Indonesia oo mamnuucday in ay ardayda lagu qasbo xijaabka

Iskuuladu hadda ka dib hablaha ardayda ah kuma khasbi karaan xaijaabka

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Iskuuladu hadda ka dib hablaha ardayda ah kuma khasbi karaan xaijaabka

Ka dib markii uu bulshada aad ugu dhex faafay muuqaal muujinaya ardayad Masiixiyad ah oo lagu dirqiyayo in ay fasalka ku dhax xidhato khimaar, ayaa Indonesia dugsiyada dawladda ka mamnuucday in labiska diimeed lagu khasbo ardayda.

Gabadhaas 16 jir ka ah ayaa dhigata dugsi uu ka jiro sharci [hablaha] ardayda ah ku waajibinaya in ay xidhaan khimaar.

Xukuumadda ayaa haatan u qabatay iskuulada muddo 30 casho ah in ay xeerarka noocaas ah ku laalaan.

Indonesia oo ah dal aqlabiyadiisu Muslimiin tahay ayaa si rasmi ah u aqoonsan diimaha kale.

Laakiin waxa jira walaac isa soo taraya oo laga qabo dulqaad la'aanta dhanka diimaha ee dalka ka jira.

Amarkan xukuumadda ayaa ku soo baxay wareegto Arabacadii la soo saaray, waxaana lagu sheegay in dugsiyada u hogaansami waayaa ciqaab mutaysan doonaan.

Wasiirka waxbarashada iyo dhaqanka Indonesia, Nadiem Makrim, ayaa sheegay in doorashada xidhashada lebiska diimeed yahay "xaq shakhsi ah ee aanu ahayn go'aan dugsi".

'Meeday xuquuqdaydii diimeed?'

Arintani waxay todobaadadii u dambeeyey soo jiidatay dareenka dadweynaha markii ardayadaa oo ay dhaleen qoys Masiixiyiin ah oo dhigata dugsi farsamada gacanta ah oo ku yaal Padang marar badan la faray in ay fasalka dhexdiisa ku xidhato khimaar bishii Jeeniweri.

Way diiday ka dibna maamulka iskuulka ayaa waalidkeed u yeedhay si ay ugala hadlaan.

Waalidkeed ayaa kulankaa maamulka dusiga ay la qaateen si qarsoodi ah uga duubay muuqaal oo dabadeed na ku faafiyey baraha bulshada, waxaana ka dhashay cadho.

Muuqaalka ayaa waxa ka muuqda iyadoo maamulaha dusgigu ku adkaysanayo in arintu tahay sharci iskuulka u yaal oo faraya dhamaan hablaha ardayda ah, xataa kuwa aan Muslmiinta ahayn in ay xidhaan khimaar oo ay raacaan sharciga dusiga u yaal.

"Maalin kasta inantayda xafiiska maamulka ayaa looga yeedhayey oo lagu eedaynayo in aanay xidhanayn khimaar, jawaabteeduna markasta waxay ahayd Muslim ma ihi" ayuu yidhi Elianu Hai oo inanta dhalay isaga oo la hadlayey Laanta Af-Indonesian ka ee BBC.

"Hadii aan inantayda ku qasbo in ay xidhato khimaar, waxaan been ka sheegayaa cidda ay tahay" ayuu intaa ku daray Hai waxaanu yidhi "meeday xuquuqdaydii dimeed? Meeshu miyaanay ahayn iskuul dawladeed".

Maamulaha dugsigaas ayaa markii dambe raali gelin ka bixiyey madal uu shir jaraa'id ku qabtay waxaanu sheegay in ardayaddaa loo ogolaan doono in ay u labisato si waafaqsan diinta ay haysato.

Wasiirka diinta iyo awqaafta, Yaqut Cholil Qoumas, oo isna shir jaraa'id kaga hadlay Arabacadii wareegtada la soo saaray ayaa yidhi "diimuhu colaad ma abuuraan mana faranaan in si cadaalad darro ah loola dhaqmo dadka aad kala diinta tihiin."

Anderas Harsono, oo ah cilmi-baadhe ka tirsan hay'adda xuquuqda aadanaha u doodda ee Human Rights Watch, ayaa wakaaladda wararka ee Reuters u sheegay in wareegtadaasi tahay talaabo togan marka weliba la eego in iskuulada ku yaal labaatan gobol ay lebiska diimeed ardayda ku qasbaan.

"Iskuullo badan oo kuwa dawladda ah ayaa hablaha ardayda ah iyo haweenka macalimiinta ah ku khasba in ay gashadaan xijaab, arintaasina badanaa waxay dhalisaa hanjabaad, cabsi gelin, cadaadis bulsho iyo in mararka qaarkood ay shaqada iskaga tagaan ba haweenka macallimiinta ahi" ayuu yidhi.

Indonesia waa dalka ugu Muslimiinta badan dunida laakiin waxa si rasmi ah dalka looga aqoonsan yahay lix diimood, waxaanay aqbalaadda kala duwanaanshahu qayb ka tahay falsafadda dawladda ee loo yaqaan Pancasila.