Dhibaatada cayilka: "Waxaan ahaa xaas wanaagsan laakiin cayilkeyga ayaa la igu furay"

c
Qoraalka sawirka, Claudette ayaa sheegtay in cayilku uu dhib weyn ku hayo

Nolosheeda caadiga ah sida ay u aragto Claudette Nyirangendo waa sida inay maalin walba buur ka boodeyso, tanna waxaa sabab u ah cayilka jirkeeda oo dhibaato weyn ku haya. Miisaankeedu wuxuu ka badan yahay 200 iyadoo jirta 43 sano.

Hooyadan ayaa sheegtay inay ku nooshahay nolol cadiban. "Noloshu aad ayay iigu adag tahay, mararka qaar waxay igu qaadataa labo ama saddex maalmood inaan sariirta ka soo kaco, tanna waxaa sabab u ah dhibka aan ku qabo socodka sabab la xiriirta miisaanka jirkeyga." ayay tiri Claudette.

Claudette oo ku dhalatay Rwanda oo ka warrameysay carruurnimadeedii ayaa sheegtay in nolosheedu ay fiicneyd, waxay xusuusataa inaysan sidan u cayilnaan jirin. Inkastoo ay cunto cuntada dabiiciga ah ee dalkeeda sida mooska iyo khudaarta haddana ma garan karto sababta uu miisaanku ugu sii kordhayo, gaar ahaanna lixdii sano ee la soo dhaafay.

W

Cayilkan ayay sheegtay inuu u horseeday dhibaato weyn, iyadoo sheegtay inuu sababay burburka qoyskeeda. Waxa hooyadan u maleyneysaa in seygeeda uu ka daalay nolosheeda sababo la xiriira cayilka jirkeeda oo ay sheegtay inay mar walba ka wada hadli jireen.

"Waxaan ahaa hooyo iyo xaas wanaagsan, balse waxaan u maleynayaa in cayilkeyga uu dhibay seygeyga, wuu iga tegay noloshiisa ayuuna sii watay. Hadda gabadheyda ayaa wax walba iga caawisa" ayay tiri Claudette.

Waxay sheegtay in guurkeedii hore oo sanado badan jirsaday uu geeriyooday seygeedii waxayna u dhashay afar carruur ah.

Intaas kaddib mar kale ayay guursatay, hal cunug ayayna u dhashay kahor inta uusan ninkeeda labaad furin.

Waxay hadda la nooshahay gabadheeda oo ay sheegtay inay culeys badan ku heyso. Caqabad kale oo heysata ayay sheegtay inay tahay dhanka socodka oo a dhib wyen ku qabto.

Suuliga wuxuu ku yaalla bannaanka qolkeeda wuuna yar yahay sida ay sheegtay oo waxaa dhib ku ah gelistiisa, iyo sidoo kale iyadoo aan soo kici karin haddii ay fadhiisato.

'Runtii way i murjineysaa markaan arko sida uu cayilku ii saameeyay heer xitaa arrimahayga gaarka ah, hadda wxaaan u baahanahay caawinaad waxaan ula jeedaa gabadheyda oo aad ii caawisa sababtoo ah ma geli karo suuliga, kama geli karo albaabka cayilka jirkeygana iima saamaxayo inaan fadhiisto " ayay tiri Claudette.

W
Qoraalka sawirka, Claudette ayaa sheegtay in xitaa aysan waxba qabsan karin

Claudette waxaa intaa dheer in nadaafadda jirkeeda ay mararka qaar dhib ku tahay. Waxaa jira marar aysan aadi karin suuliga, iyadana ayaana baanaa qubeysata keligeed.

Waxa haatan raadineysaa qaabab kala duwan oo ay culeyska isaga riddo.

Claudette ayaa sheegtay in dhammaan howlaha uga baahan inay guriga ka baxdo ay joojisay, maaddaama socodku uu dhib ku yahay haatanna aysan aqoon wax ay sameyso. Waxay intaas ku dartay inay dhib ku qabto guri joogista oo ay cidlo ku dareento.

Waxay rajeyneysaa inay mar uun heli doonto qaab a isaga riddo miisaanka.

Maxaa sababa cayilka ?

Qof dumar ah

Xigashada Sawirka, Alamy

Sida laga soo xigtay hay'adda QM u qaabilsan caafimaadka ee WHO, cayilka xad dhaafka ah ooafka qalaad lagu yiraahdo obesity (erayga "obesity" oo laga soo dheegtay afka Laatiinka wuxuu la micno yahay erayga obesitas, oo la micno ah "adag, baruur ama adag".

Tani waa xaalad sababta in baruurta ay jirka ku uruurto heer ay sababto caafimaad darro halis ah.

Habka lagu cabbiro buurnaanka qofka ayaa ah isbarbardhig lagu sameeyo dhererka iyo miisaanka qofka.

Khubarrada caafimaadka ayaa sheegaya in cayilka xad dhaafka ah uu yahay dhibaato caafimaad wuxuuna sababaa xanuunnada ay ka midka yihiin dhiig karka, xanuunnada wadnaha, amaba dhibaatooyinka neef-mareenka.

Cayilka xad dhaafka ah waxaa sababa waxyaabo badan waxaana ka mid ah cunidda cuntooyinka ay ku badan tahay maaddada carbohydrate, sida waxyaabaha laga sameeyo burka cad.

Dhaqdhaqaaq jireed oo aan la sameyn, qofka oo waaliddiintii ka dhaxla, ayaa sidoo kale ka mid ah waxyaabaha sababa inkastoo tan dambe aysan aad u badneyn.

Cunto isku dheellitiran oo nafaqo leh iyo jimicsi ayaa ugu weyn waxyaabaha lagula tacaalo cayilka xad dhaafka ah.