Waddo la'aanta suuqa oo sii hurisay Khasaaraha ka dhashay dabka ka kacay suuqa weyn ee Hargeysa

Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa uu dabku ka kacay in dabka degdeg loo xakameyn waayo waxaa qayb weyn ka qaatay waddooyinka ciriiriga ee suuqaasi, sida ay ganacsatada qaarkood BBC u sheegeen.
Qaar ka mid ah ganacsatada hantidooda ku gubatay dabka suuqa ka kacay waxay sheegeen suuqa markiisi horaba inuusan lahayn waddooyin ku filan oo ay gaadiidka dabdamisku si waafi ah u mari karaan. Waddooyinka qaarkoodna ay xireen ganacsatada yaryarka oo hareeraha waddada ku ganacsada.
Dhinaca kalana Suuqa Waaheen oo ahaa kan ugu weyn magaalada Hargeysa ayaan lahayn nidaam dab damis oo u sahlaya in dabka suuqa ka kaca si fudud loo damiyo.
Dukaannada iyo Bakhaarrada suuqaasi ka jiray intooda badan waxay ahaayeen kuwa dhinaca isku hayo oo marin ku filan aan laheen dadkuna ay u hoggaansamin digniinaha la xiriira waxyaabaha dabka baajin kara.
Ganacsatada qaarkood waxay BBc u sheegeen suuqa inuu ahaa mid ciriiri ah oo meel laga galo iyo meel laga baxa aan laheen maayarkana magaaladana uu ganasacatada u taag waayey .
"Soomaalida waxay tirahdaa balaayana ma sama, wax aragna ma xuma caawa wax la ogaaday, waayo dadka ayaa la kari waayey oo dhag jalaq u siin waayey digniinta had iyo jeer uu maayarka u soo jeedinayey" ayuu yiri Baasha Bushaara oo ah ganacsade uu dabkaasi ay uga gubatay 10 meheradood.
Howlaha Gurmadka
Dabkii ka kacay suuqa ugu weyn Hargeysa ee Waaheen ayaa geystay qasaara baahsan inkasta oo qasaarahaasi si rasmi ah aan weli loo qiimeyn haddana baaxadda qasaaraha waxaa marag u ah muuqaalka argagaxa leh ee suuqa gubtay ka muuqda.
Suuqan oo bedka uu ku fadhiyo lagu qiyaaso ilaa shan kiiloomitir oo laba jibbaaran ayaa waxaa gabi ahaanba baab'iyey dabki ka kacay oo socday 20 saacadood waxaa ku gubatay 'hanti malaayiin doolar ah.'
Ciidamada dabdamiska, qaybaha kala duwan ee ciidamada iyo gurmad ka yimid dhinaca Dowlad Deegaanka Soomaalida ee dalka Itoobiya ayaa daminta dabka ka wada qayb qaatay.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madaxbannanida uga dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo goobta uu dabka ka kacay soo indha indheeyey wuxuu ku dhawaaqay in guddi arrintan loo saaray isaga oo shaaciyey hal malyan oo doolar oo ay guddigaasi ku sii howl galayaan.
"Guddi baa la magacaabay waxay galayaan gurmad xukumaddu waxay guddiga u soo deyneysaa hal malyan oo doolar oo ay guddidu ku howl gasho. Waxaanna aad iyo aad ugu mahadnaqayaa dhammaan dowladaha aan jaarka nahay oo isugu jira mid soo hadlay iyo mid soo gurmaday sida ay dhammaantood nooga soo tacsiyeeyeen madaxweynayaashaasi aad iyo aad baan ugu mahad naqeynaa. Waxaanna si gaar ah uga mahadnaqeynaa Killilka Shanaad oo waxay hayeen gaadiid dabdamis iyo xoog xalay soo diray oo daminta dabka nagala qayb qaatay," ayuu yiri madaxweyne Muusa Biixi.
Dabka suuqaasi ka kacay waxaa la sheegay iney ku dhaawacmeen 28 qof oo 9 ka mid dadkaasi ay soo gaareen dhaawacyo culus isbitaalladana lagu dabiibayo balse wax dhimasha ah ay jirin.

Dadka dabkaasi ku hanti beelay
"Halkan waxaan ku lahaa seddex mehereddood … hantida taallay marka la eego waxaa iiga burburay ilaa 70,000 oo doolar wey isku gaareysay. Suuqa waxaan ka baxay 8-ddii meelahaa 20 mirir anoon ka sii maqneen ayaa la igu yiri suuqi wuu gubanayaa waxaanna u imid isaga oo meheradahayga soo gaaray dabkina waa la qaban waayey," Cabdiraxmaan Ibraahim.
Masiibada dabka inkasta oo ay tahay mid xagga Alle ka timi haddana waxay aaminsan yihiin iney wadda la'aanta suuqa ka jirtay ay dhibaatadu sii hurisay.
"Markaa waxaa weeye waa aafo qaran waddooyinkaa xiranoo aanu dabdamiska soo mareyn kow bey ka ahaayeen dee wax uu ilaahey ugu talo glayna wey ahaayeen" ayuu yiri Cabduraxmaan Ibraahim oo ka mid ah ganacsatada ay hantida ka gubatay.
"Waxaan degganahay suuqa Waaheen Bacdlaha Hargeysa, muddo 20 sanadod ayaan degenaa 10 mehradood ayaa iiga gubtay, aniga mehradaheydu waxay ahaayeen qurxinta guryaha wixii oo dhan wey gubteen" ayuu yiri Baasho Bushaaro oo kamid ah ganacsatdii hantida uga gubtay dabka.

Khasaaraha dabka ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa waxaa la rumeysan yahay iney hanti badan ku baaba'day iyada oo Khasaaraha lagu qayaasay malaayiin doolar.
Madaxweynaha Somaliland wuxuu ku dhawaaqay guddi isugu jiro ganacsato iyo culimaa'udiin, qaar ka mid ah guddidaas oo goobta iyaguna gaadhay ayaa BBC u warramay waxaana ka mid ah Cabdikariin Maxamed Iid, maareeyaha guud ee shirkadda Telesom wuxuuna ka warramay dareenkooda iyo sida ay doonayaan in guddidoodu u gudo gasho hawsha hortaal.
"Doorka ganacsatdu waxaa weeye in qiimeyn iyo tirakoob rasmi ah lagu sameeyo hantida Meesha ku burburtay sidi awoodnaq dadkaasi looga raadin lahaa in laga shaqeeyo ayey noqoneysaa tan aan ahmiyada koobaad siineyno guddi ahanna aan ka shaqeyneyno ay tahay" ayuu yiri.
Waxayna ganacsatadu sheegeen dhaqanka Soomaaliga iyo kan Islaannimadaba iney dhigayaan marka walaalkaa wax soo gaaraan inaad tiiraanyada la qaybsatid wixi aad ka caawin kartidna aad ka caawisid ayna rajeynayaan inta karaankooda ah iney bixiyaan walow ay duruurfaba iska jiraan.
Xubno ka socdo dowladda Federaalka Itoobiya oo uu hoggaaminayo wasiirka maaliyadda Axmed Shide oo gaadhay magaalada Hargeysa waxay soo indhaindheeyeen goobta uu dabku ka kacay.

Madaxda caalamka ee dabkaasi ka tacsiyeysay
Qaar ka mid ah madaxda caalamka ayaa Somaliland uga tacsiyeysay dabka Khasaaraha ba'an geystay ee ka kacay magaalaa Hargeysa.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo oo khadka telefoonka kula xiriiray Madaxweynaha Jamhuuriyadda Iskeed Madax Bannaanida ugu dhawaaqday ee Somaliland Muuse Biixi Cabdi oo waxay ka wada hadleen khasaaraha hantiyeed ee ka dhalatay dabkii ka kacay Suuqa Waaheen ee magaalada Hargeysa.
Madaxweyne Farmaajo ayaa Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi la wadaagay tiiraanyada ku aaddan dhibaatada soo gaartay ganacsatada Soomaaliyeed iyo magaalada Hargeysa, isagoo sheegay dowladda Federaalka iney ka go'an tahay inay garab istaagto dadka ganacsatada ah ee ku hanti beelay musiibadan.
Ra'isal wasaaraha Britain Boris Johnson wuxuu sheegay Khasaaraha dabkaasi ka dhashay inuu aad uga xun yahay dowladdiisuna ay sameyneyso wax kasta oo ay ku taageereyso dadaalka Somaliland dib loogu dhisayo.
"Waxaan aad uga xumahay in aan aragno dhibaatada ka dhalatay dabka Hargeysa ka kacay ee burburka intaa le'eg ka dhacay suuqa furan oo ah halbowlaha dhaqaalaha magaalada, kaasoo saameeyay ganacsiyo badan oo yar yar iyo qoysaskooda. Magaaladiinu way kobci doontaa, Ingiriiskuna waxa uu ku dadaali doonaa sidii aanu Somaliland ugu taageeri lahayn dadaalka dib-u-dhiska" ayuu yiri Raiisul wasaaraha UK Boris Johnson.
Ra'isul wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed wuxuu sheegay inuu aad uga naxay Khasaaraha dabka uu u geystay ganacsatada suuqa weyn ee Hargeysa shacabka Somaliland uu murugada la qaybsanayo.
"Waxaan aad uga naxay, kana tiiraanyooday dabka ka kacay Suuq-weynaha badhtamaha Hargeysa, kaas oo khasaare ballaadhan u geystay hantidii Shacabka. Hadda lama qiyaasi karo Khasaarahaas. Waxaannu Shacabka Somaliland La qaybsanaynaa murugada dhibkaas ku yimid. Waxaannu u sheegaynaa inaannu garab taagannahay Waqtigan aad ka u adag. Waxaanu Eebbe ka rajaynaynaa inuu Khasaarahaas dheef ugu beddelo xilligan aannu ku jirno Bisha barakaysan ee Ramadaan. Eebbe ayaa inna leh, xaggiisana weynu ku-noqonayaa," ayuu yiri Ra'isu wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda Jabuuti Ismaaciil Cumar Geellee oo ka tacsiyeeyey dabka khasaaraha geystay ee ka kacay suuqa waheen ee magaalada Hargeisa wuxuu sheegay inuu aad uga xun yahay Khasaaraha ganacsatada soo gaaray murugadana uu la qaybsanayo ganacsatada dabkaasi ku hanti beeshay.
Dabka 8-ddi fiidnimo ee xalay ka kacay suuqa Waaheen ee magaalad Hageysaoo itiisa badan la damiyey haddana weli waxaa la sheegayaa inuu dabku meelaha qaar ka socdo balse lagu guuleystay in la xakameeyo fafitankiisa.










