Muxuu sameeyay hal nin oo keligiis militariga Pakistan uga adkaaday goob dagaal?

Xigashada Sawirka, BHARATRAKSHAK.COM
Hindiya waxaa si weyn looga xusaa askari la sheego inuu wacdaro ka muujiyay dagaal ka dhacay xaafadda Gangasagar, kaasoo uu keligiis ku wajahay cutubyo ka tirsan militariga Pakistan, xilligii uu socday dagaalkii labada dal dhex maray 1971-kii.
BBC-da laanteeda af Hindiga ayaa qormadan ka sameysay qisada askarigaas oo lagu xasuusto sheekooyin badan oo ku saabsan dhacdooyinkii uu maalintaas sameeyay.
Waxay ahayd habeen siddeed saac ah oo ku beegneyd intii u dhaxeysay 2-dii ilaa 3-dii bishii December ee sanadkii 1971-kii. Ciidamo uu la socday Albert Ekka ayaa u dhaqaaqay xaafadda Gangasagar qaybta ay ka maamulaan ciidamada Pakistan.
Goobtan waxa ay afar kiiloomitir u jirtaa boosteejada tareennada ee Akhaura, waana bartamaha magaalada Brahmanbaria oo u dhaxeysa magaalooyinka Bhairab Bazar iyo Kamalpur.
Waa meel dhul keyn qoyan ah, ciidankuna waxay ku socdeen jilbaha, sidaas darteed waxaa lagu amray inay saf ahaan ugu socdaan waddada tareenka dhinaceeda.
Ciidanka oo labo qaybood kala ahaa waxaa hor muud ka kala ahaa Naik Gulab Singh iyo Albert Ekka oo loo dhiibay mas'uuliyadda hoggaaminta.
Waxaa amar lagu siiyay in haddii ay arkaan ciidamo reer Pakistan ah ay islamarkiiba rasaas ku billaabaan.
Dhinaca Pakistan, mas'uuliyadda ilaalinta dhulkaas waxaa hayay saddex cutub oo ka tirsan ciidamada furinta ee militariga Pakistan.
Buug uu qoray janaraal Ian Cardozo oo ka sheekeynaya dhacdooyinkaas ayuu ku sheegay in xilligaas ay ciidanka Pakistan waddada dhankeeda kale socdeen iyagoo aan wax walwal ah qabin, kuwa Hindiyana ay ka war heleen.
Waxay sidaas ku fahmeen in dhulkaas aysan ku aasneyn wax miinooyin ah, sidaas awgeed askartii Hindiya waxaa lagu amray inay si caadi ah ugu socdaan waddada tareenka.
Ciidanka Pakistan waxay ogaadeen weerarka Hindiya marka uu usoo jiro 40 tallaabo
Korneyl OP Kohli oo ka mid ahaa hoggaamiyeyaasha ciidanka Hindiya ayaa yiri: "Wax walba si wanaagsan ayay ku socdeen balse askarteenna mid ka mid ah ayaa lugta ku dhuftay fiilo ay ciidanka Pakistan ugu talogaleen in markii la taabto ay qaylo dhaan ku helaan. Islamarkiiba bulaleyr ayaa meel walba ka qarxay dhulkii oo idilna wuxuu noqday iftiin, sida in uu waagii baryay oo kale."
Meel qiyaastii 40 tallaabo u jirta halka uu taagnaa Ekka waxaa ku yaallay dhufeys ay leeyihiin ciidanka Pakistan, halkaasoo ay difaac uga jireen.
Markii uu iftiinka baxay, askari Pakistaani ah ayaa qayliyay, isagoo dhahaya - 'yaa jooga halkaas?'
Ekka ayaa isagoo sidaas si la mid ah u qaylinaya ugu jawaabay, 'Waa aabahaa.'
Islamarkii uu hadalkaas sii dhahayayba horay ayuu u roday, wuxuuna toori uu watay ku tuuray askarigii reer Pakistan oo uu caloosha uga dhuftay.

Xigashada Sawirka, BHARATRAKSHAK.COM
Afar askari oo reer Pakistan ah ayaa ku jirtay dhufeyskaas ugu soo horreeyay waxayna ku hubeysnaayeen qoryaha darandoorriga u dhaca.
Ekka waxaa laga dhaawacay gacanta balse askartii Hindiya ayaa la wareegtay dhufeyskii. Markaas wixii ka dambeeyay waxaa dhacday musiibo.
Ciidamada Pakistan waxay goobtii oo dhan ku harqiyeen madaafiic waxayna halkaas ku kala jabiyeen labadii kooxood ee militariga Hindiya ee weerarka soo qaaday. Halkaas ayay ku kala lumeen labadii koox ee Hindiya oo iskudarkoodu ahaa 120 askari.
Koox waxay u socotay horay kooxdii kalena waxay mid mid u burburinayeen dhufeysyadii militariga Pakistan.
Ekka isagoo ay gacanta xabad u dhacday ayuu si fiican u dagaallamayay. Isagoo la socda Korneyl Kohli ayaa xabad kale looga dhuftay qoorta.
"Ekka dhulka ayuu ku dhacay marka ay xabadda haleeshay balse islamarkiiba wuu istaagay, wuxuuna billaabay inuu sii socdo. Markii ay halkaas xaaladdu mareysay ciidankeenna waxay gaareen dhismihii isgaarsiinta ee boosteejada tareenka, halkaasoo ciidanka Pakistan ay madaafiicda nooga soo ridayeen. Markaas waxa ugu weyn ee aan u baahneyn waxay ahayd inaan inaan iska joojinno qoriya darandoorriga u dhacayay. Halkaas ayuuna Ekka ku muujiyay geesinnimo gaar ah<" ayuu yiri Korneyl Kohli.

Isagoo dhaawac ah ayuu Ekka u siqay dhinaca goobta ay joogeen ciidanka Pakistan. Mugdiga jira awgiis waxba uma jeedo balse wuxuu dareemayaa inuu dhiig badan ka baxayo qoortiisa, sida uu ka sheekeeyay korneylka.
Waxa uu sheegay in uu diiradda saarayay oo kaliya sidii uu u heli lahaa awood uu xusullada iyo jilbaha ugu ruqaansan karo, inkastoo uu ogaa in dhiig baxa uu tabardarro badan u keeni doono.
Intaas waxaa usii dheeraa inuu gacmaha ku heystay qori lambarkiisu yahay 7.62. Xanuun daranna wuxuu ka dareemayay xabadda gacanta uga dhacday.

Xigashada Sawirka, INDIA POST
Ciidankii la socday Ekka waxay awood u waayeen inay aamusiiyaan qoryaha rasaasta joogtada ah ku soo ridayay ee ay heysteen ciidamada Pakistan.
Wuxuu ogaa in haddii howlgalkan lagu guuleysanayo ay khasab tahay in wax laga qabto rasaastaas joogtada ugu soo hoobaneysay.
Markii uu kaligiis gaaray dhufeyska laga soo xabadeynayay agtiisa waxa uu billaabay inuu bambadii u xirneyd soo furto, markii uu ilkaha uga furay jaangada ayuuna ku taraarixiyay god ku yaallay dhismaha.
Ka hor inta aysan ciidankii Pakistan fahmin bambada usoo gashay waxaa dhacay qarax weyn. Qayb ka mid ah burburkii darbiga dhismaha ayaa Ekka uga dhacay xabadka.
Islamarkiiba Ekka waxa uu fuulay jaranjar wuxuuna daaqadda ka galay dhismihii uu qarxiyay, sida lagu xusay buugga uu qoray Rachna Bisht Rawat oo ku xeel dheeraa taariikhda militariga.
"Askartii bambada ka badbaadday ayuu ula tagay beynaadda qorigiisa, si uu u dhammeystiro," ayuu qoraalka buugga ku yiri.
Kaddib isagoo aad usii dhiig baxay ayuu kasoo dhacay jaranjarada, halkaas ayuuna ku naf baxay Ekka.
Tallaabada uu Ekka sameeyay waxay sabab u noqotay in dagaalkii goobtaas ka dhacay ay ku guuleystaan ciidamada Hindiya.











