Dumarka Hindiya ma waxay raadinayaan "nin taajir ah oo aan daaca-qurmeyn"?

Xayeysiinnada guurka ee lagu daabaco wargeysyada maaha halka ay dumarka u dooda xuquuqda haweenka ee Hindiya ka baadi goobaan lammaane.
Intooda badan waxaa lagu saleeyaa diinta iyo heerka bulshada, waxaa inta badan la soo raaciyaa faahfaahinno la xiriira jirka caruusadda la doonayo sida midabka, dhirirka iyo qaabka wejiga, badankoodna waxay doonaan gabar taajirad ah, reerkeedu qani yihiin oo hantina heystaan.
Sidaas darteed, toddobaadkii la soo dhaafay markii xayeysiin lagu doonayo "nin aan dhuuseyn, daaca qurmeyn, quruxlow ah, taajir haweenka u dooda ah" kaas oo ay dooneyso "gabar fekerkeeda xor u ah, u doodda haweenka isla markaana timo gaaban leh carrabkuna u duran yahay" ay ka soo muuqatay wargeyska sida aad ka ah Hindiya looga akhristo, dadka ayaa aad iskula wadaagay.
Gabadha majaajiliistaha ah Aditi Mittal ayaa ku soo wadaagtay barteeda Twitter-ka iyada oo is weydiineysa in qof iyada u hadlaya uu soo qoray xayeysiintaas.
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 1

Qaar kale oo badan, oo ay ku jirto atariishada Bollywood-ka ee Richa Chadha, ayaa ku jawaabtay:
Macluumaadkan waxaa daabacay X. Waxaan dalbanayenaa fasaxaaga ka hor inta aan la furin, waxaa laga yaabaa inay isticmaalayaan cookies iyo farsamooyin kale. hadii aad u bahato akhri X xeerarka cokie iyo kan ku saabsan xogta gaarka ah ka hor inta aadan aqbalin. si aad u aragto xogta guji ‘aqbal oo soco’.
Dhammaadka X boggan, 2

Dad badan ayaa mala awaalay dadka ka dambeeya xayeysiinta iyo haddii ay tahay "wax la aamini karo".
Waxaa soo baxday inay ahayd maad u dhaxeeya wiil, walaashiis iyo saaxiibteed. BBC ayaa iyada oo adeegsaneysa email-ka ku xusan xayeysiinta, waxaa u suurto gashay inay hesho "gabadha fekerkeeda xorta u ah ee haweenka u doodda" - Sakshi - iyo walaalkeed Srijan iyo saaxiibteed Damyanti, oo la yimid fekerkan.
Dhammaan magacyadu maaha kuwo jira - ma doonayaan in la aqoonsado, maaddaama sida ay Sakshi tiri, "dhammaanteen waxaan nahay xirfadleyaal uu ka horreeyo mustaqbal ifaya mana dooneyno inaan soo jiidanno kuwa aflagaaddada ka geysta baraha bulshada.
Xayeysiinta, ayuu Srijan sheegay, inay ahayd "maadeys yar oo loogu talo galay sanad-guurada 30-aad ee dhalashada ee Sashi".
"Inaad gaarto 30 waa wax muhiim ah, sababtoo ah marka la eego dhammaan hadallada bulshada ee guurka la xiirira. Marka aad 30 gaarto, qoyskaaga iyo bulshada waxay bilaabayaan inay cadaadis kugu saarayaan inaad guursato oo aad saldhigato," ayuu yiri.
Sakshi ayaa sheegtay inay leedahay timo gaaban uuna carrabku u duran yahay, ayna ka shaqeyno arrimaha bulshada, isla markaana ay tahay qof fekerkeeda aan la gabban, arrinta daaca-qurunka iyo dhuusada ayay ku sheegtay inay tahay kaftan ay qosykooda isla yaqaannaan.
Xayeysiinta ayaa ka soo muuqatay dhowr magaalo oo waqooyiga Hindiya ku yaalla wuxuuna qiimaheedu yahay 13,000 oo lacagta Hindiya ah una dhiganta ($175; £126) - "waa lacag aan ku kharash gareyn lahayn haddiyado iyo dabaaldegyo haddii aysan jiri lahayn xayiraadaha Covid," ayuu yiri Srijan.
Habeen ka hor dhalashadeeda, Sakshi ayaa sheegtay in walaalkeed uu guddoonsiiyay warqad duuduuban.
"Markii aan furay, waxaa ku qornaa email-ka - [email protected] - iyo furaha sirta ah. Wax feker ah kama heysan waxa aan ku sameynayo," ayay iigu sheegtay telefoonka iyada oo gurigeeda joogta. "Subixii, Srijan ayaa ii keenay nuqul ka mid ah wargeska aad ayaana ugu qosolnay. Wuxuu ahaa qaraaxeysi qosol leh."

Xigashada Sawirka, Getty Images
Balse wixii ku billowday kaftan gaar ah oo u dhaxeeya saaxiibbada ayaa durba qabsaday baraha bulshada. Markii ay dadka caanka ah soo wadaageen xayeysiinta, boqollaal qof ayaa bilaabay inay fekerkooda ka dhiibtaan iyadoo farriimo badan ay ku soo dhaceen email-ka cusub ee la sameeyay.
"Waxaan helay in ka badan 60 farriimood so far. Many figured it was a joke and thought it was funny," Sakshi said.
Haweeney ayaa uga mahad celisay xayeysiinta iyadoo tiri "Aniga sidoo kale qofkan ayaan ahay".
Balse gudaha Hindiya, oo ah dal haweenka u dooda xuquuqda haweenka loo arko kuwo neceb ragga, ayaa xayeysiinta waxay sababtay in farriimo aflagaaddo a loo diro dadka sameeyay.
Sakshi waxaa loo aqoonsaday "taajir jecel" iyo "munaafaqad" waxaa sidoo kale lagu cambaareeyay inay jirto 30 balse ay dooneyso nin da'diisu ay u dhaxeyso 25-28"; qaar badan ayaana kula taliyay "inay iskeed lacag u shaqeysato".

Xigashada Sawirka, Getty Images
Dadka qaar ayaa sheegay in xayeysiinteeda ay tahay mid fitno abuureysa, iyo inay u muuqato qof cayilan, mid ka mid ah dadka ayaa yiri "dhammaan kuwa u dooda haweenka waa doqomo". Haweeney ayaa aad u careysneyd iyada oo ku gooddisay in walaalkeed "uu ka soo tuuri doono dabaqa 78-aad".
Damyanti ayaa sheegtay in gudaha Hindiya, qiyaastii 90% dhammaan guurka dhaca uu yahay mid la soo qaban qaabiyay, "qof walba wuxuu doonaaa caruus wanaagsan. Balse dad badan ayay dhibtay in si waadix ah loo qeexo. Way caroodeen".
Sakshi ayaa sheegtay in xayeysiintu "ay dhaawacday dad badan".
"Waxyaabahaas oo ah kuma hor oran kartid bulshada. Raggu waxay mar walba raadiyaan caruusad dheer, dhuuban oo qurux badan, waxay ku faanaan hantidooda, balse marka ay arrintu sida kale isku rogto, ma qaadan karaan. Sidee ayay haweeney u dejin kartaa qiimeyntaas?"
Xayeysiinta, ayay sheegtay, "inay ka tarjumeysay arrintaas waxaana qiyaasayaa ayay tiri in kuwa ka xanaaqay ay yihiin kuwa soo qora xayeysiinnada ah inay doonayaan caruusad dhuuban, cas oo qurux badan".
Waxay is weydiisay in farriimaha loo soo diray sidoo kale loo diro ragga haweenka cunsuriyeeya ee haddana wargeysyada ku soo qora nooca caruusad ee ay doonayaan iyo in kale.

Shekooyin dheeraad ah oo Hindiya la xiriira:











