Pakistan: "Ninkii iga dilay ninkeyga ayaan guursaday si aan uga aargoosto"

Xigashada Sawirka, Getty Images
"Waxaan go'aansaday inaan ka aar guto dhimashadii ninkeyga anigoo xiriir saaxiibtinnimo la sameynaya ninkii dilay, kaddibna guursaday ugu dambeyntiina ka aar goostay."
Haweeney daggan degmada Bajaur ee dalka Pakistan ayay xireen booliska, maxkamadayn kaddibna waxaa loo diray xabsiga Chakdara.
Gabadhan waxay sheegtay inay muddo saddex sano ah isku dayeysay sidii ay ugu aar gudi lahayd ninkeeda oo la dilay, qorsheyaal kala duwanna ay u samaysay arrintaas.
Sharraxaadda booliska
Wilayat Khan, oo ka tirsan dambi baadheyaasha saldhigga booliska degmada Bajaur, ayaa BBC-da u sheegay in kiiskan uu ahaa mid aad u adag balse uu markii dambe ku guulaystay.

Xigashada Sawirka, Getty Images
Ninka qabi jiray haweeneyda eedeysanaha ah, oo magaciisa lagu sheegay Shah Zameen, wuxuu dhintay saddex sano ka hor, laakiin ma cadda waxa sababay geeridiisa - in la dlay ama inuu si dabiici ah u dhintay toona.
Laakiin xaaskiisa waxay sheegtay inay heshay xog ay siiyeen shakhsiyaad oo ku saabsan in ninkeeda lagu dilay cirbad sumaysan, falkaasna uu ka dambeeyay Gulista oo saaxiib dhow la ahaan jiray ninkeeda.
Hase yeeshee ma jirin wax war ah oo booliska looga sheegay geerida ninkaas. Saraakiisha booliska ayaa sheegay in uusan jirin saldhig xilligaas la geeyay macluumaad la xiriira in ninka dhimashadiisa uu qof kale ka dambeeyay, taasoo horseedi lahayd in la baaro ciddii dishay Shah Zameen.
Sida laga soo xigtay booliska, markii uu dhacay dilka ninka lagu magacaabayay Gulistan waxay ciidanka amniga maqleen dhawaaqa rasaas islamarkiina waxay askar u direen inay soo ogaadaan waxa dhacay.
Wilayat Khan ayaa hoggaaminayay askartii u baxday inay soo eegaan dhacdada.
"Markii aan tagay goobta, waxaa yaallay meyd dhiig badan ku dhex jiray, hal xabbad waxay uga dhacday madaxa mid kalena dhinaca midig. Xilligaas haweeneyda la tuhunsanaha ah waxay fadhisay meydka agtiisa. Booliska ayaa isku hareereeyay gudaha iyo bannaanka guriga," ayuu yidhi Wilayat Khan.
"Dadkii ayaan dhinac u leexinnay waxaana billownay baadhitaan iyo inaan caddeymaha ka aruurinno goobta."
Haweeneydii jecleyd ninkii qaxootiga reer Afghanistan ahaa

Xigashada Sawirka, Getty Images
Sida ay booliska ku warrameen, haweeneydan waxay sheegtay in ninkeedii hore ee la oran jiray Shah Zameen uu ahaa qaxootiga ka yimid Afganistan, wuxuuna ku noolaa gobolka Kunar. Ninkeeda wuxuu ka shaqeyn jiray Peshawar waxayna ku noolaayeen nolol farxad leh iyaga iyo gabadhooda.
"Ninkeyga wuxuu saaxib dhow la ahaa Gulistan," ayay haweeneyda ku tidhi warbixintii ay siisay booliska. Waxay sheegtay in ninkeeda uu lacagaha u dhiiban jiray saaxiibkiis.
Maalin maalmaha ka mid ah, ninkeeda ayaa yimid guriga isagoo sheegaya inuusan caafimaadkiisu fiicneyn, Gulistan ayuuna ka codsaday lacag, laakiin Gulistan wuxuu u sheegay inuusan heynin lacag, sida ay sharraxday.
Waxay sidoo kale sheegtay in uu Gulistan guriga ugu keenay dawooyin ay ku jiraan irbado iyo kaniiniyaal, mid uu siiyay tan kalena kula taliyay inuu gor dambe isticmaalo.
"Markii uu cirbadda qaatay kaddib, ninkeyga xaaladdiisu way sii xumaatay, dhulka ayuuna ku dhacay. Dad ayaa ula cararay isbitaalka, laakiin wuu geeriyooday," ayay ku tidhi booliska.
Qorshaha aar goosiga

Xigashada Sawirka, Getty Images
Haweeneydan waxay booliska u sheegtay in ay dadkii kale weydiisay sida uu ninkeeda ku dhintay, laakiin ay u sheegeen in saaxiibkiis Gulistan uu iyada lafteeda sun ku duri doono maadaama ninkeeda xaaladdiisa ay isbaddashay cirbadaha kaddib.
Markii ay heshay xogtaas ayay go'aan ku qaadatay inay u aar guddo ninkeeda.
Sida ay booliska sheegeen, haweeneydan waxay muddo lix bilood ah isku dayeysay inay aar goosato, laakiin ay ku guul darraysatay, kaddibna ay ku fikirtay inay qorshe kale raadiso.
Qorshaha labaad wuxuu ahaa inay u dhawaato Gulistan, oo ay la saaxiibto si ay u waxyeelleyso.
Inkastoo Gulistan Khan uu lahaa xaas iyo hal wiil, haweeneydan waxay go'aansatay inay xiriir jacayl la sameyso, ugu dambeyntiina way is guursadeen.
Waxay booliska u sheegtay in ay Gulistan kusoo xero galisay iyadoo u sheegeysa inay heysato lacag, ayna doonayso inay gaari iibsadaan oo ay nolol farxad leh galaan.
Xilli lagu jiray ciid ayuu arooskooda dhacay, waxayna isla dageen guriga walaasheed. Laakiin maadaama ay ujeeddo kale lahayd, gurigaas wuu anfici waayay.
Markii dambe waxay ninkeeda cusub ka dhaadhicisay inay isla dagaan guri ku yaalla deegaanka Inayat Kali.
Maadaama ay halkaas ku noolaayeen kaligood, mararka qaarna iyada kaligeed looga tagayay guriga, waxaa lagama maarmaan noqotay inay qori (bastoolad) soo sharciyeystaan, si ay isaga difaacaan ciddii soo weerarta.
Waxay bastoolad kusoo iibsatay lacag dhan $180.
Saddex sano ayay ku qaadatay qorshaynta dilka ninka ay aaminsaneyd inuu ka dilay ninkeeda, ugu dambeyntiina way ku guulaysatay.
Booliska waxay sheegeen in haweeneydan ay hadda ku jirto xabsi kaddib markii maxkamadda la geeyay.













