You’re viewing a text-only version of this website that uses less data. View the main version of the website including all images and videos.
Saddexdii saaxiib ee sida layaabka leh ku sameeyay halka bilyan ee doolar
Kaddib markii saddex arday oo saxiibbo ah oo ku noolaa Washington DC ay xaafaddooda ka waayeen cunto dadka dan yarta ah ay gadan karaan isla markaasna caafimaadka u fiican ayay go'aan sadeen in ay mushkiladdaan xalliyaan oo ay furtaan makhaayad ay ayagu leeyihiin.
Saddex iyo toban sano kaddib, lacagta ay ka sameeyen makhaayadahooda ay u bixiyeen , Sweetgreen waxaa lagu qiyaasaa $1 bilyan oo dollar.
Marka dib loo milicsado markii ay wax ka baranayeen jaamacadda Georgetown, Nicolas Jammet waxa uu sheegay in Jonathan Neman, iyo saxiibkiis Nathaniel Ru, aanay xilligaas haysan "meel ay wax ka cunaan".
"Badanaa cuntooyinka qaaliga ah, balse la awoodi karo qiimo ahaan waa kuwa ugu liita cuntooyinka caafimaad ahaan," ayuu yidhi Nicolas.
"Waxaan iswaydiinnay sababta qorshe kale aan u keeni waynnay."
Waloow mid koodna aanu wax khibrad ah u lahayn ka ganacsiga makhaayadaha, oo aanayba xataa jaamacadda ka qalin jabin, haddana waxay bishii October ee sannadkii 2006-dii bilaabeen qorshaha ganacsigooda ayagoo markaas ku sugnaa mac-hadka ay wax ka baranayeen.
Fikradoodu waxay ahayd in ay aas aasaan makhaayad cuntooyinka fudud uun lagu iibiyo, oo intii ay dukaamada ka soo iibsan lahaayeen adeeggeeda waxay go'aan sadeen in beeraleeyda maxalliga ah ay toos uga soo iibsadaan.
Sannadkii, 2007-dii, markii ay qalin jabiyeen kaddib, saddexdaas wiil waxay aruursadeen lacag gaaraysa $300,000 oo ay ka heleen saxiibbadood iyo qoysaskooda. Bishii Agoosto ee isla sannadkaas ayay furteen makhaayaddoodii ugu horraysay ee Sweetgreen, waxayna ka fureen meel aad u dad badan oo ka ku taal xaafadda Georgetown ee caasimadda Maraykanka.
Sida ay sheegeen waxa ay markii hore ka shaqaalaysiiyeen arday aysan tababar u samayn.
"Maalintii koowaad dhaqdhaqaaqu aad ayuu u yaraa, balse mashquul ayaan dareennay waayo waxaan tijaabinaynnay hannaankeena shaqo, wixii intaa ka dambeeyey se aad ayaan makhquul u noqonnay."
Jonathan, oo ah madaxa fulinta, ayaa sheegaya in markii hore aanay qorshaha ugu jirin in ay hal makhaayad ka badan furaan. "Kama aanan fekerin in ganacsi uu sidaas u ballaaranayo oo aan shaqo ka dhigan doonno," ayuu yidhi.
"Waxaan u arkaynnay oo kaliya qaab aan mushkilayadda haatan taagan ku xallin karno, waayo waxaa jirto baahi loo qabay cunto caafimaaadka u fiican. Waxa uu qorshe-hayagu ahaa in aan hal makhaaqayad furno kaddibna aan waxyaabo kale samaynno."
Balse makhaayaddii ugu horraysay ayaa waxay noqotay mid caan ah, waxaana saf u soo galay macaamiil fara badan, waxaana raggaas saddexda ah ay garteen in ay ballaariyaan ganacsigooda.
Sidaas darteed waxay go'aan sadeen in ay diiradda saaraan Sweetgreen, oo ay laamo badan furaan.
"Sannado badan ayay nagu qaadatay in aan dadka ku qancinno in ay maalgashadaan Sweetgreen," ayuu yidhi Jonathan.
"Ma aannan haysan caddaymo ganacsi oo ina saacidi kara, markii aan dadka ku soo qaadno wax makhaayadaha la xidhiidha, waxayba markiiba ka fekerayaan sida qof waliba uu ugu guuldarrastay sannadkii ugu horreeyey."
Si kastaba ha ahaatee, cuntada fudud ee caafimaadkana u roon ee Sweetgreen ayaa soo jiidatay rag badan oo hal abuur ganacsi leh oo ay ka mid yihiin, Walter Robb, Steve Case, iyo Daniel Boulud.
Makhaayadda Sweetgreen Labaatan laamood ayay haatan ku leedahay guud ahaan Maraykanka, in ka badan 20 laamood oo kale ayaana la qorsheeyey in sannadkaan gudihiisa la furo.
Nicolas waxa uu sheegayaa in maadaama ay sharikaddu sii balaadhanayso, ay ka go'an tahay in beeraleeyda Maraykanka uun ay ka iibsadaan dalagyada ay soo saaraan, waloow ay jiraan xilliyo aan la helin dalagyada qaar.