Taliye Libaax: 'Hal nin oo maxbuus ah bay ka bilaabatay dhibaatadii xabsiga Hargaysa'

Xigashada Sawirka, Taliska Ciidanka Asluubta SL
Dhowr askari oo ka tirsan ciidanka ilaalada Xabsiga Hargaysa ayaa ku dhaawacmay rabshad shalay oo Arbaco ahayd ka dhacday halkaas kaddib markii ay isku dhaceen askarta iyo maxaabiista. Waxaase su'aalo la iska waydiinayay waxa kiciyay qalalaasaha.
Warar kala duwan ayaa ilaa shalay ka soo baxayay qaabka ay wax u dhaceen, balse taliska ciidanka asluubta ee Jamhuuriyadda iskeed madaxbannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland ayaa faahfaahin ka bixiyay arrintan, iyagoo dhanka kalena beeniyay xogta ay tabinayeen qaar ka mid ah warbaahinta.
Sarreeye Guuto Axmed Cawaale Yuusuf "Libaax", oo ah Taliyaha Ciidanka Asluubta ee Somaliland, oo si kulul uga hadlay dhacdada ayaa sheegay in qalalaasuhu uu ka billowday hal maxbuus.
"Waxay shaqaaqadaasi ka dhacday is afgaran waa dhex maray maxaabiista oo ku saabsanaa in hal nin oo maxbuus ah - oo ay edeb darro u tirinayeen - in loo soo geliyo iyo inkale. Kaddib qaar baa ka faa'iidaystay buuqii dhexdiisa, oo askartii dhagax ku tuur tuuray. Askartu way karaysay in ninkii dhagax qaataba iska celiso laakiin sidaas ma aysan sameynin," ayuu yidhi taliyaha.

Wuxuu taliyuhu askarta ku bogaadiyay in iyagoo awooda inay maxbuus kasta oo dhagax tuura xabad ku dhuftaan ay go'aansadeen in aysan qaabkaas ugu jawaabin.
Muxuu sameeyay maxbuuska?
Ilo wareedyo kale oo ay BBC-da heshay ayaa sheegay in maxbuuska ay rabshada ka billaabatay uu uu markii hore diinta caayay, sidaasna loola dagaallamay.
Labo maxbuus oo kale ayaa la sheegay in ay cabasho ka gudbiyeen, iyagoo doonayay in arrintaas wax laga qabto.
Buuqa ayaa yimid kaddib markii ay maxaabiistii u gacan qaadeen maxbuuska ay ka tabanayeen, taasoo keentay rabshad wayn kaddibna ay soo farogeliyeen ciidanka ilaalada xabsiga.

Xigashada Sawirka, Taliska Ciidanka Asluubta SL
Xabsigan oo ay ku jiraan ilaa 150 maxaabiis ah ayaa markii dambe xaaladdiisa ay faraha ka baxday, sida wararka lagu soo tebinayay.
Balse taliyaha asluubta ayaa sheegay in sida ay wax u dhaceen aan looga soo warramin.
"Dadka buunbuuninayay ee ka sheekeynayay in ay wax dhaceen oo ciidanka qoryo laga xoogay, waxaan u sheegaynaa in mooral xumadaas askarteenna laga sheegay aan dacwo ka qabno. In askari loogu talogalay inuu maxaabiistaas hayo la yiraahdo qorigii baa nin maxbuus ah ka qaatay waa wax aannu rabno in sharcigu wixii uu leeyahay nalaga mariyo, kana yeeli mayno cidna," ayuu yidhi.

Xigashada Sawirka, TQSL
Wasiirka Caddaaladda ee Jamhuuriyadda iskeed ugu dhawaaqday madaxbannaanida ee Somaliland ayaa sidoo kale dhaliilay warbaahinta iyo dadka siyaabaha khaldan u tebiyay dhacdadaas.
"Waxaa nasiib darro ah in bulshadeennii qayb ka mid ah, haddii la yiraahdo jeelkii baa wax ka jiraan inay bulshadeennii kasoo horreeyaan ciidankii waajibaadka gudan lahaa iyo dadkii shaqadaas lahaa. Waxaa kale oo nasiib darro ah in saxaafaddeennii iyadoo aan hubanti la gaadhin ay markiiba wararka bixiyaan," ayuu yidhi wasiirka.
Waxa uu wasiirku bulshada "uga digay dhaqanka noocaas ah" isagoo ku boorriyay "inay ka waantoobaan."
Xabsiga magaalada Hargaysa ayaa hadda xaaladdiisu daggan tahay, maxbuus kastana waxaa lagu celiyay qolkii uu horay ugu jira sida ay mas'uuliyiintu sheegeen. Waxaa kale oo ay beeniyeen warar sheegayay in ay maxaabiista qaarkood baxsadeen.











