Lars Vilks:Cabsi joogta ah ayuu ku noolaa ninkii sameeyay sawir gacmeedka Nabiga(NNKH)

Xigashada Sawirka, EPA
Farshaxaniiste u dhashey Sweden, oo sameeyey sawir gacmeed uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH ayaa ku geeriyooday shil baabuur.
Lars Vilks ayaa lagu soo warramayaa in markii uu shilka dhacayay uu la socday gaari ay leeyihiin booliska kaas oo ku dhacay baabuur weyn oo xamuul ah meel u dhaw magaalada Markaryd, ee koonfurta Sweden.
Baarayaasha waxay sheegeen in shilka ay ku dhinteen labo sarkaal oo boolis ahaa oo ilaalineysay ninkan.
Vilks, oo ahaa 75 sano jir, waxaa si joogta ah u ilaalinayay booliska kadib markii ay soo gaareen hanjabaado ah in la dilayo ka gadaal markii uu sameeyey sawir gacmeedka.
Sawir gacmeedka, ayaa la daabacey sannadkii 2007-dii, taas oo ay u arkeen Muslim badan inay tahay danbi iyo meel ka dhac , in sawir toos ah laga sameeyo nabi Maxamad NNKH.
Sidoo kale, tani ayaa ku soo beegantay markii farshaxaniiste kale oo u dhashey Denmark, oo isna sawiray wax uu ku sheegay nabi Muxammad NNKH.
Hanjabad badan ayuu la kulmay
Vilks ayaa si weyn ay u hadal heysay warbaahinta caalamka kadib sanadkii 2007 uu sameeyay sawir gacmeedkan carada badan ka dhaliyay caalamka kaas oo horseeeday in Ra'iisal Wasaarihii Fredrik Reinfeldt uu la kulmo safiiro ka socday 22 dal oo muslim ah si loo dejiyo xiisadda ka dhalatay sawir gacmeedka uu sameeyay ninkaas.
Wixii intaa ka dambeeyay waxaa si joogta ah waardiyaynay booliska Sweden. ugu yaraan 2 asker o ka tirsan booliska oo hubeysan ayaa si joogto ah u ilaalinayay.
Xilliggaas, ururkii Al Qaacida ee Ciraaq waxay madaxiisa dul dhigeen $100,000 ciddii dishay ninkan.
Sanadkii 2015, Vilks wuxuu ka qeybgalay dood looga hadlayay xoriyatul qowlka, goobtaas oo lala beegsaday weerar qoryo loo adeegsaday oo ka dhacay Copenhagen.
Wuxuu sheegay in bartilmaameedku uu isagu ahaa kaas galaaftay nolosha qof agaasime ka ahaa filim.
Booliska Sweden ayaa maanta sheegay in aysan jirin wax hanjabaado hor leh oo ka dhan ahaa ninka maanta shilka ku geeriyooday.

Xigashada Sawirka, Reuters
dab qabsaday gaarigii u soo gurmaday
Kadib markii uu shilka dhacay, wuxuu dab qabsaday tiro baabuur ah usoo gurmaday ninkan shilka galay, darawalkii baabuurka xamuulka ayaa loo qaaday cisbitaalka halkaas oo ay booliska su'aalo ku weydinayaan.
Bayaan ka soo baxay booliska ayaa lagu sheegay in weli aysan kala caddeyn sababta ka dambeysay shilka.
"Dhacdada waa la baraayaa maadama ay ku dhinteen labo boolis ah, waxaa baaritaanka loo xil saaray koox ka tirsan xafiiska dacwad oogaha" ayuu yiri sarkaal ka tirsan booliska oo la hadlay AFP.
Qof googjooge ah ayaa warbaahinta Aftonbladet u sheegay in baabuurka uu ku jiray Lars Vilks uu lumiyay kantaroolka isla markaana uu ku dhacay baabuurka xamuulka ah.
Stefan Sinteus oo ah madaxa baaritaanada koonfurta Sweden ayaa shir jaraa'id ka sheegay in saraakiisha ay isku dayayaan sidii ay ku ogaan lahaayeen sababta ka dambeysay shilka.










