Gabadh uu dhalay madaxweyne hore oo ka baxday diinta Islaamka

Xigashada Sawirka, YOUTUBE INDONESIA FASHION WEEK
Gabadh uu dhalay oo madaxweynihii ugu horreeyay ee dalka Indonesia ayaa lagu soo warramaya inay ka baxday diinta Islaamka isla markaana ay qaadatay diinta Hinduuga.
Qaar kamid ah wabaahinta caalamka ayaa aad u hadal heysay bilihii lasoo dhaafay sheekada gabadhan ku nool waddanka ay dadkiisa ugu badan ay yihiin muslimiin.
Waxaana gabadhan lagu magacaabaa Sukmawati Sukarnoputri, haatan waa 69 jir, waxay qaadatay diinta Hinduuga kadib xaflad ka dhacday jasiiradda Bali ee dalkaas.
Sida laga soo xigtay warbaahinta qaar waxaa go'aanka ay gabadhan ku qaadatay diinta Hinduuga saameyn xooggan ku laheyd ayeydeed, Ida Ayu Nyoman Rai Srimben.
Qareenkeeda wuxuu warbaahinta u sheegay inay aqoon dheer u leedahay dhammaan caqiidooyinka iyo caadooyinka Hinduuga.
Qof ka agdhaw gabadhan ayaa warbaahinta South China Morning Post u sheegay in qaraabadeeda ay u duceeyeen markii ay kusoo biirtay diinta Hinduuga.
Wuxuu ku tilmaamay go'aan geesinimo leh iyo tusaale ku aadan in qoyska Sukarno ay muujiyeen "dulqaad diimeed".
Qofka saaxibka la ah Sukmawati Sukarnoputr wuxuu sidoo kale sheegay in 20 sano ee lasoo dhaafay ay aad u jecleyd diinta Hinduuga isla markaana ay horey u booqatay macbadyo waaweyn oo ku yaalla jasiiradda Bali iyo inay akhrisay qisooyin la xiriira diinta Hinduuga.
Sukmawati Sukarnoputri waxay door weyn ku leedahay siyaasadda Indonesia, qoyskeedana si weyn ayaa looga qaddariyaa gudaha dalkaas.
Waalidkeeda ayaa kaalin mug leh ka qaatay halgankii Indonesia ee madax-bannaanida kaga qaadatay gumaystihii Netherlands.
Ka dib markii dalka looga dhawaaqay madaxbanaanida sanadkii 1945, aabaheed Sukarno wuxuu noqday madaxweynihii ugu horreeyay, wuxuuna xilka hayay 22 sano, ilaa awoodda laga tuuray sanadkii 1967-dii.
Sukmawati walaasheed waxay madaxweyne kasoo noqotay dalka Indonesia halka iyada lafteedu ay aasaastay xisbiga Qaran ee Indonesia (Partai Nasional Indonesia-PNI), kaas oo ku tartamay doorashooyin qaran oo dhowr ah.










