Nin loo xiray ayax duban oo uu diyaarad ku dhex iibiyay

Xigashada Sawirka, Getty Images
Nin lagu eedeeyay inuu ka iibinayay Ayax duban rakaab saarnaa diyaaradda Uganda Airlines ayay boolisku dacwad ku soo oogeen isaga iyo nin kale oo lagu eedeeyay isana inuu duubay dhacdadaas.
Muuqaallo laga duubay ninkaan iibinayay ayaxa ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada tan iyo markii uu falkaasi dhacay dhamaadkii todobaadkan. Waxaana la arkayay dadka oo baco loogu shubayo isla markaana lacago bixinaya.
Mubiru Paul iyo Hajib Kiggundu ayaa la xiray Isniintii waxaana lagu soo oogay dhowr dacwadood oo ay ka mid yihiin diidmada inay raacaan shuruucda raacintaannka diyaaradaha iyo dayacnaan keeni kartay faafitaanka cudurka Covid-19.
Eedeymaha la xiriira gudbinta cudurka iyo taxadar la'aanta ayaa horseedi kara toddobo sano oo xabsi ah, sida uu ku warramay Daily Monitor oo ah waragays ka soo baxa dalka Uganda.
Shirkadda diyaaradaha ee Uganda Airlines ayaa cambaareysay wax ay ugu yeertay carqaladeyn dhacday, waxaana warbaahinta dalkaasi ay sheegtay in shaqaalaha qaar shaqada laga joojiyay.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan
Diyaaradda Ugandha Airlines ayaa sheegtay inay ka fikiri doonto suurtagalnimada ah inay cuntooyinka fudud ee rakaabka lagu dhex siiyo diyaaradda ku darto Ayaxa kadib markii ay dadku faraxd muujiyeen markii ay arkeen Ayaxa oo xiligaan gabaabsi ka ah dalka Uganda.
Qeybo ka tirsan Kenya iyo Ugandha ayaa suuqyada lagu kala iibsadaa Ayaxa, waxaana lagu sheegay in sababta loo cunayo ay tahay nafaqooyin ku jira awgood.
Magaalada Kampala ee caasimadda u ah dalka Ugandha, suuqayadeeda adeegyada lagu eebiyo waxaa ka mid ah ayax duban, waxayna dadka ka ganacsada sheegaan inuu caafimaad badan ku jiro. Ganacsigaas ayaa ah mid si weyn uga socda waddankaas.
Sidoo kale meelo badan oo ka mid ah galbeedka waddanka Kenya, waxay dadku cunaan ayaxa, iyagoo si toos ah uga heli kara dhammaan suuqyada agagaarkooda ah.
Ayaxa wuxuu muddooyinkii la soo dhaafay dhibaatooyin ba'an ku hayay deegaanno ka tirsan bariga iyo geeska Afrika, iyadoo uu xaalufiyay daaq iyo dalag badan. Dalalka uu dhibaatada badan u gaystay waxaa ka mid ah Soomaaliya, Itoobiya Jabuuti iyo Kenya.












