Haweenka anigoo kale ah Taalibaanku ma arki karaan

Maalintii ay Taalibaan la wareegeen gacan ku heynta caasimadda Afqaanistaan ​​ee Kabul, ayaa boorar xayeysiisyo oo ku dhagganaa bannaanka qolalka quruxda kuwaas oo muujinayay dumar xirnaa dharka aroosyada ayaa la mariyay rinji madow.

Saaloonada magaalada hareeraheeda ayaa sidoo kale la xiray iyadoo meheradaha qaarkood ay wacad ku mareen in ay si buuxda ugu soo laaban doonaan adeeggooda, balse dhowr dumar ah ayaa ka walwalsan mustaqbalka goobaha la isku qurxiyo. Afsoon (ma ahan magaceeda dhabta ah), oo ah xirfadley dhanka farshaxanka ah ayaa waxay sharraxaysaa muhiimadda ay haweenka Afgaanistaan u leeyihiin goobaha la isku qurxiyo.

Waxay sharraxaysaa dhacdo nololeed naadir ah sida geerida qof aad jeceshahay, ama qof udub dhexaad u ah noloshaada.

Afsoon waxay la kulantay dareenka cabsida leh markii ugu horreysay 15kii Ogosto 2021.

Axaddaas ayay ku soo baraarugtay 10-kii subaxnimo wicitaan ay ka heshay saaxiibadeed oo ku sugnayd saaloonkii ee ay ka shaqaynaysay waxayna u sheegtay hadal ay ka naxday oo waxay ku tiri:

"Ha soo galin shaqada maanta,". "Waan xirnay, way dhammaatay."

Iyadoo fadhida sariirta, Afsoon ayaa hubisay mobilekeeda way furtay waxayna hoos u raacday taleefankeeda waxayna ku aragtay farriimo badan oo kaga yimid asxaabteeda iyo qoyskeeda, ka dibna waxay baraha bulshada ku aragtay boqolaal farriimo oo dhex yaacaya oo la xiriira arrintan aad ayay u naxday oo cabsi iyo xanuun ayaa isugu darsamay.

Dhammaan farrimaha isku mid bay ahaayeen oo kooxda Taalibaan ayaa gudaha u gashay caasimada Afghanistan ee Kaabul. 16 maalmood gudahoodna dhammaan ciidamada reer galbeedka iyo diblomaasiyiintooda ayaa dalka ka bixi doono.

"Way dhammaatay," bay ku celcelisay. Waxaa la joogaa waqtigii la is qarin lahaa.

Afsoon waxay ku jirtaa da'da 20-meeyada waxayna isu aragtaa inay tahay haweeney reer Afgaanistaan ​​oo casriga la socota.

Waxay jeceshahay baraha bulshada, waxay jeceshahay filimada, waa darawalad oo waxay leedahay hami shaqo.

Afsoon ma xasuusan karto waqtigii 90 -meeyadii, waa ay xilliyadii ay dhalatay, waa markii hore oo ay Taalibaan dalkeeda ka mamnuucday goobaha qurxinta.

Waxay ku soo kortay Afgaanistaan ​​halkaas oo meheradaha quruxinta ay nolosheeda qayb muhiim ah ka ahaayeen. Markii ay dhallinta ahayd waxay aad u aqrin jirtay joornaalada iyo warbaahinta bulshada lagu soo daabaco muuqaallada qurux badan.

Waxay jeclayd wax walba oo ku saabsanaa noloshaas gaar ahaan rinjiyeynta ciddiyaha oo midabbo badan leh.

Labaatankii sano ee ka dambeeyay duulaankii uu horkacayay Mareykanka ee lagu riday Taalibaan 2001-dii, in ka badan 200 oo goobaha la isku quruxiyo ah ayaa laga furay Kabul oo keliya, iyadoo boqollaal kalena laga furay qeybo kale oo ka mid ah dalka.

Ugu dambayntii Afsoon waxay fuliyay riyadeedii ahayd inay ka shaqayso mid ka mid ah goobaha la isku qurxiyo. Ma jirin wax kale oo ay doonaysay.

Si la mid ah sida dhammaan goobaha la isku quruxiyo ee Kabul, saloonkii Afsoon wuxuu lahaa daaqado oo gebi ahaanba lagu daboolay sawirro dumar soo jiidasho leh oo lagu xayeysiinayo ballanqaad dhanka quruxinta dumarka ah.

Sawirradaan ayaa sidoo kale looga gol leeyahay in lagu daboolo daqaaqadaha si aysan ragga maraya waddooyinka Kaabuul u arki karin gudaha saaloonka meel.

"Waan jeclahay haweenka. Waxaan doonayay inaan shaqeeyo oo aan dhiso goobo ay haweenku xor u noqon karaan oo ay ka soo dhalaali karaan," ayay tiri.

Laakiin Axaddii 15kii Ogosto, oo ahayd maalintii ay Taalibaan la wareegtay madaxtooyada Kabul, sanado badan oo ay dadaal badan ku bixisay shaqadaasi waxay ku dhammaatay maalin qura.

Waxay ku dhowdahay saqdii dhexe ee Kaabuul Afsoonna waxay ku hadlaysa taleefoon iyadoo codka gaabineyso. Aad bay u baqaysaa. Waxay ka tagtay gurigeeda Axaddii waxayna heshay guri ammaan ah.

"Haweenka ku jira shaqada qurxinta dumarka, gaar ahaan dadka aniga oo kale ah shaqadeenna ayaa ah bartilmaameed," ayay tiri.

Kaddib markii ay taleefan ka heshay saaxiibadeed oo ay u sheegtay in aysan shaqada imaan, Afsoon waxay maqashay in boor kasta oo matalaya quruxda dumarka ay rinjiyeeyeen dadka deggan Kabul oo cabsi qaba Taalibaan.

"Ma jirto si ay u oggolaan lahaayeen in la arko wajiyo aan niqaannayn, ama qoorta dumarka oo la soo bandhigay," ayay tiri. "Had iyo jeer waxay aad u sheegaan inay aaminsan yihiin in haweeneydu aysan soo jiidan dareenka ragga.

"Waa dhammaadkii goobaha la isku qurxiyo ee Afghanistan."

Afsoon ma aysan haysan wax casumaad ah ama waraaqo ah oo ay kursi kaga heli karto diyaarad ay kaga baxdo Kaabuul marka ma jirin waddo kale ay ku bixi kartay.

Waxay maalinkasta isla hadlaan asxaabteeda iyagoo isticmaalayo aaladaha baraha bulshada. Mishaarkii ugu dambaysay ee ay heleen wuxuu ahaa 24-kii Ogosto. Hadda ma jiro mishaar dambe oo ay heli doonaan.

Afsoon kama hadli karto mustaqbalka, ayay tiri.

Tallaabada xigta, iyadu ma hubto. Ma aysan ka fikirin sida ay hadda u labisan doonto, ama xitaa marka ay bannaanka u ku soo dhiiran doonto.

"In aan sii noolaado ayaa ah waxa kaliya ee aan ka fekeri karo. Kama baqayo inaan dhinto - laakiin ma rabo sidaan oo kale inaan ku noolaado cabsi iyo rajo la'aan," ayay tiri.

"Ilbiriqsi kasta waxaan dareemayaa in Taliban ay ii imaan doonto."