Shah Rukh Khan oo ku tufay naxashka Lata Mangeshkar

Baraha Bulshada waxaa muran xooggan ka dhaliyey jilaaga caanka ah Shah Rukh Khan oo soo gaaray goob loogu duceynayey fannanaddi caanka ah ee Bollywood Lata Mangeshkar sida uu canduufta ugu tufay.

Galabnimadi Axaddi, inta aan Lata Mangeshkar la aasin ka hor munaasabad lagu qabtay beer ku taallo Mumbai oo ay ka soo qayb galeen wasiirro iyo ra'isal wasaaraha dalkaasi Naredra Modi waxaa loogu duceynayey fannaanaddaasi dhimatay.

Haddaba Jilaaga caanka ah Shah Rukh Khan iyo xoghayntiisa Pooja Dadlani ayaa goobta soo gaaray. Halka Shah Rukh Khan gacmaha kor u taagay si uu ugu duceeyo, halka ay Pooja ay iyaduna sida caadada u ah ay labada gacmood isa saartay iyada oo fannanadda dhimatay u duceyneyso.

Shah Rukh Khan marka uu ducadi dhammeystay wuxuu iska siibay maaskarihi afka iyo sanka ugu xirnaa wuxuuna candhuuf u tufay dhinaca naxashka uu yaalla. Haddaba barta Twitter-ka waxa dood weyn ka dhalisay candhuufta uu Shaah Rukhan u ku tufay naxashka Lata.

Arun Yada oo ka tirsan xisbiga BJP ayaa dhinaca Twitter-ka dood kulul ka abuuray. Wuxuuna baraha bulshada uu la wadaagay muuqaal muujinaya Shah Rukh Khan oo naxashka u duceynaya, isaga oo muuqaalkaasi ku dul qoray "Ma cadhuuf ayuu tufayaa?"

Dadkuna waxay billaabeen inay dhinaca baraha bulshada Shah Rukh Khan ka dhaleeceeyaan iyagoo u bixinaya magaca neeftiisa. Halka qeyba kalana ay ammaaneen isaga iyo Pooja Dadlani iyaga oo ku tilmaamay sawirkooda inuu yahay sawirka dhabta ah ee Hindiya

Dad badan oo caan ka ah dalka Hindiya ayaa ku soo biiray arrintan doodda dhalisay iyaga oo cambaareyn kala dul dhacay Shah Rukh Khan.

Xildhibaanada Priyanka Chaturvedi waxay barteeda Twitter-ka ay ku soo qortay "Dadka qaar ma istaahilaan duco iyo naxariis toona, ee waxay u baahan yihiin oo keli ah in la siiyo dawo xanuunka maskaxda ka hayo ay isaga daweeyaan."

Supriya Srinetra oo aqalka Koongaraska ka tirsan waxay sida oo kale barteeda Twitter-ka ay soo dhigtay farriin ay uga jawaabeysa su'aalaha tirada badan ee loo soo jeedinayo Shah Rukh Khan.

"Ma tihid oo kaliya qof ay maskaxdiisu xiran tahay, laakiin waxaad tahay qof aad u xun oo sidoo kale ducada u adeegsanaya faafinta neceybka. Qof kastaa waxa uu qabo si uu u gudbiyo, taasoo ka dhigan inaan u oggolaanno xumaanta inay guuleysato."

Supriya waxay barteeda Twitter-ka soo dhigtay Sawirka Shah Rukh Khan oo duceynaya waxayna soo raacisay- "Dalkayga."

Chandra Kumar Bose, ducada Shah Rukh Khan oo ku hadlaya magaca xisbiga BJP wuxuu yiri: "Ducada Shah Rukh Khan uu aaska Lata Mangeshkar ka sameeyey ay muujineyso dhaqanka wanaagsan ee soo jireenka uu dalka Hindiya leeyahay. Laakiin dadka diimaha qaar aaminsan uma cuntameyso."

Sida o kale suxufiga caanka ah Siddharth Varadarajan wuxuu bartiisa Twitterka uu ku soo qoray: "Shaki kuma jiro in ay yihiin dadka bulshada ku dhex jira ee wasakhda iyo sunta faafinaya. Haddii Arun Yadav uu jaahil ka yahay Ducada, sidaas oo kale ayaa had iyo jeer qof waydiin kara ka hor intaadan sheegan.

Waa maxay Candhuuf tufka?

Candhuuf tufka waa dhaqan ay muslimiintu leeyihiin. Ducadana qofka nool ama dhintay intaba waa lagu dul akhriyaa waana loo duceeyaa.

Inta badanna ducooyinka la akhriyo badankood waxaa laga soo minguuriyey kitaabka Qur'aanka Kariimka ee muslimiinta.

Ducada qofka marxuumka ah loo sameeyo ayaa waxaa loogu duceeyaa inuu ducadaasi loo sameynayo ilaahey ugu naxariisto walow diinta uu aaminsan yahay ay ku xiran tahay.

Ducada sida oo kale ma ah mid loo akhriyo dadka dhintay oo keli ah balse dadka nool laftooda wey duceystan waana loo duceeyaa waxaana loogu duceeyaa caafimaad, cimri-dherer, cibaado, iyo wanaag oo dhan.

Nidaamka ducada muslimiintana waxaa dhaqan u ah qof marka ay duceynayaan oo ay ducada dhammeeyaan iney candhuufta ku tufaan.

Iyada candhuuf tufka noocaasi ee ay muslimiinta dhaqanka u leeyihiin diintooda islaamkana raadka ku leh ay dadka aan dhaqankaasi waxba ka aqoon ama neceybka islaamka uu madax maray ay xumaan u fasirtaan, laakiin xaqiiqdii xaalku laakiin sidaa waa uu ka duwan yahay oo waxaa wanagsan in dhanka wanagga laga eego.