Dagaalkii 1971: Duuliyihii reer Bangladesh ee sida layaabka leh u afduubtay diyaaraddii dagaalka ee Pakistan

Rashid Minhas

Xigashada Sawirka, Bangladesh/alcetron.com

50 sano ayaa ka soo wareegtay dagaalkii 1971-kii dhex maray Pakistan iyo Bangladesh.

Waxaan ka hadleynaa sheekada ku saabsan duuliye u dhashay Bangladesh oo afduubtay diyaarad laga leeyahay Pakistan inta uusan dagaalka billaabanin ka hor.

Arrinta waxay dhacday 20-kii bishii August ee sannadkii 1971-kii.

Duuliye da'yar oo reer Pakistan ah, oo la oran jiray Rashid Minhas ayaa soo kaxeeyay diyaarad nooceedu ahaa T-33 oo ah kuwa tababarka lagu sameeyo. Wuxuu sameynayay duullimaadkiisii labaad oo uu uga kacayay saldhigga ciidamada cirka, Mauripur, ee magaalada Karachi, xilli duhur ah.

Markii uu gaaray meesha ay diyaaradda cagaha ka qaaddo, waxaa istaajiyay duuliye ku xigeenkiisii u qaabilsanaa amniga duullimaadka, oo lagu magacaabi jiray Labo xiddigle Matiur Rahman.

Joojinta noocaas ah waxaa marar badan lagu sameeyaa duuliyeyaasha cusub ee maraya xaaladaha la xiriira sida diyaaradaha dagaal loo duuliyo.

Minhas wuxuu moodayay in loo joojiyay si loo hubiyo xaaladda ka hor inta uusan diyaaradda dhulka uga qaadin cagaha. Balse Matiur Rahman ujeeddo kale ayuu lahaa.

Matiur waxa uu ahaa askari u dhashay Bangladesh, mana uusan ku faraxsaneyn ficillada ay militariga Pakistan ka wadeen magaalada Dhaka ee caasimadda u ah Bangladesh.

Isaga iyo saaxiibkiis Sadruddin waxa ay qorsheynayeen in ay diyaaradda ula baxsadaan dhinaca waddanka Hindiya. Dowladda Pakistan way ka war heysay qorshahaas.

Markii ay jirtay saansaantii dagaalka Hindiya iyo Pakistan, ayaa duuliyahaas oo ay wehlinayeen askar kale oo reer Bangladesh ah laga dhigay kaaliye oo qaabilsan dhinaca badbaadada duulimaadka.

Taariikh yahanka wax ka qora ciidamada cirka ee Pakistan, Kaiser Tufail, ayaa ku qoray buuggiisa "Bluebird 166 waa la afduubtay" in askarta ka soo jeedday Bangladesh ee ku sugnaa Karachi ay garowsadeen in sirdoonka Pakistan ay ku raad joogeen, maadaama uu jiray tuhunka afduubka diyaaradda.

Sidaas darteed, Matiur Rahman wuxuu sii waday saaxiibtinnimada uu la wadaagayay askarta kale ee saldhigga joogtay. Laakiin wuxuu ka shaqeynayay sidii uu diyaarad ay leeyihiin ciidamada cirka ee Pakistan ugu afduubi lahaa dhanka Hindiya.

Markii hore qorshaha waxa uu ahaa in la qafaalo hal ama labo diyaaradood oo ah nooca F-86 Saber, balse waxaa laga cabsaday in laga shakiyo ka hor inta aan tallaabada lagu dhaqaaqin.

Suurtagal ma ahayn in la afduubto diyaaradda labaad haddii aan garab laga helin ciidanka ku sugnaa saldhigga. Markaas kaddib ayaa la go'aansaday in la afduubto diyaaradda tababarka ee T-33, taas oo aadeysay howlgal carbis ah oo kaligeed ah.

Matiur Rahman iyo kooxdii ay isla shaqeynayeen

Xigashada Sawirka, Bangladesh Defence

Qoraalka sawirka, Matiur Rahman iyo kooxdii ay isla shaqeynayeen

Matiur Rahman gacantiisa ayuu ku joojiyay diyaaraddii uu waday Minhas

Maalintaas Rashid Minhas wuxuu quraacdiisa ku kululeystay qolka ay isla daggan yihiin kooxdiisa. Qorshaha uguma jirin inuu duullimaad sameeyo maadaama cimilada magaalada Karachi ay aad u xumeyd ayna khatar ahayd in hal qof uu ku duuliyo diyaarad.

Laakiin si lama filaan ah ayay hawadii u fiicnaatay, sidaas darteedna Minhas waxaa lagu amray inuu isku diyaariyo duullimaadka.

Kaiser Tufail wuxuu buugga uu qoray ku yiri: "Rashid Minhas waxa uu dhexda uga tagay quraacdiisa" wuxuuna cashir kooban oo duulimaadyada ku saabsan ka qaatay labo xiddigle Hasan Akhtar. Durbadiiba wuxuu xirtay dharkii duuliyaha. Degdeg ayuu u cunay labo xabo oo gulab jamu ah labo ilaa saddex jeerna wuxuu kabbaday kookakoola.

Markii la joogay 11:30 am, diyaaradda T-33 waxay isku diyaarineysay inay kacdo iyadoo ku asteysan calaamadda Bliebird 166. Dhanka kale, Matiur Rahman wuxuu soo gaaray dhinaca waqooyiga bari ee garoonka diyaaradaha isagoo watay gaarigiisa khaaska ah.

Matiur markii uu diyaaradda u siinyaaleeyay inay istaagto, Minhas wuxuu moodayay in Matiuri uu u sheegi rabo farriin muhiim ah.

Rashid Minhas

Xigashada Sawirka, alcetron.com

Qoraalka sawirka, Rashid Minhas

Ciidanka cirka oo lagu wargeliyay in diyaarad la afduubtay

Kaddib markii Rashid Minhas loo bixiyay baaqa uu diyaaradda ku joojinayay, diyaaraddiina ay istaagtay, Matiur ayaa durbadiiba ku booday diyaaradda. Wuxuu iska dhigay qof diyaaradda hubin ku sameynaya. Ka hor inta uusan Minhas waxba dareemin, diyaaraddii waxay billowday in ay laamiga ku cararto.

Sida uu buuggiisa ku qoray Kaiser Tufail, Minhas waxaa u suurtagashay in saacaddu markii ay ahayd 11:28 am uu ciidanka cirka ku wargeliyo in diyaaraddiisii la afduubtay.

Rahman waxaa la sheegay in uu bastoolad madaxa ka saaray Minhas si uu amarkiisa u qaato, haddii kale Minhas wuxuu damin lahaa matoorka diyaaradda islamarka uu khatarta dareemaba.

Kaiser Tufail

Xigashada Sawirka, Kaisar Tufail/Fb

Qoraalka sawirka, Kaiser Tufail

Kabtan Fariduzman, oo ahaa askari reer Bangladesh ah oo xilligaas ka howl galayay ATC balse markii dambe ku biiray Saudi Airlines, ayaa 6 July 2006 qoray: "Waxaan arkayay in labada duuliye ay diyaaradda maamulayeen. Hardan ayaa dhex marayay."

Waxaan gartay in sidoo kale uu Matiur Rahman isku dayayay inuu ku burburo Hindiya sababtoo ah ma uusan xirneyn baarashiuudka diyaaradda looga boodo, mana u xirneyn koofiyad. Markii ay diyaaraddi miriqday, saraakiil kale waxay sheegeen in labo diyaaradood oo noocoodu yayah Seber jets loo diray si ay u qabtaan diyaaradda T-33.

Rashid Minhas 'wuxuu ku 'dhex fariistay shirka diyaaradda'

Duuliye kale oo caan ah oo u dhashay Pakistan, Sajjad Haider, horayna loo siiyay abaalmarinta Sitar-e-Zurrat, ayaa sheegay in Matiur uu ka hoos shaqeynayay muddadii u dhaxeysay 1965-kii ilaa 1966-kii. Waxaan aaminsanahay in Rashid uusan sameynin isku day dhab ah oo uu ku joojin karay afduubka. Haddii uu rabo wuxuu damin karay qeybta ugu weyn ee shidaalka siisa diyaaradda, taasoo batoonkeeda uu ku yaallo qeybta hore ee u dhow duuliyaha.

Kabtankii guud ee kooxda, Zaheer Xuseen, oo ahaa madaxa guddiga baaritaannada hawada, ayaa sidoo kale aaminsanaa in ninka dhallimyara ah ee lagu magacaabo Minhas uu iska dhex fadhiyay diyaaradda isagoo aan waxba qabaneynin. Diyaaradda oo joog aad u hooseeya ku duuleysa ayuu Matiur diyaaraddii u leexiyay dhinaca bidix.

Asim Rashid oo ah sarkaal ka tirsanaa ATC ayaa sheegay inuu gartay wax khaldan markii uu arkay diyaaaradda aad ugu dhowy dhulka. Arrintaas waxaa durbadiiba lagu wargeliyay taliyaha saldhigga ciidanka cirka, Bill Latif.

किताब

Xigashada Sawirka, vanguardbooks

Waxa uu ka daba diray labo diyaaradood oo noocoodu yahay F-86 Saber, kuwaasoo xilligaas uun ka caga dhigtay garoonka, si ay usoo qabtaan.

Diyaaradahan waxaa duulinayay Sheikh Salim iyo labo xiddigle Kamran Qureshi. Balse raadaarka sheega dhaqdhaqaaqa diyaaradaha sheega ma uusan heli kerin xogta diyaaradda T-33 maadaama ay ku duuleysay joogga dhirirka geedaha.

Si kastaba ha ahaatee, siddeed daqiiqo ayaa kasoo wareegtay markii uu duulay, haddii uu masaafaha ugu dheer ku eryan lahaana, ma uusan gaari kari lahayn ilaa heerka ugu dambeeya. Waqti kale oo dheeraad ah ayaa khasaaray kaddib markii khaladaad dhinaca raadaarka ah ay sababeen in labada diyaaradood ee noocoodu ahaa F-86 ay gadaal uga dhacaan diyaarad B-57 ah oo kasoo laabatay howlgal caadi ah oo ay ku aadday Nawabshah.

receipt

Xigashada Sawirka, alcetron.com

Saldhigga booliska ee laga soo tabiyay inay diyaarad soo dhacday

Waqti gaaban kaddib, labo diyaaradood oo kale, oo ah F-86, ayaa loo diray in ay eryadaan diyaaraddii lala baxsaday ee T-33. Waxaa kala duulinayay labo xiddigle Abdul Wahab iyo labo xiddigle Khalid Mahmood.

Abdul Wahab waxa uu goor dambe isagoo arrintaas dib u xasuusanaya yiri: "Waxaan ogeyn in mararka qaar aan siganeynay. Waxaa jiray jahwareer badan markii aan hawada galnay. Waxaan xitaa dirnay farriin been ah oo sheegeysa in diyaaradda F-86 ay daba taagneyd diyaaradda T-33 ayna soo ridayaan haddii ay soo laaban weyso. Waxaan billownay inaan ku amarno Minhas inuu ka boodo diyaaradda. Balse wax jawaab ah kama aannaan helin diyaaradda."

Diyaaradda la afduubtay muddo dheer lama raad raaci karin. Xaaladdu waxay kala caddaatay markii galabnimadii uu soo dhacay telefoon ay soo direen askarta saldhigga booliska ee Shahbandar, kuwaasoo sheegay in ay soo dhacday diyaarad ayna ku dhinteen dadkii saarnaa oo dhan.

Durbadiiba waxaa goobta loo diray diyaarad nooca qumaatiga u kaca ah ee loo yaqaanno helicopter-ka. Waxaa lasoo arkay qaybta dambe ee diyaaradda T-33 iyo qayb kale oo uu ku qornaa lambarka diyaaradda oo ahaa 56-1622.

Waqtiga la qiyaasay inay diyaaradda burburtay wuxuu ahaa 11:43 am.

एस 86

Xigashada Sawirka, Gettyimages

Qorshihii uu Rahman ku doonayay in uu diyaaraddaas ku geeyo Hindiya wuu guul darreystay. Diyaaradda T-33 waxay ku dhacday meel 32 meyl u jirta xadka Hindiya. Dad goob joogeyaal ah oo arkayay ayaa sheegay in diyaaradda laga dareemayay in gudaheeda uu ka socday dagaal ku saabsanaa xakameynteeda.

Guddi loo xil saaray inay baaritaan ku sameeyaan dhacdadaas ayaa goor dambe sheegay in diyaaradda intii ay duuleysay aan la xirin qaybta daboosha lugaha. Sidaas waxaa ku imaan karay cillad ay keentay hawada xad dhaafka ah ee soo galeysay.

Meydka Matiur Rahman ayaa ka baxay diyaaradda, waxaana loo sababeeyay in uusan xiranin suunka diyaaradda. Hase yeeshee meydka Rashid Minhas wuxuu ku jiray diyaaradda dhexdeeda.

receipt

Xigashada Sawirka, alcetron.com

Rashid Minhas geeridiisa kaddib waxaa lagu sharfay abaalmarinta ugu sarreysa dalka Pakistan ee "Nishan-e-Haider".

Waxaa sidoo kale Pakistan looga aqoonsaday inuu yahay halyeey qaran, wuxuuna noqday duuliyihii ugu da'da yaraa ee helay abaalmarintaas.

Waqtigaas waxa ay da'diisu ahayd 20 sano oo kaliya. Warqad lagu qaddarinayay ayaa lagu qoray "in Rashid uu si ulakac ah usoo riday diyaaraddaas isagoo ka ilaalinaya in la afduubto".

yahya khan

Xigashada Sawirka, Gettyimages

Rashid waxaa lagu aasay isla goobta ay diyaaradda ku dhacday. Markii hore waxaa lasoo jeediyay in duuliyahaas halyeynimada loo aqoonsaday la siiyo abaal marin darajo hoose ah oo lagu magacaabo "Sitar-e-Zurrat ", balse madaxweynihii xilligaas ee Pakistan Yahya Khan ayaa sheegay inuu u qalmo abaalmarinta "Nishan-e-Haider".

Matiur Rahman waxaa lagu asteeyay inuu yahay qof cadow ku ahaa Pakistan. Balse waxa uu qudhiisa halyeey ka noqday Bangladesh, halkaasoo qaddarin looga muujiyay.