Mexico: Sawirka geesiga qaawan ee sababay mudaharaadyada

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Sawir-gacmeedka ayaa ka careysiiyay taageerayaasha geesi hore oo ka qeyb qaatay kacdoonkii dalka Mexico

Dad mudaharaadeyaal ah ayaa Talaadadii weeraray mad-xaf sawirrada lagu keydiyo oo ku yaalla dalka Mexico, iyagoo ka careysan sawir-gacmeed qaawan oo laga sameeyay halyey hore oo lagu magacaabi jiray Emiliano Zapata.

Dibadbaxayaasha ayaa ku qeylinayay "halla gubo, halla gubo", iyagoo ku doodaya inuu khalad yahay sawirkaas oo muujinaya Zapata oo faras saaran isagoo qaawan oo xiran kabaha taakada dheer ee dumarka iyo koofiyad basali ah.

Wiil uu awoowe u yahay Zapata, oo lagu magacaabo Jorge Zapata González, ayaa doonaya in sawirkaas meesha laga saaro.

"Marnaba ma oggolaan doonno arrintaan", ayuu ku yiri wareysi uu siiyay wakaaladda wararka ee Associated Press.

'Sharaf-dil'

"Annagu, maadaama aan nahay qaraabadiisa, arrintan waxaan u aragnaa mid sharaf-dil ku ah janaraalkeenna, waxayna u ekeysiineysaa inuu ahaa nin "aysan raganimadiisa sax ahayn", ayuu yiri Mr Zapata González, wuxuuna intaas kusii daray in qoyskiisu ay maxkamad aadi doonaan haddii aan sawirkaas meesha laga saarin.

Emiliano Zapata wuxuu ka mid ahaa hoggaamiyeyaashii kacdoonka isbaddal-doonka ee dalka Mexico, ka hor inta aan la dilin sanadkii 1919-kii, isagoo markaas ay da'diisu ahayd 39 sano. Wali wuxuu halyeey u yahay dad badan oo reer Mexico ah.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Isku dhac ayaa dhex maray taageerayaasha Zapata iyo dad kale oo kasoo horjeeday

Dadka mudaharaadayay waxaa ka mid ahaa beeraley farabadan, oo aaminsan in Zapata, oo laftiisa ahaan jiray beeraley sabool ah uu u dagaallami jiray xuquuqdooda, islamarkaana uu dhulka uga dhicin jiray dadka maalqabeennada ah.

Waxay saacado dhowr ah ku mudaharaadeen afaafka hore ee mad-xafka ku yaalla bartamaha magaalada Mexico City.

Dibadbaxayaal kale oo kasoo horjeeday carada ku aaddan mowduuca dhinaca jinsiga ayaa iyagana ka hor yimid, wuxuuna isku dhac dhex maray labada dhinac.

"Sheekada ku saabsan Zapata ayey sidoo kale tobannaan kun oo qof ku hadal hayaan baraha bulshada, gaar ahaan Twitter-ka.

Ismariwaa

Mudaharaadeyaasha ayaa sheegay inay xirayaan albaabka laga galo mad-xafka, ilaa inta sawirkaas meesha laga qaadayo. Farshaxankan oo uu sameeyay Fabián Cháirez ayaa lagu magacaabay La Revolución(kacdoonka), wuxuuna qeyb ka yahay bandhig-carwo oo lagu xusayo 100 sano guuradii kasoo wareegtay geerida Zapata.

.

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Mudaharaadeyaal buux dhaafiyay meesha laga galo mad-xafka

Carwada ayaa lagu soo bandhigi doonaa ilaa 141 farshaxan oo laga sameeyay halyeygaas.

Inkastoo sawir-gacmeedka carada dhaliyay ee uu sanadkii 2014-kii sameeyay Fabián Cháirez lagu arkay meelo kale, haddana wuxuu indhaha dadka aad usoo jiitay markii ay wasaaradda dhaqanka iyo hiddaha ee dalkaas soo saartay bogaggeeda Twitter-ka iyo Facebook-ga iyadoo u adeegsaneysa xayeysiinta ay dadka ku ogeysiineyso bandhig-carweedkaas.

Fabián Cháirez ayaa sheegay inuu fikradda sameynta sawirkaas helay ka dib markii uu ogaaday in dadka bandhigga ka qeyb qaadanaya badankood ay diiradda saareen "in Zapata uu guul gaaray".

"Waxaa jira dad aan jecleyn inay maqlaan sheekooyinka ku saabsan shakhsiyaadka aan sharciga u hoggaansamin. Markii dhankaas laga eego, muxuu yahay khaladka ku jira sawirka? Dadka mudaharaadeyaasha ah waxay ka careysan yihiin in Zapata loo ekeysiiyay dumar", ayuu yiri.

Mas'uuliyiinta mad-xafka ayaa sheegay in sawrikaas aan meesha laga saari doonin, xitaa iyadoo dibadbaxayaashu ay sheegeen inay maalin kasta ku mudaharaadi doonaan.

Bandhig-carweedka ayaa socon doona ilaa bisha February ee sanadka 2020-ka.