Ma waxaa dib Afrika ugu soo laabanaya afgembiyadii tirada badnaa?

Askar sawir galaysa

Xigashada Sawirka, .

Qoraalka sawirka, Askar sawir galaysa

Kaddib inqilaabkii militari ee dalkaBurkina Faso ayaa Paul Melly oo ka faalooda arrimaha gobolka waxa uu eegayaa sababta waddamada galbeedka Afrika ay u wajahayaan mowjado cusub oo afgambi ah kadib markii dimuquraadiyaddu ay noqotay ka taabbagashay gobolkani oo dhan.

Wax ka yar muddo shan bilood ah kaddib markii ciidamadu ay ka soo muuqdeen telefishinka qaranka ee dalka Guinea, ayna ku dhawaaqeen in ay xilkii ka tuureen madaxweyne Alpha Condé, isla arrintii oo kale ayaa isniintii la soo dhaafay ka dhacday dalka Burkina Faso, halkaasi oo milatarigu uu ku dhawaaqay in ay inqilaabeen xukunkii madaxweyne Roch Kaboré.

Waxaa sidoo kale jirtay in laba jeer uu inqilab milatari ka dhacay dalka Mali, halkaasi oo bishii Agosto ee sanadkii 2020 saraakiisha ciidamada ay xilka ka qaadeen madaxweyne Ibraahim Bubakar Keyta.

Ciidamadu waxa ay u ballan qaadeen urur-goboleedka galbeedka Afrika ee ECOWAS in ay qabanqaabin doonaan doorashooyin bisha soo socota.

Haseyeeshee, bishii Maajo ee sanadkii 2021 ayay mar kale dib u qabsadeen xukunkii dalka, si ay u dejiyaan qorshayaal ay xukunka ku sii joogaan ku dhawaad shan sano oo kale.

Waddamada galbeedka Afrika ayay siyaasaddoodu ahayd mid ku dhisan xisbiyo badan oo dastuuri ah, balse waxaa mararka qaar dhici jirtay in madaxweyneyaasha qaarkood marka ay xukunka la wareegaan in ay sharciga badalaan si ay xukunka ugu sii dhegnaadaan.

Hadda saddex waddan oo ka tirsan urur goboleedka ECOWAS ayaa waxaa xukunka u haya ciidamo.

Haddaba su'aashu waxay taay ma waxaa lagu laabtay waagii la iska illaaway ee ay xukunka haayi jireen rag awood badan oo ciidamada ka tirsan?

Dalka Guinea had iyo jeer waxa uu lahaa taariikh dheer oo maamul xumo iyo cadaadis ku dheehan tahay.

Alpha Condé ayaa sanadkii 2010-kii loo doortay in uu noqdo madaxweynihii ugu horreeyay ee dimuqoraadi ah balse waxa uu markii dambe noqday mid kaligii-talis, wuxuuna bedelay dastuurka dalkaasi si uu mar saddexaad isu soo sharraxo sanadki 2020,waxa uuna xabsiga dhigay tiro badan oo ka tirsan siyaasiinta ka soo horjeeday.

Markii ciidamadu ay xukunka ka tuureen bishii Sebteembar ee la soo dhaafay, waxay ciidamadu ballanqaadeen isbadal dimuquraadi ah, arrintaana waxaa aad u soo dhaweeyay shacabka dalkaasi oo xitaa waxaa jirtay in xitaa xisbigiisu ay ka qoomameeyeen in isaga ay ka dhigtaan musharrax madaxweyne oo ay soo doortaan.

Sidee kacdoonka islaamiyiintu uu u horseeday afgambi mar kale?

Si ka duwan arrinta dalka Guinea, dalka Burkina Faso ayaa sida Mali oo kale waxa uu dhibaato weyn oo dhanka amniga ahi kala kulmay kacdoonka kooxaha Islaamiyiinta ahi oo xasillooni darro ba'an geliyay dalkaasi.

Wararka aan kala joogsiga lahayn ee ku saabsan weerarada kooxaha Islaamiyiinta ahi ee dalkaasi ayaa sii huriyay carada ka dhex jirta shacabka ku nool magaalooyinka waaweyn, waxaana jirtay in ciidamadu ay walaac ka muujinayeen xaaladda ay ku dagaal tagaan oo ay ku sheegeen hub la'aan, cunno la'aan iyo xitaa mushaar la'aan.

Sanadkan inqilaabka mar kale ka dhacay Burkina Faso ayaa ah mid ka dhashay caradaasi shacabka iyo ciidamada.

Carada ayaa cirka isku sii shareertay kaddib weerarkii 14kii Nofeembar ee sanadkii tegay, kaasi oo islaamiyiintu ay ku qaadeen xerada ciidamada "Gendarmerie" ee Inata ee ku taal waqooyiga Burkina Faso oo ay ku dhinteen 53 ka mid ah 120 askari oo xeradaasi ku jiray.

Burkina Faso

Xigashada Sawirka, Reuters

Tan iyo dhammaadkii sanadkii tegay, waxaa sii xoogeysanayay dalabka ah in dwoladdu ay la timaado qorshe amni oo wanaagsan, arrintaa oo sababtay in madaxweyne Kaboré uu dib u habeyn ku sameeyo dowladdiisa iyo taliska ciidamada militariga, si uu u soo ceshado kalsoonidii siyaasadeed ee dowladdiisa iyo in uu xasillooni ku soo dabbaalo gobollada waqooyiga iyo bariga dalkaasi.

Labadii sano ee la soo dhaafay waxaa jirtay in ay xirmeen in ka badan 1,000 iskuul iyo 1.5 milyan oo qof oo ka qaxay guryahoodii, si ay uga badbaadaan rabshadaha. Dadkani qaarkood ayaa ku khasbanaaday in ay lacag iyo cunto ka dawirsadaan waddooyinka caasimadda, Ouagadougou. In ka badan 2,000 oo qof ayaa naftooda ku waayay rabshadahaasi.

Dabcan xiisadda ka aloosan gobolka Saaxil ma aha mid cusub. Tobankii sano ee la soo dhaafay, kooxaha jihaad doonka ahi iyo xiisadaha u dhaxeeya beelaha ayaa khatar gelinayay ammaanka dadka deggan tuulooyinka ku yaal guud ahaan gobolka oo dhan, iyadoo dawladaha taagta daran ee dalkaasina ay la halgamaysay ilaalinta xukunkeeda iyo adeegyada bulshada dalkaasi.

Qoraalka Codka, Madaxtooyada Soomaaliya oo ka jawaabtay eedihii Ra'iisul Wasaare Rooble

Faragelintii ciidamada Faransiiska iyo kuwa waddaamda galbeedka Afrika ay ku sameeyeen arrimaha dalka Mali sanadkii 2013 ayaa horseeday in kooxaha islaamiyiinta ahi laga xoreeyo magaalooyinkii ay qabsadeen. Basle arrintaasi ma aysan joojin fiditaanka rabshadaha ka dhacayay dhulka miyiga ahi.

Saddexdii sano ee la soo dhaafay xaaladda nabadgelyo xumida ayaa la dareemayay in ay sii laba jibbaarmeysay, gaar ahaan Burkina Faso, halkaasi oo weerarrada aan loo meel dayin ee lagu qaadayay dadka rayidka ahi iyo ciidamaduba ay si deg deg ah ugu faafeen dhinaca koonfureed, kuwaa oo xitaa saameyn ku yeeshay bulshooyinka deggan dhulka ku dhow xaasimadda Ouagadougou.

Waddada weyn ee ku taal dhanka bari isla markaana tagta magaalada Fada Ngourma iyo wixii xagga ka sii jira iyo xitaa xadka dalka Niger uu la wadaago Burkina Faso ayaan hadda ahayn dhul ammaan ah. Miinada ayaa daadsan waddooyinka, arrintaasi oo dhibaato ku ah safarrada dhulka lagu marayo.

Bishii Juun ee saandkii la soo dhaafay xasuuq ay geysteen fallaagada ayaa waxa uu ka dhacay tuulooyinka Solhan iyo Tadaryat oo ku yaal gobolka Yagha, waxaana ku dhintay ugu yaraan 174 qof.

Sidee ayuu Kabore u waayay shacbiyaddiisii?

Madaxweyne Kaboré ayaa la doortay Nofeembar 2015, kaddib kacdoonkii shacabka ee xukunka ka tuuray kaligii-taliska hore ee dalkaasi xukumayay. Shan sano kaddib, si fudud ayaa mar kale dib loogu soo doortay doorasho dimuqraadi ahayd oo dalkaasi ka dhacday.

Balse muddo yar kaddib, waxa uu lumiyay kalsoonidii shacabka maadaama uu ku guuldareystay in uu ka adkaado kacdoonka kooxaha islaamiyiinta ahi.

Ugu dambeyntii axaddii dhaweyd ayay ciidamada milatarigu gadoodeen, waxayna isniintii xigtay ku dhawaaqeen in ay xukunkii dalka la wareegeen.

Wali waxaa muuqda raadkii saameynta iyo jahawareerkii ka dhashay inqilaabkii 2020-kii ay ciidamada dalka Mali kula wareegeen xukunka dalka. Inqilaabkaasi ayaa yimid kaddib markii kooxo islaamiyiin ah ay weerarro xooggan dalkaasi ka geysteen sanadkii 2019-kii, inkastoo ay haddana jireen guulo ay gaareen ciidamada dowladda, kuwa Faransiiska iyo kuwa ka socday waddamada deriska ahi.

Haseyeeshee haatan marka la eego xaaladda Burkina Faso, arrintu waxa ay noqotay mid faraha ka baxday.

Weerarkii Inata ayaa dhacay xilli dowladdu ay wali ku jirtay dib u habeynta iqorshaheeda amni, arrintaa oo dareen xooggan ku abuurtay shacabka dalkaasi.

In ka yar saddex billood kaddib weerarkaasi, Kaboré waxa uu haatan ku jiraa gacanta ciidamadii xukunka ka tuuray.

Burkina Faso

Xigashada Sawirka, Getty Images

Waa ay fududahay in la dareemo in mintidiintu ay si bareer ah u doonayaan in ay qalalaase geliyaan ciidamada waddaamda Saaxil.

Balse dhab ahaantii, wararka ku saabsan weerarrada arxan darrada ahi ee maalin kastaa dhacaya ee galaafanaya nolosha dadka ku dhaqan tuulooyinka, ciidamada iyo dhallinyarada mutadhawiciinta ahi ayaa sii hurinaya cabsiga joogtada ah ee ay dadku dareemayaan, taa oo wiiqeysa daacadnimada ciidanka dalalkaasi.

Hadda waxaa jirta cabsi ah in waddanka Niger, oo ay muddaba bartilmaameedsanayeen kooxo islaamiyiin ah sida waddamada Mali iyo Burkina Faso, ay suurtagal tahay in ciidamadu ay xukunkiisa la wareegaan.

Madaxweynaha dalka Niger Maxamed Bazoum ayaa billaabay olole ballaaran oo uu ku qancinayo dadka in ay ku laabtaan deegaannadii ay rabshadaha jiwa awgood uga soo qaxeen, deegaannadaa oo hadda la geeyay ciidamo badan oo lagu xoojinayo ammaankooga, iyo in uu soo celinyo adeegyada bulshada iyo mashaariicda horumarinta deegaannadaasi.

Arrintani ayaa ah isku day la doonayo in looga hortago rabshadaha kooxaha jihaad doonka ahi in ay sababaan in deegaannadani ay noqdaan kuwo maran oo aan la degnayn iyo in la burburiyo nolasha iyo dhaqaalaha bulshada dalkaasi balse su'aashu waxay tahay taasi miyay suurtagali doontaa?

Falanqeeyayaasha siyaasadda dalkaasi qaarkood ayaa ku doodaya in jawaabta dhabta ah ee xasaradda ka taagan gobolka Saaxil ay noqotay arrimo ammaanka la xiriira balse xalka rasmiga ah uu yahay horumarinta arrimaha bulshada waddamadaasi.

Balse guud ahaan gobolka oo dhan, dad badan ayaa ku doodaya in aysan suurtagal ahayn in wax laga qabto caqabadaha dhaqaale iyo kuwa bulsho iyada oo aan marka hore xal loo helin arrimaha ammaanka.