuf Axmed, garsoore Cabdulcasiis Maxamed Yuusuf iyo Garsoore Saalax Sh. Ibraahim Dhiblaawe.
Sidaas awgeed maxay yihiin waddooyinka hadda u furan Fahad Yaasiin, oo hadda ah la'taliyaha dhinaca amniga ee madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.
1- Inuu ku noqdo Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada
20-kii bishii February ayaa Fahad kursiga xildhibaannimada Golaha Shacabka loogu doortay magaalada Beledweyne, kaasoo sida uu xilligaas sheegay uu kala kulmay loollan adag.
Hase ahaatee durbadiiba guddiga doorashada heer federaal ayaa ku dhawaaqay in la hakiyay doorashada kursigaas, taasoo dhalisay muran wayn.
Guddiga xallinta khilaafaadka doorashada ayaa dhankooda sheegay in ay fasaxeen kursiga Fahad, doorashadiisuna ay ahayd mid waafaqsan habraacyada loo asteeyay.
Waxaa xusid mudan, go'aanka guddiga khilaafaadka ma ahayn mid ku yimid cabasho uu u gudbiyay Fahad Yaasiin.
Maxkamadda sare ayaa maanta sheegtay in Fahad ay ahayd inu dacwadiisa u gudbiya guddiga markii la laayay doorashadiisa.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Markii uu isqabqabsigu gaaray ilaa maxkamadda sare, qareennada guddiga doorashada heer federaal waxay ku doodayeen in guddiga khilaafaadka uu ku degdegay tallaabadiisa, uuna go'aan soo saaray xilli uusan u wali u tagin siyaasiga doodda qabay, oo ah Fahad.
Mas'uuliyiinta guddiga doorashada heer federaal ee magaciisa loo soo gaabiyo "FIET" ayaa qudhooda lagu dhaliilay in xubno ka mid ah guddigooda ay goob joog ka ahaayeen meesha ay ka dhacday doorashada Fahad, oo markaas ay ku qanacsanaayeen sida ay wax u socdeen balse markii dambe ay la imaadeen arrin taas ka duwan.
2- In kiiska loo gudbiyo Madasha Wadatashiga Qaranka
Sida ku xusan habraacyada doorashada, haddii uu muran ka dhaco doorashada waxaa tallaabo ka qaadaya Guddiga Xallinta Khilaafaadka Doorashada, haddiise ay xaaladdu iyaga kasoo gudubto waxaa go'aankooda dib u eegis ku samayn kara Golaha Wadatashiga Qaranka.
Xubnaha uu ka kooban yahay Golaha Wadatashiga aranka waxaa ka mid ah Madaxweyneyaasha Maamul Goboleedyada iyo Mas'uuliyiinta Dowladda Federaalka. Madaxweyne Farmaajo wuu ka baxay Golahan balse waxaa dowladda hadda ku matalaya Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble.
Labo ka mid ah maamul goboleedyada ayaa loo tiriyaa in aysan la dhacsanayn Fahad Yaasiin, kuwaasoo kala ah Jubaland iyo Puntland, halka saddexda kale oo kala ah Hirshabeelle, Galmudug iyo Koonfur Galbeed lagu tiriyo in ay u janjeeraan dhinaca Fahad Yaasiin. Waxaase aan meesha ka marnayn in Ra'iisul Wasaare Rooble uu miisaan ku leeyahay Madashan.
Go'aanka kama dambaysta ah ee la xiriira khilaafka kursiga Hop086 waxaa gaadhi kara Madasha Wadatashiga Qaranka, oo ah halka ugu sarraysa.
Iyadoo la og yahay in mashquul badan uu ka jiro arrimaha doorashada daba dheeraatay, haddana la isku dayayo in la dedejiyo, waxay u badan tahay inaan niyad badan ku mashquulidda hal kursi oo ka mid ah Golaha Shacabka.
Laakiin haddiiba ay dhacdo in la hor geeyo ma cadda sida ay ku xallin karaan.
"Waxaan filayaa in Madasha Wadatashiga qaran uusan saaxiibbo badan ku lahayn Fahad, maadaama ay hoggaankeeda qayb ka yihiin Ra'iisul Wasaaraha oo aad uga soo hor jeeda iyo labo maamul goboleed oo uu kaashanayo," ayuu yidhi Daahir Qoriyow Isaaq, oo ah falanqeeye ka faallooda arrimaha gobolka.
3- Inuu aqbalo ku celinta doorashada kursiga
Maadaama ay Guddiga doorashada Heer Federaal dhanka maxkamadda uga guulaysteen Fahad Yaasiin, waxaa waddooyinka u furan hadda ka mid ah inuu iska aqbalo sida ay wax u wadaan, sidaasna uu mar labaad ugu soo diyaar garoobo ololaha doorashada ku celiska ah.
Waxaa la xasuustaa in dhawaan uu khilaaf wayn ka dhashay natiijada saddex kursi oo lagu soo doortay maamul goboleedka Koonfur Galbeed, kuwaasoo ugu dambayn lagu heshiiyay in labo ka mid ah sidooda lagu fasaxo midka kalena doorashadiisa lagu celiyo.

Xigashada Sawirka, SOCIAL
Hase yeeshee su'aasha ay dad badan is weydiinayaan ayaa ah in haddii doorashada lagu celiyo ay ergada dooranaysa xildhibaanka iyo ugaasyadii soo xulay odayaasha ay noqon doonaan isla kuwii hore.
4- Inuu arrinta oo dhan ka haro
In muddo ahba waxaa la isla dhex marayay in Fahad Yaasiin uu u hanqal taagayay kursiga guddoomiye ku xigeenka baarlamaanka, sidaasna ay ahayd sababta uu xildhibaannimada u raadinayay.
Wax ka yar hal isbuuc ayaa hadda ka harsan doorashada guddoonka baarlamaanka kaddib markii la dhaariyay inta badan xildhibaannada lasoo doortay.
Waxaa suuragal ah in haddii doorashada kursiga Hop086 lagu noqdo ay howshaasi ka dib marto xilliga guddoonka la dooranayo. Taas waxay sababi kartaa in Fahad uu isaga haro doorashada, kaddibna uu xoogga saaro dadaalka lagu bixinayo ololaha doorashada Madaxweyne Farmaajo.
Dad badan ayaa aaminsan in arrimo siyaasadeed ay salka ku hayaan sababta uu muranka u galay kursiga uu u tartamayay Fahad Yaasiin.
Waxaa ka mid ah in laga hor istaagayay suurtagalnimada inuu u tartamo xilka guddoomiyaha Golaha Shacbka, sida uu qabo Daahir Qoiyoow. Balse sidoo kale waxa uu sheegay in arrintu ay xitaa taas kasii wayn tahay.
"Siyaasadda ugu wayn ee hadda socota waa in Fahad laga hor istaagayo kursiga afhayeenka baarlamaanka. Laakiin taas kaliya ma aha. Fahad waa nin saamayn ku leh siyaasadda isagoo aan xubin ka mid ah baarlamaanka ahayn madaxweynena ahayn.
"Marka xitaa xubinnimadiisa baarlamaanka ayaa culays wayn ku ahayd mucaaradka kasoo horjeeda madaxweynaha ama isaga siyaasadiisa. Ma aha kaliya in laga daahinayay kursiga uu u hanqal taagayo waxaase macquul ah in laga daahinayo doorashooyinka hadda socda si isagoo gudaha ku jira uusan uga dhex ololeynin baarlamaanka," ayuu yidhi Daahir.
5- Maamul goboleedka Hirshabelle oo ku adkaysta inay doorashada sax ahayd
Dhammaan afarta arrimood ee kor ku xusan marka laga soo tago, maamulgoboleedka Hirshabeelle ayaa mowqif ka taagan kursiga Fahad Yaasiin, waxayna ku adkaysanayaan in habraacyadii saxda ahaa loo maray.

Xigashada Sawirka, Fahad Yaasiin/FB
Dhawaan markii maamulka Koonfur Galbeed ay aqbali waayeen go'aankii ku aaddanaa saddexda kursi ee uu muranka ka dhashay, waxaa lagu khasbanaaday in xal ay raalli ka yihiin la lagu dhammeeyo arrinta, waxaana qanciyay in labo kursi loo fasaxo midna dib loo soo doorto.
Hirshabeelle gabi ahaanba raalli kama marxaladaha uu marayo kursiga, waxayna dhankooda sheegeen in uu yahay kursi ay doorashadiisa u dhacday si waafaqsan habraacyadii loogu talagalay.
"Maamul goboleedyada sami wayn ayay ku leeyihiin doorashada maadaama iyaga qudhooda uu guddi matalo, waana ognahay wixii uu sameeyay Laftagareen. Marka macuul ma noqonayso in kursiga doorashadiisa lagu celiyo ilaa ay ka oggolaadaan madaxweynaha Hirshabeelle iyo guddiga doorashada heer maamul goboleed," ayuu yidhi alanqeeyaha la hadlay BBC-da.
Isqabqabsiga doorashada ayaa soo jiitamayay muddo dheer, marar badan ayaana xal loo raadiyay khilaafyo siyaasadeed oo la isku mari waayay.












