SADIO MANE: Cayaaryahanka xulka Senegal iyo kooxda Liverpool
Xiddiga uu dheelo xulka Senegal iyo kooxda Liverpool ee Sadio Mane wuxuu sannadkan 2017-ka soo bandhigay qaab cayareed aad uu wanaagsan.
Saaxibaddiis ee ay isku mihnedda yihiin uma aysan codayn oo keliya in uu ka soo muuqdo cayaaryahannada qeybta ka ahaa kooxdii cajiibka ahayd ee sannadka ee PFA, balse waxaa uu sidoo kale kamid ahaa 2-da cayaaryahan oo Afrikaanka ah ee kujiray liiskii kama dambeyska ahaa ee cayaartooydii loo soo xushay in ay u tartamaan abaalmarinta Ballon d'Or.
Wuxuu sidoo kale door muhiim ah ka qaatay in Senegal ay markii labaad u soo baxdo tartanka koobka Adduunka, waana markii ugu horeysay tan iyo 2002-dii.
Wuxuu sannadkan ahaa sannadkii ugu wanaagsanaa ee uu Mane dib uu billaabo in uu waddankiisa u dhalliyo goolal, wuxuuna u dhalliyay 4 gool oo uu ka dhalliyay 9 kulan oo laga qeybgeliyay.
Waxaa horaantii sannadkan billaabmay qeylo dhaan loo dirayay cayaaryahankan kadib markii ay ku adkaatay in uu soo bandhigo cayaar wanaagsan islamarkaasina uu dhalliyo goolal.
Wax yar uun kadib markii rajo laga muujiyay cayaaryahankan oo uu xulkiisa Senegal u dhalliyay laba gool intuu socday isrereebkii kooxaha ee koobkii qaramada Afrika, waxaana is bedelay qaab ciyaareedkiisa.
Gool kullaad aan caadi ahayn ee kooxdiisa ay fursad ugu heli lahayd in ay same-finalka gaarto ayaan u suuragalin, waxaana ka adkaatay Cameroon xilli uu socday koobkii qaramada Afrika waxaana si weyn u niyad jabay Mane oo wajigiisu laga arkaayay ilmo ka qubaneysay.
Kooxda Liverpool ayaa ka mahadcelisay qaabka ciyaaryahanka uga jawaabay dalabkooda, sababtoo ah waxay guul gaaren oo keliya 1 kulan oo kamid ah 7 kulan oo ay dheelen, intuu ka maqnaa taas oo xitaa sababtay in ay ka haraan tartanka ay ugu jireen laba horyaal.
Wuxuu kaalin ka qaatay oo uu dhiirageliyay kooxda kadib markii uu ku hoggaamiyay guushii ugu horaysay oo ay gaaran tan iyo markii uu u ambabaxay Gaboon, Markuu soo noqday waxay ka badiyeen kooxda laga baqo ee Tottenham. Sidoo kale wuxuu kooxda ka caawiyay in ay ka badiso Everton, Mane ayaana dhaliyay goolasha ay ku badiyeen.
Wuxuu xilli ciyaareedkii hore dhaliyay 13 gool, waxayna ahaayeen goolashii ugu badnaa ee uu dhalliyo intuu ku sugnaa Britain, inkastoo uusan ciyaarin bilihii April iyo May, waxaana lagu sameeyay qalliin jilibka ah.
Mane iyo Coutinho ayaa noqday labada ciyaaryahan ee dhaliyay goolasha ugu badan ee Liverpool, xilli cayaareedkiisi ugu horeeyay, wuxuuna gacan ka gaystay in Liverpool ay ka qeybgasho Champions League-gga markii ugu horeysay muddo siddeed sano ah.
Wuxuu ka dib noqday ciyaaryahanka kooxda ugu wanaagsan xilli ciyaareedkii hore, waxaana la siiyay abaalmarinta ay ciyaaryahannada kale u xushaan midkooda ugu wanaagsan.
Markii la siinaayay kaarkii casaa ee lagu murmay, kulankii kooxdiisa ay la yeelatay kooxda Manchester City, Mane wuxuu Liverpool gaarsiiyay heer wanaagsan, balse ka dib waxay hoos u dhacday kullamadii kale ee ay ciyaartay.
Kooxda ayaa si wayn u dareentay maqnaashihiisa, 25 sano jirka wuxuu muhiim u yahay Liverpool, taasna waxay caddaatay marka uu garoonka ka maqan yahay. Wuxuuna xidiggan Senegal rajeynayaa in uu ku guuleysto ciyaaryahanka sanadka Afrika ee BBC-da.










