Taliban 'Ma aysan beddelin dharkooda, timahooda iyo garkooda, sidey ku beddelayaan fikirkooda?'

20 sano ka dib, markii ugu horreysay ee Taliban ay qabsatay xukunka Afghanistan, waxaa hareeyay tacaddiyo ka dhan ah haweenka sida gowricid, in dhagax lagu dilo iyo in lagu qasbo inay xirtaan dhar waaweyn.

Kaddib markii kooxda xukunka laga tuuray, haweenka Afghanistan ayaa hormar sameeyay - iyagoo noqday wasiirro, duq magaalo, garsooreyaal iyo saraakiil boolis.

Hadda oo dib loo furay iskuullada Afghianstan, weli looma oggolaanin gabdhaha inay xaadiraan cashirada, balse Jaamacadaha qaar ayaa loo oggolaaday iyadoo xijaab ama maro loo dhexeysiinayo dumarka iyo ragga.

Sidoo kale wuxuu ururka meesha ka saaray wasaaraddii arrimaha haweenka qaabilsanayd, waxayna ku bedeleen wasaarad kale oo "wanaagga iyo hanuuninta" ay ugu magacdareen.

Haatan waxay ka walwalayaan waxa ka horreeya.

'Keni adeyg iyo nafhurid ayaa loo baahan yahay'

Haweeney weriye ah oo wareysaneysa sarkaal sare wax caadi ah ayay ka tahay inta badan dunida.

Balse marka la eego taariikhda madow ee Taliban ee ka dhanka haweenka iyo gabdhaha, dad badan ayaa la yaabay markii mid ka mid ah saraakiisha ugu sarreysa kooxda, Mawlawi Abdulhaq Hemad, uu oggolaaday inay su'aalo weydiiso gabadha barnaamij soo jeediyaha Tolo News, Beheshta Arghand.

Wareysigaas wuxuu jebiyay dhaqan kale oo ay kooxdu lahayd: waa markii ugu horreysay ee hoggaamiye Taliban ka tirsan uu sidaasi ka sameeyo istuudiyaha telefishin. Balse iyadoo ay sidaas tahay, haddana Arghand weli shaki ayay qabtaa.

"Waxay yiraahdeen, 'wax dhib ah kuma qabno haweenka Afghanistan. Waan taageereynaa shaqadooda'... Balse waan baqayaa," ayay u sheegtay BBC.

Waxay sheegtay inuu is beddelay dhaqanka xarunta warbaahinta ee Kabul iyo magaalada. Si xor ah martida ay wareysaneyso ugalama hadli karto arrimaha qaar. Si tadaxar leh ayay u xulataa erayada ay adeegsaneyso.

"Bil ama labo kaddib [Taliban] shuruuc cusub ayay noo soo saari doonaan. Waxaan u maleynayaa in aysan oggolaan doonin waxa aan dooneyno inaan sameyno. Way nagu adkeyn doonaan inaan xor ahaanno."

Dabayaaqadii sanadihii 1990-meeyadii iyo horraantii sanadihii 2000, kooxda ayaa Afghanistan ku xukumeysay shuruuc adag, waxayna mamnuuceen telefishin, heeso iyo shaleemo.

Sanadihii ka dambeeyay markii xukunka laga tuuray, waxaa la aasaasay dhowr telefishin iyo in ka badan 170 idaacadood.

Markii ay Taliban ku soo laabteen talada, telefishinnada qaar ayaa shaqada ka joojiyay gabdhaha warka akhrin jiray iyagoo sidoo kalena barnamaijyada siyaasadda ku beddelay kuwo looga hadlo diinta Islaamka.

Maaddaama wax isbeddel ah uusan dhicin, telefishinno badan ayaa sidoodii hore ku soo laabtay.

Shirkii jaraa'id ee ay dhowaan qabteen, Taliban - oo haatan u talisa in ka badan 39 milyan oo qof - ayaa lagu sheegay in haweenka loo oggolaan doono inay shaqeeyaan ayna wax bartaan "iyadoo la raacayo shuruucda Islaamka".

Balse meelo badan ayay kooxda haweenka ka joojisay shaqada. Haweenka qaar ayaa BBC-da u sheegay inay iska daayeen shaqada cabsi darteed.

Arghand ayaa ku laabatay shaqada iyadoo dareentay in ay u baahan tahay inay sii wadato shaqadeeda.

"Waxaan nafteyda u sheegay, soco... Waqti muhiim ah ayay u tahay haweenka Afghanistan. Balse waxaan is weydiiyaa sida Talibaan oo aan bedelin dharkooda, timahooda iyo garkooda, u bedeli karaan fikirkooda."

Markii ay xafiiska u sii socotay waxaa istaajiyay dagaal yahannada Taliban oo weydiiyay sababta ay keligeed u socoto, isla markaana uusan u la soconin nin muxram ah sida ay Shareecadu qabto.

"Kuma sugnin xaalad fiican. Waynu ognahay in aysan u fiicneyn haweenka Afghanistan. Waa inay jiraan adkeysi iyo nafhurid iyadoo laga fekerayo jiilka soo socda."

'Ma ahan sida markii hore ee ay xukunka hayeen'

Dhaqtarad xanuunnada haweenka ah oo xarun caafimaad oo gaar ah leh kana shaqeysa isbitaalka Kabul ayaa BBC-da u sheegtay in shaqadeeda aysan saameyn ku yeelan xaaladda siyaasadeed.

"Saddex maalin kaddib ayaan shaqada imid. Xaaladda waa caadi," ayay tiri dhaqtaradda oo aan dooneyn in magaceeda la sheego.

Waxay sheegtay in Taliban ay ku dhawaaqeen in haweenka dhaqaatiirta ah ay ka sii shaqeyn karaan isbitaallada iyo xarumahooda gaarka ah.

Dhaqtaradda ayaa intaas ku dartay in meelaha qaar ay Taliban dadka ka codsanayaan inay shaqada ku laabtaan balse cabsi darteed aysan dad badan weli ku laaban.

"Dhaqaatiir iyo kalkaalisooyin badan ayaanan imaanin isbitaalka sababtoo ah way baqayeen kumana qanacsaneyn ballan qaadka Taliban."

Qeybo badan oo miyiga Afghanistan ka tirsan adeegyada caafimaadka ayaa ku yar amaba kama jiraan.

Dalkaasi ayaa qaaday tallaabooyin lagu kordhinayo tirada kalkaalisooyinka iyo umulisooyinka si loo yareeyo xaddiga dhimashada ka dhalata dhalmada.

Hay'adda arrimaha caafimaadka taranka ee Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in dhammaan haweenka uurka leh iyo hooyooyinka da'yarta ah "ay xaq u leeyihiin inay helaan adeegyada naf badbaadinta ee dhalmada iyo caafimaadka hooyada iyo dhallaanka".

Sida ay haatan xaaladdu tahay, dhaqtaradda haweenka ee Kabul rajo ayay qabtaa. Markii ay isbitaalka u sii socotay dad yar ayay waddooyinka ku aragtay iyadoo dukaamo badan ay xirnaayeen balse Taliban ma aysan joojin si ay u eegaan dharkeeda.

"Ma ahayn sidoodii hore. Way ka yara roon yihiin marka loo eego berigii hore ee ay xilka hayeen."

'Haweenku kama mid aha ajandaha'

Haweenka Afghanistan ayaa 27% ku leh kuraasta 250-ka ah ee baarlamaanka Afghanistan, waxayna baarlamaanka dowladdii kala tagtay ka lahaayeen 69 haween ah.

Balse Taliban hoggaankooda wax haween ah kuma jiraan mana cadda weli inay dhisi doonaan dowlad ay ku jiraan haween.

"Ma garaneyno ajandahooda. Walaaceenna wuxuu yahay weligood kama hadlaan haweenka," ayay tiri xildhibaanad Farzhana Kochai.

Waxay sheegtay in dowlad ay haweenka ka maqan yihiin aysan beesha caalamka iyo bulshada rayidka u arkeynin inay mas'uuliyad qaadi karto.

"Annagu haween ahaan waa in aan nalaga saarin bulshada. Waa inaan sii wadnaa shaqadeenna oo aan ku jirnaa dowladda iyo meel walba oo aan dooneyno," ayey tiri.

Balse kuma faraxsana isbeddelka ay haatan aragtay, sida haween yar oo waddada jooga, inkastoo ay garwaaqsan tahay in haweenka qaar ay ku laabanayaan shaqada iyo waxbarashada.

"Haweenka oo dhan ma cabsadaan, guryahana iskuma soo xiraan," ayay tiri.

"Balse haweenku bulsho ahaan, cilmu nafsi ahaan iyo siyaasad ahaanba way is beddeleen. Inteenna badan waan is qarineynaa. Xitaa ma isticmaali karno baraha bulshada, shaqooyinkeenna ma qabsan karno, kama bixi karno guryaheenna.

"Haween badan oo Kabul ku nool waxay iibsanayaan Xijaabka waaweyn ee burka. Telefishinnada waxaan ka weynay haween. Meelo kalena waan ka weynay sidoo kale."

Xitaa kahor inta aysan Taliban xilka la wareegin, Kochai waxay ka baqeysay ragga hubeysan. Siyaasiyiin badan oo kooxda cambaareyn jiray ayaa haatan is qarinaya.

Zarifa Ghafari, oo ahayd duqa magaalada ee dalkaasi ugu yar iyadoo jirtay 26 sano, markii xilkaas loo magacaabay, ayaa sheegtay inay sugeyso in Taliban ay dilaan.

"Halkan ayaan fadhiyaa anigoo sugaya inay yimaadaan. Ma jiro cid qoyskeyga ka tirsan ama qof kale oo i caawineya. Iyaga iyo seygeyga ayaan halkan la joogaa. Waxayna u imaanayaan dadka sideyda oo kale ah wayna i dili doonaan," ayay Zarifa u sheegtay wargeyska Independent.

'Ma aamini doono'

Waxa ay Taliban ka sheegaan xuquuqda haweenka iyo waxa ay ficil ahaan sameynayaan way kala duwan yihiin, sida ay qabto macallimad Afghanistan u dhalatay una doodda xuquuqda haweenka oo lagu magacaabo Pashtana Durrani.

Waxay BBC-da u sheegtay inay dooneyso in la kala caddeeyo xuquuqda haweenka ee ay oggol yihiin kooxda, oo markii hore ku qasabtay haweenka inay xirtaan burka ayna gabdhaha ka weyn 10 sano jir ay aadaan iskuul.

Durrani ayaa sheegtay inay ku qasban tahay inay hadasho inkastoo ay nafteeda u baqayso.

"Waa inaan maanta dagaallamaa, si jiilka soo socda aysan u wajihiin xaaladdan."

Durrani ayaa sheegtay in hoggaanka Taliban aysan kala caddeyn xuquuqda haweenka.

"Gabdhaha ku sugan Herat, ma aadi karaan jaamacadahooda; gabdhaha Kandahar, waxaa loo sheegay inay guryahooda aadaan, iyadoo wiilasha qaraabadooda ahna laga codsaday inay buuxiyaan booskooda bankiga ay ka shaqeynayeen.

"Ma waxay ula jeedaan xuquuqda dhaqdhaqaaqa, xuquuqda la dhaqanka bulshada, xuquuqda siyaasadda, xuquuqdooda codeynta?" ayay is weydiisay.

Jarmalka ayaa sheegay inuu joojin doono dhammaan gargaarka uu siiyo Afghanistan haddii xuquuqda haweenka meel looga dhaco.

Falanqeeyeyaasha qaar ayaa sheegay in Taliban ay xorriyad badan siin doonaan haweenka si ay u kasbadaan hoggaamiyeyaasha caalamka.

Durrani, oo abaalmarinta Malala ku heshay shaqadeeda, ayaa aaminsan in gabdhaha ay tahay in loo fududeeyo isticmaalka internet-ka, waa haddii Taliban ay gabdhaha ka mamnuucdo iskuulka.

Waxay ka walwalsan tahay in kooxda ay beddelaan maaddooyinka iskuulka.