Ka dib Kamiti: Qaar ka mid ah xabsi ka baxsashadii hadal haynta dhaliyay

Jeelka Gilboa ayaa ah mid si wayn loo ilaaliyo waxaana loo yaqaan "goobtii ammaanka aheyd"

Xigashada Sawirka, EPA

Qoraalka sawirka, Jeelka Gilboa ayaa ah mid si wayn loo ilaaliyo waxaana loo yaqaan "goobtii ammaanka aheyd"

Dalka kenya waxaa weli si wayn loo hadal hayaa qaabkii ay ku baxsadeen seddax nin oo ku eedeysan "argagixisanimo" oo dhowaan ka baxsaday xabsiga sida wayn loo ilaaliyo ee Kamiti, kuwaas oo dib loo soo qabtay shalay, laguna celiyay isla meeshii ay ka carareen.

Habeenkii ay raggaas baxsanayeen waxaa la sheegay in ay dajiyeen hab sare oo ay ugu suurageli karto inay ku baxsadaan, iyadoo la soo tabiyay inay isticmaaleen bustayaal iyo xaaqinno kuwaas oo intay isku xirxireen ay ka samaysteen walax adag oo ay u adeegsadeen inay uga gudbaan laba darbi ee sarsare oo ku wareegsan xabsiga.

Raggan intii ay baxsadka ahaayeen, waxay maalintii ka dhuumanayeen indhaha dadka, waxayna soconayeen habeenkii, sida uu qoray wargeyska The Standarad ee kenya ka soo baxa. Taas ayaa u fududeysay in aan dhaqso la soo qabanin.

Xabsiga Kamiti waa mid aad loo ilaaliyo oo ay ku xiran yihiin layrar aad u xoog badan, waxa uuna ku yaal meel istaraatiiji ah oo laga arki karo cidkasta oo xabsiga ku soo socota ama ka sii baxaysa.

Wararka waxay sheegayaan inay bulukeetiyo ka bixiyeen gidaarka xabsiga sidaasna ay ku baxsadeen saqdii dhexe ee habeenkii Isniinta.

Waxay adeegsadeen bir daxaleysatay oo la soo helay intii baaritaanka uu socday, sida ay qoreen qaar ka mid ah warbaahinta Kenya.

Saddexda nin ayey u suuragashay inay ka gudbaan saddex xayndaab oo ammaanka xabsiga lagu sugayay.

Haddaba, aan eegno qaar ka mid ah dadkii xabsiyada ka baxsaday ee hadal haynta dhaliyay:

1- Cabdirashiid Janan sida uu xabsiga uga baxsaday

Bishii January ee 2020, waxay dowladda Soomaaliya shaacisay in uu xabsiga ka baxsaday Cabdirashiid Janan. Xilligaas dowladda ayaa si wayn u raadineysay Janan oo markii dambe la heshiiyay, laguna celiyay Muqdisho isagoo xor ah.

Markii aan weydiinnay su'aasha ku saabsan inuu ka warramo qaabkii uu ku baxsaday, Cabdirashiid wuu qoslay, wuxuuna ka bixiyay sharraxaadan:

"Way jirtaa in aysan cidna i sii deynin, howl aan aniga isku xirxiray oo uu Rabbi ii fududeeyay ayaan ku soo baxsaday", ayuu yiri.

Cabdirashiid Janan

Isagoo sii faahfaahinaya ayuu yiri: "Markii aan ogaaday inaan la i sii deyn doonin ilaa wax kasta oo ay dowladda federaalka rabto ay ka sameysato Jubbaland, waxaan go'aansaday inaan qorsheeyo sidii aan uga bixi lahaa gurigii la igu hayay, kaddibna shan boqol oo kiiloo mitir ayaan soo maray badda".

"Markii aan baxay kaddib saddex maalmood iyo saddex habeen ayaan joogay Muqdisho. Waxaana ii suurtagashay inaan xilli maalinnimo ah soo raacay doon. Doonta waxaa ii waday niman Soomaaliyeed oo iyaga iska leh, cidna ima soo raacin oo kaligey baan ahaa", ayuu yiri.

Janan ayaa ka gaabsaday inuu si cad u sheego magacyada dadkii garabka ku siiyay inuu baxsado. Wuxuu si kooban u sheegay inay Mas'uuliyiin ka tirsan dowladda gacan ku siiyeen inuu baxsado.

2- Sidey lix Falastiiniyiin ah uga baxsadeen jeel si wayn loo ilaaliyo oo ku yaal Israa'iil?

Bishii September ee sannaddkan 2021, Mas'uuliyiinta Israa'iil ayaa sheegay in lix maxbuus oo Falastiiniyiin ah ay xilli habeen ah ka baxsadeen mid ka mid ah jeelasha sida wayn loo ilaaliyo.

Ragga ayaa la rumaysan yahay inay god ka qodeen qolkii ay uga jireen xabsiga Gilboa, ka dibna ay godka ka duseen oo dhanka kale kaga tallaabeen darbiga hoostiisa.

Saraakiisha waxaa wargeliyay beeralay arkay raggaas oo bannaanka ordaya.

Raggaas baxsadka ahaa ee dib loo soo wada qabtay, waxaa ku jira hoggaamiyihii hore ee maleeshiyada Shuhadada Al-Aqsa iyo shan xubnood oo ka tirsan ururka Islamic Jihad.

God ay qaaddooyiin ku qodeen ayey ku baxsadeen maxaabiistii Falastiiniyiinta

Xigashada Sawirka, EPA

Sarkaal ka tirsan adeegga jeelasha ee Israa'iil ayaa baxsadkaas ku tilmaamay "guuldarro wayn oo dhanka ammaanka iyo sirdoonkaba ah." Kooxaha Falastiiniyiinta ayaa dhankooda ku tilmaamay "halyeynimo".

Godka waxa uu ku sii xiray dhul qodan oo ku hoos yaalla xabsiga, kaas oo la sameeyay markii jeelka la dhisayay. Waxaa la sheegay in ay adeegsadeen qaadooyiin si ay godkaas u qodaan.

Maxaabiista ayaa la rumaysan yahay inay godkaas mareen oo ay markii dambana ku gaareen dhinaca shishe ee darbiga xabsiga, kaddibna ay qodeen kanaal dhulka hoostiisa mara oo ku soo beegmay bartamaha dhabbe jid-cadde ah oo bannaanka xabsiga mara.

Shirkadda Shin Bet ee dhanka ammaanka ayaa sheegtay in ay rumaysan tahay in maxaabiista ay xiriir la lahaayeen dad joogay bannaanka xabsiga markaas oo ay adeegsadeen mobile loo soo dusiyay, markii ay soo baxsadeen kaddibna lagu qaaday gaari.

3- Ninka 12 jeer ka baxsaday xabsiga oo dad badan ka yaabiyay

Sannadkan, Dadweynaha dalka Senegal ayaa aad u hadal hayay nin marar badan oo is xig xigay ka baxsasday xabsiyo ku yaalla dalkaas, wuxuu sheegay in 12 jeer uu ka baxsaday xabsi.

Warbaahinta Senegal ayaa tabineysay qaabka uu uga baxsaday xabsi bishii May ee sannadkan. Waxaa ninkaas dib loo soo qabtay Bishii June ee 2021.

Nin 12 jeer ka baxsaday xabsi

Xigashada Sawirka, Alkuma

Ninkan oo lagu magacaabo Baye Modou Fall wuxuu sheegay in dumiyay qeybo ka mid ah xabsiga isla markaana uu ka booday gidaarka isaga oo adeegsanaya xarig.

Wuxuu intaas ku daray in muddo 9 sano ah uu sugayay in caddaalad helo balse qareenada qaar ayaa dacwaddiisa ku tilmaamay inay muujineyso baahida loo qabo in wax laga baddalo nidaamka caddaaladda ee Senegal.

Ninka oo 32 sano jir ah wuxuu isku sheegaa in uu yahay ganacsade, iyo in hantida uu heysato uu ka dhexlay aabihii.

Waxaa marar badan la dhigay xabsi, waxaa la geeyay xabsi lagu xiro dadka aan qaangaarka aheyn, waxaa inta badan loo heystay falal la xiriira dhac. Wuxuu ku adkeystay in wax rabshado ah uusan geysan oo uusan adeegsan wax hub ah.

Weligii ma uusan dhigan iskuul balse wuxuu wax ka dhigtay dugsi Qur'aan ka hor inta uusan cilmiga kombiitaarka ka baran dhowr meel.

Waxaa markii ugu horreysay lagu xiray magaalada uu ka soo jeeday oo 160 kiiloomiitar u jirta caasimadda Dakar.

Wuxuu markii ugu horreysay ka baxsaday xabsi lagu xiro dadka aan qaangaarka aheyn oo ku yaalla Diourbel.

4- Nin dilaa ah oo markii toddobaad ka baxsaday Xabsi

Bishii September ee 2020, nin dilaa ah ayaa markii toddobaad ka baxsaday xabsi ku yaalla Taliyaaniga. Waxaa markii dambe ninkaas laga soo qabtay meel beer ah uu ku dhex dhuumanayay, sida boolisku sheegeen.

Giuseppe Mastini, oo lagu naaneyso "Johnny the Gypsy", ayaa si kooban oo ku meel gaar ah bannaanka looga bixiyay xabsiga, ka dib ayuu ka dhuuntay ciidankii ilaalinayay.

Giuseppe Mastini waxaa dib loogu celiyay xabsi

Xigashada Sawirka, State Police

Qoraalka sawirka, Giuseppe Mastini waxaa dib loogu celiyay xabsi

Booliska oo billaabay in ay raadiyaan, waxay markii dambe ka heleen meel beer ah oo ku taalla deegaanka Sassari ee Waqooyi-galbeed, Taliyaaniga.

Mastini, oo markii ugu horeysay, ee 1987-dii, ka baxsaday xabsiga, waxaa la sheegay in dembigii ugu horreeyay ee halis ah uu geystay isagoo 11 sano jir ah.

Ka dib markii uu baxsaday, 1987-dii, waxaa la raadinayay muddo laba sano ah, waxaana xilligaa uu dilay mid ka mid ah askartii ku raad-joogtay, wuxuuna afduubtay gabar yar, sidoo kale wuxuu geystay falal dhac ah.

Soo qabashadiisii hadda waxaa ka wada qeybgalay booliska Sassari, Cagliari iyo Rome, waxayna ugu dambeyn gacanta ku soo dhigeen talaadadii.

5- El Chapo oo ka baxsaday xabsi 2015

Baxsashadii El-Chapo ayaa xabsiga ka baxsaday sannadkii 2015-kii, ka dib burcad kale oo u shaqeyneysay markii ay kanaal dheer ka qodeen xabsiga hoostiisa si ay uga bixiyaan.

Waxay arrintaas waji gabax weyn ku noqotay xukuumadda dalka Mexico ee xilligaas, maadaama uu ka baxsaday mid ka mid ah xabsiyada ugu sarreeya Mexico ee aadka loo ilaaliyo.

Muddo illaa sannad ah ayuu xabsigaasi ku jiray ka dib markii dib loo soo qabtay. Ninkaas oo tobannaan sano ka dhuumanayay dowladda ayaa dhowr goor ka baxsaday xabsiga, wuxuuna ahaa burcadka daroogada ee ugu taajirsanaa caalamka.

Sannadkii 2016-kii bilowgiisii ayaa lagu wareejiyay dowladda Mareykanka oo aad u raadineysay, waxaana 2019-kii lagu xukumay xabsi daa'in iyo 30 sano oo dheeraad ah.

El Chapo ayaa dib loo soo qabtay Jimcihii ka dib lix bilood oo uu baxsad ahaa.

Sirta ku saabsan sidii cajiibka ahayd ee uu dambiilahan uga baxsaday xabsiga dhexe ee Mexico sannadkii 2015-kii waxaa shaaca ka qaaday nin horay ula shaqeyn jiray isaga.

Damaso Lopez oo maxkamadda horteeda markhaati ka noqday ayaa sheegay in "El Chapo" xaaskiisa iyo wiilashiisa ay ka qeyb qaateen qorshihii uu ku jabsaday xabsiga Altiplano.

Wuxuu sheegay inuu jiray shir qarsoodi ah oo dhacay 2014-kii, kaasoo Emma Coronel ay ku faahfaahisay qorshihii la damacsanaa inuu ninkeeda ku baxsado.

"Waa in dhuun laga qodo dhulka hoostiisa, idinkuna waa inaad howsha billowdaan", ayey tidhi Ms Coronel.

"El Chapo" wuxuu adeegsaday qalab mooto ahaan loo sameeyay, si uu uga baxsado xabsiga

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, "El Chapo" wuxuu adeegsaday qalab mooto ahaan loo sameeyay, si uu uga baxsado xabsiga

"El Chapo" wuxuu adeegsaday qalab mooto ahaan loo sameeyay, si uu uga baxsado xabsiga.

Wiilal uu dhalay dambiilahan ayaa markii dambe dhul ka iibsaday meel u dhow xabsiga, islamarkiina waxaa la billaabay qodista dhuunta dhulka hoostiisa mareysay.

Qalab wax jiheeya ayaa si qarsoodi ah lagu galiyay gudaha xabsiga, si looga raad raaco goobta gaarka ah ee uu ku xirnaa "El Chapo".

Dhuunta la qoday oo masaafaheedu dhan yahay 1.6 mitir ayaa qaadatay muddo dhowr bilood ah.

"El Chapo" ayaa ka cawday dhawaaqa qodista dhuunta dhulka hoostiisa la marinayay, isagoo sheegay inuu shanqarta ka maqli jiray xabsiga uu ku jiray.

Ninka markhaatiga ah ayaa intaas ku daray in dhulka xabsiga hoostiisa ah uu aad u adkaa marka la qodayay.

Iyadoo caqabadahaasoo dhan ay jireen ayuu "El Chapo" xabsigaas ka baxsaday bishii Luulyo ee sannadkii 2015-kii.

Dhuuntii dhulka hoostiisa laga qoday ayuu ku dhex maray qalab mooto ahaan loo sameeyay oo loogu talo galay inuu ku cararo.

6- Maxaabiis xabsi ka baxsaday, ka dibna shil gaari ku dhintay

Bishii November 2020, dalka Lubnaan waxaa ka dhacday arrin la yaab ku noqotay dad badan. Shan maxbuus ayaa ku dhintay shil gaari, ka dib markii baabuurkii ay ku baxsanayeen uu geed uu ku dhacay.

Maxaabiistaas ayaa ka mid ahaa tiro ka soo baxsatay xabsi ku yaal meel u dhaw caasimadda Beyrut.

Illaa 69 maxbuus ayaa fursad u helay in ay jebiyaan albaabada qolalkii ay ku xirnaayeen, sidaasna ay ku baxsadaan.

Shan maxbuus ayaa ku dhimatay shilda

Xigashada Sawirka, Reuters

Shilka ayaa dhacay ka dib markii lix kamid ah maxaabiista baxsadka ahaa ay xoog qaateen gaari marayay meel u dhaw xabsiga oo ku yaal degmada Baabda.

"Gaari cad oo nooca Dacia ah ayaa afka daray geed wadada dhinaceeda ku yaal. Waxaa saarnaa tiro maxaabiista soo goosatay ah oo ka afduubay darawalkii watay," ayay sheegtay wakaaladda NNA.

Waxay intaa raacisay in shan maxbuus ay ku dhinteen shilka, halka mid kalena uu ku dhaawacmay.

7- Eedeysanayaal si layaab leh uga baxsaday musqusha xabsi ku yaalla California

Bishii November ee 2019-kii, booliska Mareykanka waxay shaaciyeen sawirro muujinaya sida laba nin oo dembi dil loo haystay ay uga baxsadeen xabsi. Waxay si la yaab leh u dolooliyeen gidaarka xabsiga oo ku yaalla California.

Santos Samuel Fonseca, oo 21 sano jir ah, iyo Jonathan Salazar, oo 20 sano jir ah, waxay ka bexeen qeyb ay dumiyeen oo ah musqusha gudeheeda ah. Waxay raggan ku xirnayeen xabsi ku yaalla Koonfurta magaalada San Francisco.

Taliyaha ciidamada halkaas wuxuu sheegay in raggan ay heleen meel "ka qarsoon indhaha" ilaalada.

Labadan dhallinyarada ah waxaa ku socotay dacwad maxkamadeed oo ku saabsan dembiyo dilal oo kala duwan.

"Waxaan ka xunnahay in rag lagu oogay kiis dil aysan hadda xabsiga ku jirin," ayuu yiri Jonathan Thornburg, oo ah afhayeen u hadlay xafiiska taliyaha ciidamada deegaankaas.

Maamulka waxay sheegayaan in nimankaas ay heleen meesh aysan "qabanin isha" ilaalada oo musqusha dhexdeeda ah.

Xigashada Sawirka, MONTEREY COUNTY SHERIFF'S OFFICE

Qoraalka sawirka, Maamulka waxay sheegayaan in nimankaas ay heleen meesh aysan "qabanin isha" ilaalada oo musqusha dhexdeeda ah.

Waxay meel yar ka dolooliyeen musqusha xabsiga, halkaas oo ilaalada aysan arki karin, sida saraakiisha ay sheegeen.

Meesha ay dumiyeen labadan nin way ka bixi kareen, maadama labaduba, Mr Fonseca iyo Mr Salazar, ay dhuuban yihiin.

Meesha ay ka bexeen waxaa ku socotay dib u habeynta tubooyiinka iyo dhuumaha dhismaha.

Raggan baxsaday waxay ku dhex guurguurteen meeshaas, illaa ay ka derbiga ugu dambeeya, xoog ayey ku fureen ka dibna way ka sii bexeen halkaas.

Meesha ugu dambeysa ee xabsiga ma lahan ilaalo, waxaana ku xiran xargo oo keli ah, sida ay sarakiisha maamulka sheegeen.