Caruusad xafladda arooskeeda uga faa'ideysatay u dagaallanka xuquuqda Haweenka

Xigashada Sawirka, Ujjwal Masud
Khadiza Akter Khushi oo 19 jir ah oo horkaceyso qoyskeeda iyo boqollaal qof oo xafladda arooskeeda ka soo qayb galay ayaa socod ku tagtay guriga ninka guursanaya, arrintaa oo ay sheegtay iney u sameyn iney martideeda ku raalli geliso.
Waxayna Khadiza sheegtay iney arrintan u sameysay haweenka Bangladesh dartood iyada oo rajeyneyso haweenka iyada ka dambeeyana ay maraan waddada ay iyadu martay.
Socodka ay caruusadda guriga ninkeeda ay ku tagtay ayaa noqotay arrin ku cusub dhaqanka Bangladeh ay qarniyo ku soo dhaqmi jireen, iyada oo dhaqanka ay gabadhan jabisay uu ahaa inuu ninka haweeneyda uu guursanaya oo keli ah inuu maalinta arroska uu tago guriga gabadha uu guursanayo.
"Haddii ay raggu ay gabadha ay guursanayaan ay soo wataan, maxaa dumarka ka hor istaagaya iney sidaa si la mid ah sameeyaan?" ayey tiri Khadiza oo wareysi siisay BBC Bengali xafladda arooska ay ku guursatay seygeeda Tariqul Islam kaddib.
Ficilka ay gabadhan ku dhaqaaqday ayaa lagu tilmaamay wax lala yaabo isla markaana laga argagaxo. Mid ka mid ah dadka ka soo horjeedo ficilka gabadha ayaa ku tala bixiyey in lammaanaha is aroosay iyo qoyskoodaba ay mudan yihiin in kab lala dhaco.
Khadiza iyo Seygeeda waxay arrinta la tahay mid sahlan, saxna la ah iney sidaa sameeyaan.
"Dhaqanka ma aha mid muhiimad badan leh" ayey tiri mar ay BBC u warrameysay. "Arrintu waxay quseysaa xuquuqda haweenka. Marka maanta, haddii ay gabar nin ka dalbato iney guursato oo ay gurigiisa tagto maalinta arooskeeda, ma jirto cid ceeb u arkeyso."
"Haddaba, xadgudubyada loo geysto haweenka hoos ayuu u dhacayaa, haweenkuna waxay soo ceshanayaan sharaftooda. Ma jirto cid dadka kale ka hooseyso."

Xigashada Sawirka, AFP
Lammaanahan waxay ogaayeen inuu guurkooda arrintan uu cadaadis ay kala kulmi doonaan, arooskooduna wuxuu Axaddi ka dhacay dhul miyi ah oo ku dhaw xadka dalka Hindiya uu la wadaago Bangladesh. Xataa xubnaha qoyskoodaa kuma faraxsaneyn iney ilmahooda sidan sameeyaan.
Tariqul oo 27 jir wuxuu sheegay iney arrintan aad uga fiirsadeen. Guud ahaanna ay u arkaan iney wax khalad ah sameeynin.
"Qaar badan ayaa isku guursada maxkamad, qaarna masaajidda ayey isku guursadaan. Annaguna waxaan isku guursannay sida ay diintayada na fareyso," ayey yirahdeen lammaanaha cusub ee is aroosay.
"Muhiimad badan malaha waxa ay dadku ku fakarayaan, iyo waxa ay leeyihiin. Dad qaar ayaa si sidaa ka duwan u fikira, qof walbana wuxuu xaq u leeyahay inuu fikirkiisa cabbiro."

Caadadis soo jireenka ahayd xagga kale ayaa loo rogay, Sanjana Chowdhury, oo ka tirsan BBC Bangali
Sida uu dhigayo dhaqanka halkan lagaga dhaqmo, caruuska iyo ehelkiisa waxay dhaqan ahaan aadaan guriga caruusadda, halkaasoo oo uu ka dhaca xafladda arooska, ka hor inta ay caruusadda reerkeeda macasalaameyn reerkeeda oo ay aadin guriga ninkeeda ee loo hooynayo.
Qarniya badan dhaqanka soo jireenka ee dalkan looga soo dhaqmayey wuxuu ahaa sidaa.
Balse degmada Meherpur, oo ku taalla galbeedka dalka Bangladesh waxaa ka dhacday arrin taa caksi ku ah: caruusadda iyo qoyskeeda ayaa caruuska gurigiisa tagay iyada oo dalbaneyso inuu guursado kaddibna caruuska waxaa loo hoyay guriga ay caruusadda ka timid.
Dhacdadan ma ah mid ka dhacday magaalooyinka waaweyn ee bangladesh, balse waxay ka dhacday tuulo yar oo dalkaasi ka mid ah.
Labadan lammaane waxay guurkooda ku billaabeen arrin la yaab leh oo dhiirragelin u baahan.
Qaramada midoobayna waxay sheegtay ku dhawaad seddex meelood meel haweenka la guursado ee dalka Bangladesh iney nimankooda tacaddiyo kala kulmaan, iyada oo kala badh haweenkaasi xadgudubyada loo geystay oo keli ah laga war hayo.
Balse waxaa uu isbeddel ka muuqdaa doorka haweenka ee dhinacyada waxbarashada, sharciga qoyska dal ay dadka ku nool aqlabiyaddooda ay aaminsan yihiin diinta Islaamka.
Waxaana dalka BAngladesh ayaa lagu tilmaamaa inuu ka mid yahay waddamada xuquuqda haweenka ku liito isla-markaana ay haweenka xayiraado iyo takooridba kala kulmaan.











