You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Hantida uu leeyahay jilaaga caanka ah ee Shah Rukh Khan
Jilaaga caanka ee Shah Rukh Khan, oo dalka Hindiyana looga yaqaano "Boqor khan", wuxuu ka mid yahay jilayaada ugu taageerada badan caalamka. Wargeyesyo badan oo ay ka mid yihiin Forbes iyo Celebrity Networth ayaa wax ka qoray hantida uu leeyahay iyo sida uu ku helay dhaqaalaha uu heysto.
Shah Rukh Khan sannadkii hore uu ka guuldarestay filimkii uu sameeyay ee Zero, ayaa wali la sheegay in uu ka mid yahay jilayaada ugu hantida badan dunida, inkastoo uusan ahayn sidii hore.
Jilaagan oo sameeyay inkabadan 80 filim, oo intooda badan uu ku guuleystay, dhaqaale badanna uu ka helay, ayaa hantidiisa lagu qiyaasay $600 milyan oo doolar.
Shah Rukh Khan oo sidoo kale ku guuleystay abaalmarino caalami ah, wuxuu leeyahay shirkadda Madadaalada ee Red Chillis, taas oo sameysa aflaanta iyo waxyaabaha la xiriira sida duubista muuqaalada.
Wargeyska Forbes ayaa qoray in Shah Rukh Khan uu sannadkiiba mushaar ahaan uu u helo lacag gaareysa $38 milyan oo doolar, lacagahaas oo uu ka sameeyo xayaysiinta iyo aflaanta uu sameeyo.
Sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Hindiya, Shah Rukh Khan wuxuu si dhow ula shaqeeyaa waaxda dalxiiska ee dalka Isu tagga Imaaraatka Carabta.
"Howsha uu la qabto waxay tahay in uu ka shaqeeyo muujinta iyo soo bandhigidda goobaha dalxiiska ee Imaaraatka".
Sidoo kale, wuxuu Shah Rukh Khan dhaqaale ka helaa oo uu horumuud u yahay barnaamij loogu magacdaray #BeMyGuest, kaas oo ah mid Dowladda Imaaraatka ay kuso jiidato dalxiisayaahsa caalamka.
"Malaayiin dollar ayuuna ka helaa muuqaalada xayaysiinta ee uu u duubo." Shah Rukh Khan ayaa si joogta ah u booqda dalka UAE.
Sumcadda uu dunida ku leeyahay Shah Rukh Khan iyo sida dad badan ay u xiiseynayaan aflanatiisa ayaa keentay in shirkado badan oo caalamka ay ka dalbadaan in uu xayaysiimo u sameeyo.
Shirkadaha uu xayaysiinta u sameeyay waxaa ka mid ah Pepsi, Nokia, TAG Heuer, Dish TV iyo shirkado badan oo ku yaala dalalka Carabta, kuwaas oo ka ganacsadaha dahabka.
Mid ka mid ah xayeysiimihii uu dhaqaalaha badan ka helay Shah Rukh Khan, wuxuu ka helay $2.8 milyan oo dollar.
Forbes ayaa mar Shah Rukh Khan ku tilmaamay in uu yahay jilaaga labaad ee ugu taajirsan caalamka, wuxuuna ka mid yahay 50-ka qof ee ugu saameynta badan dunida.
Taagaeerayaasha Shah Rukh Khan ee daawada aflaantiisa guud ahaan dunida ayaa la sheegay in ay ka badan yihiin hal bilyan oo ruux.
Dalalka uu taageerayaasha ugu badan ku leeyahay waxaa ka mid ah Soomaaliya oo aad looga jecel yahay aflaantiisa jaceylka ah.
Sida uu qiimeeyay wargeyska The India Today, magaca Shah Rukh Khan waa mid aad looga tixgeliyo dalal badan oo caalamka ah.
Sida uu qoray Forbs, Shah Rukh Khan wuxuu ka taajirsan yahay jilayaal ay ka mid yihiin, Tom Cruise, George Clooney, Mel Gibson, Adam Sandler iyo Amitabh Bachchan.
Jilaagan caanka ah wuxuu hanti guryo ah ku leeyahay magaalooyiinka Mumbai, Dubai iyo London, sida uu qoray wargeys ka soo baxa UK.
Qoyskiisa waxay ku nool yihiin gurigiisa qasriga weyn ah ee ku yaalla magaalada Mumbai ee dalka Hindiya.