Maxay helayaan xulka ku guuleysta koobka Afrika ?

Abaalmarinadan ayaa waxaa gudoonsiiyay madaxwaynaha Senegal

Xigashada Sawirka, Senegal Presidency

Qoraalka sawirka, Abaalmarinadan ayaa waxaa gudoonsiiyay madaxwaynaha Senegal

Dowladda Senegal ayaa abaal-marin lacageed iyo mid dhul gudoonsiisay cayaartooyda xulka qaranka ee dalkaasi u soo hoyiyay koobka qaranada qaaradda Afrika.

Munaasabad ka dhacday xarunta madaxtooyada ayaa ciyaaryahan kasta waxaa la gudoonsiiyay abaal-marin lacageed oo dhan in ka badan 87,000 oo dollar .

Waxaa sidoo kale ciyaartooyda dhul laga siiyay caasimadda Dakar iyo deegaanka Dianiyadiyo oo daris la ah caasimadda.

Madaxweyne Mackie Sal waxa uu kooxdaasi guddoonsiiyey abaal-marintii ugu sarraysay ee uu dalku bixiyo.

Madaxweynaha ayaa mar sii horeysay uga mahadceliyey kooxda sharafta ay dalka u soo hoyiyeen iyo in ay noqdeen horyaalka Afrika.

Waxaa uu sidoo kale madaxwaynaha ammaanay tababaraha xulka qaranka Senegal Aliou Cissé.

Tababaraha Senegal, Aliou Cissé, waxay guul u tahay isku daygii saddexaad ee finalka Koobka Qaramada Midoobay.

45-jirkan ayaa kabtanka u ahaa kooxda Teranga Lions markii ay ku dhameysteen kaalinta labaad sanadkii 2002-dii, wuxuuna xilligaa uu qasaariyey rigoore tuuristii Cameroon waxa uuna kursiga keydka ku jiray 2019-kii.

Waxa uu guusha u hibeeyey asxaabtiisa ka hor intii aanu shirkiisa jaraa'id qaban ciyaarta ka dib oo ay kooxdiisu joojin dabbaaldegga.

Xulka Senegal ayaa rigoorayaal 4-2 uga adkaaday xulka Masar, iyagoo noqday markii ugu horreysay taariikhda hantay koobka Afrika.

Xulka qaranka Senegal

Xigashada Sawirka, ANADOLU AGENCY

Qoraalka sawirka, Xulka qaranka Senegal

Dadka ree Senegal ayaa farxad iyo reynreyn ku soo dhaweeyay kooxda markii ay dalka dib ugu soo laabteen iyga oo sida koobka kubadda cagta ee Afrika.

Waxaa dalkaasi iyo guud ahaan caalamkaba si aad ah looga hadal hayaa laacibka wayn ee reer Senegal Sadio Mane

Xiddiggan wuxuu shabaqa uu ku hubsaday rigooraha guusha u horseeday dalkiisa uu ka dhaliyey Masar, isaga oo qaybti hore ee ciyaarta laga diiday rigoore iyada oo marki dambana ay ciyaarti Axadda oo wakhti dheeri ah lagu daray ay ku dhammaatay 0-0.

Dalka Senegal ee Galbeedka Afrika ku yaalla waxay ku guul darreysteen laba koob oo kubadda cagta ah, iyada oo seddex sano ka hor ay Algeria isku soo hareen ugu dambeyntina 1-0 looga guuleystay.

Qiimaha lacageed ee la siinayo kooxda ku guuleysata koobka Afrika

Qiimaha lacageed ee la siinayo kooxda dalka ku guleysta koobka kubadda cagta ee qaranada qaaradda Afrika ayaa sii kordhayay sanad-ba sanadka ka dambeeya.

Sanadkan dalka Senegaal oo koobka ku guuleystay waxa ay helayaan lacag dhan 5 milyan oo doolar.

Kooxdii ay ciyaartii kama dambeysta ahaa wada dheeleen ee Masar ayaan qudhooda qadi doonin oo waxaa ay helayaan abaalmarin lacageed oo dhan 2.75 milyan oo doolar.

Sidoo kale labadii kooxood ee soo gaaray nus-dhamaadka oo kala ahaa Burkina Faso iyo Cameroon ayaa waxaa ay helayaan 2.2 milyan midkiiba.

Kooxihii soo gaaray rubac dhamaadka tartanka koobka qaramada qaaradda Afrika oo kala ahaa Gambia, Tunisia, Morocco and Equatorial Guinea ayaa waxaa ay helayaan abaal-marin lacageed oo dhan 1.8 milyan oo doolar.