Ahlu Sunna: Sheekh Shaakir oo dib ugu laabtay Guriceel oo ay ciidammadiisa la wareegeen

Xigashada Sawirka, OPM
Madaxa Ururka Ahlu Sunna Sheekh Maxamed Shaakir ayaa dib ugu laaabtay magaalada Guricele oo saacado ka hor uun ay ciidammadiisa kula wareegeen dagaal la'aan.
Ahlu Sunna ayaa durbaba amar lku bixisaay in diyaarada sida hub iyo ciidan aysan ka soo dagi Karin garoonkaasi.
"Waa ciidankii horay ugu shaqeyn jiray bulshada. waxaan u taagannahay inaan Shabaabka ka xoreynaa Galmudug. Qolalada diyaaradaha waxaan raba inaan u sheega inaysan ka dagi karin garoonka Guriceel diyaarad sidda hub iyo ciidan", ayuu yiri mid ka mid ah saraakiisha Ahlu Sunna ee la wareegay maanta magaalada Guriceel oo la hadlay warbaahinta maxalliga ah.
ururka Ahlu Sunna Waljameeca ayaa sidoo kale war ka soo saaray dagaalkii shalay Bohol ku dhex maray iyaga iyo ciidamada Galmudug.
Ahlu Sunna ayaa ku tilmaantay dagaalkaasi sheegay in dagaal gardaro ah lagu soo qaaday deegaanka Bohol oo ah meel dagan, islamarkaana ay dagaalka soo qaadeen ciidamada Galmudug iyo kuwa dowladda Federaalka.
Ra'iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble iyo Beesha Caalamka ayey Ahlu Sunna ugu baaqday "inay ka hor tagaan dagaalka gardarada ah oo ay maleegayaan Fahad Yaasiin iyo Qoor Qoor."
Warqadda Ahlu Sunna ayaa ku mudeysan shalay balse maanta uun ayaa la shaaciyay kamana aysan hadlin waxyaabihii maanta ka dhacay Guriceel oo ay gacan ku heynteeda kula wareegeen dagaal la'aan, sida ay goobjoogayaal BBC-da u sheegeen.
Waxaa la sheegayaa inuusan wax dagaal ah dhicin.
Goobjoogayaasha ayaa intaasi ku daray in ciidamada Ahlu Sunna ay gudaha u galeen Saldhigga Booliska iyo Xarumaha Maamulka.
Masuuliyiinta maamulka Galmudug wali kama aysan hadlin la wareegitaanka degmada Guriceel ee Alhlusuna.
Ciidammada Galmudug ayaa la sheegay inay isaga baxeen magaalada, waxaana ka taagan magaalada xiisad inkastoo aysan dhicin wax rabshado ah. Waxaa la xiray inta badan goobaha ganacsiga ee Magaalada, iyadoo jidadka ay isugu soo baxeen boqolaal dadweyne oo taageera u muujinaya Ahlu Sunna..
Dhinaca kale waxaa maanta deggan deegaanka Bohol ee duleedka Dhuusmareeb oo shalay uu iska horimaad ku dhexmaray ciidammada Ahlu Sunna iyo kuwa dowladda. Tiro aaan la cayimin oo dagaalamayaal labada dhinac ayaa la sheegay inay ku dhinteen dagaalkaasi.
Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed, kuxigeenkii hore ee hey'adda nabad sugidda ee Soomaaliya, haatana ah khabiir ka faalooda arrimaha amniga ee gobolka, ayaa sheegay in soo rogaal celinta Alhlu sunna ay tahay fashil ku yimid maamulka GalMudug.
Wuxuu Cabulsalaan intaa raaciyey in awoodda lagala hortagayo Ahlu Sunnah, ay ku habboon tahay in lagala hortago ururka Alshabaab, kuwaasoo sida uu sheegay khatar weyn ku haya amniga iyo nolosha dadka GalMudug.

Hoggaamiyaha xisbi siyaasadeedka Wadajir, Cabdulraxmaan Cabdulashakuur, ayaa mar sii horreysay dalbadey in la joojiyo dagaalka ka socda deegaanka Bohol, ee katirsan maamulka GalMudug.
Cabdulraxmaan Cabdulshakuur ayaa ku booriyey maamulka GalMudug, waxgaradka, haweenka, dhalinyarada iyo odayaasha dhaqanka in gacan hadalka aanan dhibaatada jirta xal looga gaareyn.
"Ahlu Sunna waxay aragtay fursad ay dareensan tahay inay ku soo rogaal celin karto." Waxayna fursadaasi ka dhalatay dagaallada qabiillada ee deegaanka ku soo batay, Shabaabka oo caqabad ku nqodoay gobolka. Waxaana fursadaasi abuuray maamulka Galmudug. waxay rabaan siyaasad ahaan in dib uqabsadaan mamaulkii horay loga saaray oo ay buuxiyaan meelaha ay dabacsanaanta," ayuu yiri Cabdulsalaan Yuusuf Guuleed.
Maxaa wiiqay markii hore awooddii Ahlu Sunna?
Ahlu Sunnah ayey ciidamada federaalka Soomaaliya kala wareegeen magaalada Dhuusa Mareeb oo xarun u aheyd 29-kii February, 2020-kii, halkaasoo uu ku dhex marey dagaal muddo socdey.

Ururka Ahlu Sunna ayaa in muddo ah ka talinayay qeybo badan oo ka tirsan gobollada dhexe, laga soo billaabo sanadkii 2010, oo ay dagaal kula jireen Al-Shabaab, iyaga oo in badan kaashanayay ciidamada Itoobiya. Ma ahan markii ugu horreeyay ee ay so rogaal celiyaan.
Ahlu Sunna ayaa markii dambe xoog ku muquunisay Al-Shabaab, isla markaana ka saartay inta badan deegaannada gobollada dhexe.
Wixii xilligaasi ka dambeeyay Ahlu Sunna waxay ahaayeen cudud muuqata oo gorgortan weyn ku leh arrimaha gobolladaasi.
Waxay si weyn loollan ula galeen dowladdii Xasan Sheekh, mar la doonayay in la dhiso maamulka Galmudug oo xaruntiisa ku meelgaarka ah in muddo ah ku shaqeynayay.

Xigashada Sawirka, GOOBJOOG NEWS
Hase yeeshee, Dhuusamareeb ayay Ahlu Sunna uga dhawaaqday maamul ay ugu magacdartay "Dowlad Goboleedka Gobollada Dhexe", waxaana jiray in sanaddadii dambe ay isu gacan qaadaan maamulkii markaa ka dhisnaa Cadaado iyo Ahlu Sunna. Balse awooddaasi ayaa markii danbe u muuqatey mid wiiqantey.
Isbadalkii ka dhacay Itoobiya
Siyaasad ahaan iyo cudud ahaan Ahlu Sunna waxay in badan ku tiirsanayd ciidamada dowladda deriska ah ee Itoobiya, oo gacan ka siiyay dagaalkii ka dhanka ahaa Al-Shabaab.
Xukumadihii Itoobiya ee ka horreeyay midda hadda jirta ee uu hoggaaminayo Dr Abiy Ahmed, ayay Soomaali badan ku eedeynayeen iney faragelin xoogan ku haysay siyaasadda Soomaalida.
Balse isbadalka ka dhacay dalkaasi Itoobiya sanadkii 2018-dii, ee uu hormuudka ka yahay ra'iisal wasaare Abiy Axmad ayaa saameyn weyn ku yeeshay taageeradii Ahlu Sunna ay ka heli jirtey dhanka Itoobiya.











