Qaabka uu u dhacay weerarkii wargeyskii daabacay sawir gacmeed lagu sheegay Nebi Maxamed (NNKH)

Xigashada Sawirka, EPA
Mid ka mid ah dadkii ka badbaaday weerarkii lagu qaaday wargeyska Charlie Hebdo ee daabacay sawir gacmeedyo laga sameeyay Nebi Maxamed (NNKH), ayaa ka hor marqaati furtay maxkamadda qaadaysay kiiska eedeysanayasha.
Corinne Rey ayaa ka sheegtay in ilaa iyo imika ay la dhibaatoonayso naxdintii ay qaaday ka dib markii raggii hubaysnaa ee weerarka geystay ay ku qasbeen inay geyso xafiisyada wargeyska.
Mrs Rey oo ah gabadh sameysa sawir gacmeedka ayaa bixisay marqaati iyada oo aad qiiraysan, xilli lagu guda jiray maxkamadeynta 14 qof oo loo haysto inay gacan ka siiyeen labadii nin ee weerarka fuliyay.
Kooxdani mintidiinta ah ayaa toogasho ku dilay 12 qof oo ku sugnaa gudaha iyo aga-gaarka xafiiska wargeyska Charlie Hebdo ee Paris bishii January 2015.
Dhammaan saddexdii nine ee weerarka fuliyay ayaa waxaa toogasho ku dilay booliiska Faransiiska.
Dilalkaasi ayaa hordhac u noqday mowjado weeraro ah oo kooxaha jihaadiyiinta ay ka gesyteen guud ahaan Faransiiska, kuwaasi oo ay ku dhinteen 250 qof.
Wargeyska ayaa dhawaan mar kale dib u daabacay sawir gacmeedka muranka dhaliyay ee ay sheegeen in laga sameeyay Nebi Maxamed (NNKH), waxaana arrintan ka dhashay dibadbaxyo ka dhacay qaar ka mid ah dalalka Muslimiinta.

Xigashada Sawirka, EPA
Muxuu ahaa marqaatiga ay bixisay Rey?
Ms Rey, oo 38 jir, ah ayaa waxaa ka qubanaysay illin ka dib markii ay dib u milicsatay waqtigii ay ka hor yimaadeen, Cherif iyo Said Kouachi, oo iyagu ahaa raggii weerarka ku qaaday xafiisyada wargeyska Charlie Hebdo's 7 January 2015.
Haweeneydan sawir gacmeedka sameysa ayaa ka soo baxday shirka shaqaalaha wargeyska, wax ayna ragga weerarka geystay ku kulmeen jaraanjarta albaabka laga soo baxo.
Waxay ugu yeereen magaca ay adeegsato marka ay wax qoreyso kaasi oo ah, "Coco", waxayna ku yiraahdeen "waxaan donaynaa Charlie Hebdo", sida ay maxkamada u sheegtay Ms Rey.
Waxay ugu hanjabeen inay dili doonaan waxayn ku qasbeen inay geyso xafiisyada wargeysska ee ku yaalla dabaqa labaad.
Sida ay sheegtay Ms Rey ragga weerarka geystay ayaa ku yiri" waxaad aflagaadeyseen nebiga, waxaana nahay Al-Qaacidada Yemen."
Ragga weerarka fuliyay ayaa bartilmaameedsaday wargeyska Charlie Hebdo oo ay rumaysnaayeen in uu aflagaado u geystay Islamka ka dib markii ay daabaceen sawir gacmeed ay sheegeen in uu yahay Nebi Maxamed (NNKH)
Weerarkii 2015-kii
7-dii bishii Jannaayo ee sannadkaas, labo nin ayaa weerar ku qaaday xafiisyada wargeyska Charlie Hebdo uu ku lahaa magaalada Paris ka hor inta ay rasaas ku furin shaqaalaha wargeyska.
Tafatirihii wargeyska Stéphane Charbonnier iyo afar kamid ah shaqaalaha ayaa lagu dilay weerarka.
Maalmo kaddib, nin hubeysnaa ayaa weerar kale ku qaaday xarun dadka yuhuudda ay dukaameystaan oo ku taalla bariga Paris, waxaana halkaas ku dhintay 4 qof, booliska ayaa markii soo afjaray weerarka, waxay dileen ninkii weerarka soo qaaday.










