Maxaa sahlay soo rogaal celinta TPLF? Ma Itoobiya ayaa tabar yareysay?

Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa isaga baxay magaalada Maqalle

Xigashada Sawirka, Getty Images

Qoraalka sawirka, Ciidamada dowladda Itoobiya ayaa isaga baxay magaalada Maqalle

Dagaal qaraar oo shalay ka dhacay gobolka Tigray ayaa sababay in si lama filaan ah ay ciidamada Tigreega u qabsadaan magaalada Maqalle ee caaismadda gobolka Tigray.

Dowladda Itoobiya ayaa kaddib gobolkaasi Tigray uga dhawaaqday xabbad joojin - siddeed bilood kaddib markii uu Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed uu halkaas ciidamo u diray si uu hoggaanka gobolkaas meesha uga saaro.

Xabbad joojinta waxa ay ahayd mid hal dhinac oo dowladda Itoobiya ay keli ku tahay.

Waa markii ugu horreysay ee hadal noocan ah uu ka soo yeero dowladda Itoobiya, tan iyo markii uu dagaalku qarxay.

Maxaa sababay inay Itoobiya ku dhawaaqdo xabbad-joojinta?

Xirsi Cabdulqaadir Maxamed oo ka faallooda arrimaha Geeska Afrika, gaar ahaanna Itoobiya, oo BBC-da la hadlay ayaa sheegay in Ra'iisul Wasaaraha Itoobiya Abiy Axmed uusan maanta joogin halkii uu shalay taagnaa, isla markaana ay jiri karaan waxyaabo badan oo ku kallifi kara in dowladdiisu ay ku dhawaaqdo xabbad-joojin.

"Waxaa laga yaabaa in Reer-Galbeedku ay doonayaan inay hoosta ka heshiisiiyaan, in la doonayo in TPLF ay soo xoogeysato kaddibna meel dhexe la isugu keeno, la dhiso dowlad ku meel gaar ah oo ay qeyb ka yihiin. Arrinta labaad ee dhici karta waa in ciidamada Itoobiya ay xeelad dagaal uga baxeen, kaddibna ay doonayaan inay soo rogaal celiyaan sidaasna dalku uu ku galo colaad sokeeye," ayuu yiri.

"Labadaas xaaladood mid un bay noqoneysaa Itoobiya, uma maleynayo inay xaalad kale jiri karto," ayuu intaas ku sii daray.

Warsaxaafadeed ka soo baxay Dowlad-Goboleedka Qaranka ee Tigray ayaa lagu sheegay in "guul cajiib ah"laga gaaray dagaalka, iyadoo lagu sheegay in Maqalle "ay haatan ku jirto gacan Xoogagga Difaaca Tigray".

Waxay ugu baaqeen dadweynaha iyo ciidamada mucaaradka "inay feejignaadaan, ilaa Tigray gebi ahaanba laga saarayo ciidamada qabsaday".

Dad ka barakacaya gobolka Tigray

Xigashada Sawirka, Reuters

Qoraalka sawirka, Dad ka barakacaya gobolka Tigray

Afhayeen u hadlay mucaaradka oo lagu magacaabo Getachew Reda ayaa sheegay inaysan xiiso u qabin xabbad-joojinta isaga oo telefishinka CNN ku yiri: "Ujeeddooyinkeenna waa inaan wiiqno awoodaha dagaal ee cadowgeenna... Ma joojin doonno ilaa Tigray laga sifeeyo dhammaan ciidamada cadowga. Waxaan sameyneynaa wax waliba oo ay nagu qaadato."

Xirsi ayaa sheegay in sanadihii ugu dambeeyay ay wiiqantay awoodda kooxda TPLF oo muddo 30 sano ah xukumayay dalka Itoobiya, isaga oo sababta ku sheegay in dadku ay dhibsanayaan wax waliba oo raaga, iyo in kooxdu ay "tacaddiyo ka geysatay gobollada qaar oo kan Soomaaligu ka mid yahay".

"Kacdoonnadi ay sameeyeen dhalinyarada ayaa waxaa cadaadis lagu saaray TPLF inay wareejiyaan xukunka, laguna wareejiyo qowmiyadda ugu tirada badan ee uu ka dhashay Abiy Axmed," ayuu yiri.

Wuxuu sheegay in aysan haatan suurtogal ahayn in TPLF ay dib ugu soo laabato saaxada siyaasadda ayna awoodda dalka dib ula wareegto, isagoo sababta ku sheegay in dagaalkan kaddib ay adkaan doonto in qowmiyadaha Itoobiya ay is aaminaan.

"Waxaa laga yaabaa inay jabhado kale oo qomwiyadaha kale ka soo jeeda ay keenaan, iyagana ay sidaasi ku goostaan gobolladooda. Waxaa kale oo laga yaabaa in la dhiso dowlad ku meel gaar ah oo awood-qeybsi ah," ayuu yiri.

TPLF ma cashar ayay ka barteen ciidamadii Itoobiya ee galay Soomaaliya?

Markii ay ciidamada Itoobiya galeen Soomaaliya sanadkii 2006, waxaa hoggaanka dalkaasi hayay xisbigii EPRDF oo ay hormuudka ka ahayd TPLF , waxaana xiligaas Itoobiya Ra'isulwasaare ka ahaa Meles Zenawi.

Wuxuu ahaa hawlgalkii ugu balaarnaa oo ay ciidamada Itoobiya galeen, waxaana dhacday in kooxihii iska-caabbinta ee Soomaaliya ay isaga baxeen inta badan magaalooyinka, balse taas ay ahayd xeelad dagaal oo markii dambe dalka looga saaray ciidamada Itoobiya kadib markii lala beegsaday weeraro joogto ah oo gaadmo ah oo lagu qaadayay xeryahooda iyo marka ay waddooyinka marayaan.

Haddaba waxa ay dadka qaar isweeydiiyeen in ciidamada TPLF ay adeegsanayaan xeeladihii ay ka barteen intii ay Soomaaliya ku jireen.

"Waa laga yaabaa, waxaa jiri kara waxyaabo badan oo aynaan gobolka ka ogaan karin, laakiin waxaa jira warar sheegaya in TPLF ay la socdeen ciidamo Suudaan ka socda, waxaa laga yaabaa in ciidamada Itoobiya lagu saaray awood, amaba inay xeelad dagaal ku baxeen," ayuu yiri Xirsi oo ka jawaabaya su'aashaas.

Muxuu dagaal uga soconayaa gobolka Tigray?

Nofeembartii la soo dhaafay dowladda Itoobiya ayaa waxa ay qaadday weerrar ay awoodda uga tuurayso xisbiga hayay talada gobolkaas ee Jabhadda Xoraynta Dadka Tigray (TPLF).

Xisbiga ayaa waxa ay Ra'iisul Wasaare Abiy Axmed isku gafeen isbedallada siyaasadeed ee uu ku samaynayay hannaanka federaalka ee dalkaas ee ku salaysan qowmiyadda - walow qabsashada TPLF ee saldhigyada milateri ee Tigray ku yaal ay gundhig u aheyd weerrarka.

Mr Abiy, oo ku guulaystay abaalmarinta Nobel Peace Prize, ayaa dhammaadkii bishii Nofeembar ku dhawaaqay in colaaddu ay dhammaatay, hasayeeshee dagaalku waa ii sii socday.

Kumannaan qof ayaa la dilay. Tobannaan kun oo qof ayaa u qaxay waddanka dariska ah ee Suudaan.

Dhammaan dhinacyada ayaa waxaa lagu eedeeyay xadgudubyo badan oo ka dhan ah xuquuqda aadanaha.

TPLF ayaa waxa ay ciidammo isku darsadeen kooxaha kale ee Tigray si ay u samaystaan Ciidammada Difaaca Tigray.