Milkiilaha Facebook oo sheegay in uu ku sigtay in uu ooyo

Mark Zuckerberg

Xigashada Sawirka, AFP

Milkiilaha Facebook ayaa wajahay hoos u dhac weyn oo ah dhanka suuqa saamiyada waxa uu khasaaray in ka badan $230 bilyan oo doolar, taasoo ah khasaare rikoor ah oo ay khasaarto shirkad Mareykan ah.

Meta ayaa sidoo kale sheegtay in isticmaaleyaasha Facebook ee firfircoon ee maalinlaha ah ay hoos u dhaceen markii ugu horreysay taariikhda muddo 18-sano ah.

Mark Zuckerberg ayaa u sheegay shaqaalaha in laga yaabo inuu ooyo sababtoo ah isha ayuu xoqday saacado yar ka dib markii shirkadiisu ay gashay khasaarahaasi.

Tirokoobyo cusub, oo la sii daayay iyada oo qayb ka ah natiijooyinka dhaqaale ee ugu dambeeyay ee shirkadda Meta, ayaa muujinaya in isticmaaleyaasha maalinlaha ah ee Facebook ay hoos u dhaceen 1.929 bilyan oo qof saddexdii bilood ee ugu dambeeyay 2021.

Hoos u dhaca ku yimid hantida gaarka ah ee Mr Zuckerberg ayaa u dhiganta wax soo saarka guud ee sanadlaha ah ee Estonia.

Xitaa hoos u dhacaas ka dib, Mr Zuckerberg wuxuu heystaa hanti lagu qiyaasay ku dhawaad ​​$90bn, taasoo la micno ah inuu weli yahay mid ka mid ah dadka ugu qanisan adduunka.

Waa markii ugu horreysay ee shirkaddan baraha bulshada la kulanto khasaare nocaan ah oo uu hoos u dhac ku yimid.

Way caddahay in Meta ay soo food saartay dabayl wadata dhibaatooyin kala duwan.

Sababaha ay macamiisha hoos ugu dhaceen waxaa ka mid ah tartaramada ay ku hayaan shirkadaha kale ee baraha bulshada sida TikTok. TikTok ayaa soo jiidanaysa da' yarta Iyo waxaane sare u sii kacaya kobaca isticmaaleyaasha.

Meta ayaa sidoo kale ka digtay hoos u dhigista kobaca dakhliga ee tartanka ka imaanaya shirkadaha tartamaya oo ay ku jiraan TikTok iyo YouTube, halka dadka wax ku xayeysiisanaya ay sidoo kale jarayeen kharashaadka.

Mr Zuckerberg ayaa sheegay in kobaca iibka shirkadu uu dhaawac soo gaaray markii daawadayaasha, gaar ahaan isticmaalayaasha da'da yar, ay u wareegeen kuwa ay xafiiltamaan.

In kasta oo shirkaddu ay maalgelin ku samaynaysay adeegyada muuqaalka si ay ula tartanto TikTok, oo ay iska leedahay shirkadda weyn ee tignoolajiyada Shiinaha ee ByteDance, hadana waxay ka heshaa lacag ka yar waxyaabaha ay bixiyaan Facebook iyo Instagram-keeda caadiga ah.

Shirkadda Facebook ayaa sannadkii hore ku dhawaaqday inay iska baddashay magaca lagu aasaasay, ayna la baxday Meta, tallaabadaas oo qayb ka ah isbaddal weyn oo lagu sameynayo shirkaddan.

.

Xigashada Sawirka, OZAN KOSE

Tallaabadan ayaa daba socotay sheekooyin lagu weeraray Facebook oo lagu saleeyay dukumiintiyo uu soo dusiyay nin horay uga tirsanaa shaqaalaheeda.

Frances Haugen ayaa ku eedeeyay shirkaddan in ay "badbaadada ka hormariso sidii ay dhaqaale ku heli lahayd".

Arrintan ayaa kusoo aadday xilli horaantii bishii October ee sannadkii 2021-kii ay cillad ku timid adeegyada Facebook oo mar qura hawada ka baxay meelo badan oo ka mid ah dunida.

Maxaa sababay caqabbada soo wajahday Facebook?

Shirkaddan saameynta weyn ku leh baraha bulshada ayaa dareentay hoos u dhac aysan la kulmin muddadii 18-ka sano ahayd ee ay jirtay Facebook.

Meta oo ah shirkadda leh Facebook ayaa sheegtay in dadka maalin kasta soo gala ay hoos ugu dhaceen 1.929 bilyan muddo saddex bilood ah oo ku ekeyd bishii December.

Tiradaas ayaa ka yar marka lala barbar dhigo saddexdii bilood ee ka horreysay oo ahayd 1.930 bilyan.

Waxa ay shirkaddu sidoo kale ka digtay inuu yaraan doono dakhliga usoo xarooda, maadaama uu jiro tartan adag oo ay ka wajahayaan shirkadaha TikTok iyo YouTube. Sidoo kale waxaa hoos u dhacay dadka wax ku xayeysiiya Facebook.

Saamiyada Meta ayaa in ka badan 20% hoos uga dhacay suuqa loo yaqaanno "after-hours" ee magaalada New York.

Waxay taasi ka dhigan tahay in qiimaha suuqa saamiyada ee Meta ay ka go'day lacag dhan qiyaastii $200bn (£147.5bn).

Saamiyada shirkadaha kale, sida Twitter, Snap iyo Pinterest, ayaa sidoo kale hoos u dhacay.

Mark Zuckerberg oo ah madaxa shirkadda ayaa sheegay in dadka dhallinyarada ah ay ka guurayaan ayna aadayaan shirkadaha kasoo hor jeeda ee tartanka kula jira.

Maamulaha Facebook Mark Zuckerberg

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Maamulaha Facebook Mark Zuckerberg

Facebook waxay waligeedba ahaan jirtay mid kor u socota, tan iyo markii la aasaasay ku dhawaad 20 sano ka hor.

Saddex bilood oo kasta tirada dadweynaha adduunka ee kusoo biiraya waxay ahaayeen kuwo hal jiho ku socda, oo dhanka sare ah.

Sidaasoo ay tahayna, dhowrkii sano ee lasoo dhaafay kobaceeda dhinaca Mareykanka iyo Yurub ma uusan isbaddalin. sare u kaca waxa uu ka imaanayay dadka ku nool dunida inteeda kale.

Facebook hadda dadka ugu badan ma aha dhallinyarada oo kaliya, sidii ay horay ahaan jirtay. Sida ay mas'uuliyiinteeda qirteenna, TikTok ayaa dhaawac weyn u geysatay ganacsigooda.

Balse waxaa jira sababo kale oo dadka maalgashadayaasha ah ay uga walwalsan yihiin Meta.

Meta waxay baddashay magaceeda sababtoo ah waxay rabtay inay diiradda saarto ganacsiyada Metaverse. Balse Meta uma wali uma dhawa inay abuurto Metaverse, taasina hadda waa riyo la hiigsanayo.

Hase yeeshee waxay balaayiin doolar ku bixineysaa isku dayga la xiriira in la dhiso - sababtuna waa in Mark Zuckerberg uu u maleynayo in adeeggaas loo baahan yahay - taasoo ah halis weyn.

Ma laga yaabaa in xalka ugu degdegta badan ee lagu dhammeyn karo dhibaatooyinka haysta Meta uu yahay inay iibsato TikTok?

Haddii uu xitaa yahay, waaxda sharciyeynta ee Mareykanka waligeed uma oggolaan doonto tallaabadaas oo uu ka hor imaanayo sharciga tartamada shirkadaha.

Dhanka kalena, Facebook hadda waxaa gobolka Silicon Valley looga arkaa meel sumeysan. Lagama aaminsana inay tahay meel wanaagsan oo laga shaqeeyo sidii ay u ahaan jirtay toban sano ka hor.

Arrintaasina waxay sababeysaa in dadka xirfadda sare leh ay ka fogaadaan.

Meta waxay wajaheysaa dhibaatooyin aad u waaweyn, middan hadda culus waxa ay noqon kartaa billow oo kaliya.