"Waa in la joojiyaa guurka iyo dadka kala diimaha haysta"

Xigashada Sawirka, Getty Images
Esha iyo serygeeda Rahul waxay u muuqdaan lammaane ku faraxsan arooskooda. Labaduba waxay isdhaafsanayaan weedho farxad xambaarsa, oo marka ay u maleyso jawaabaha Rahul iney ka baxeen wixii ay ka wada hadlayeen si tartiib ah waxay ugu soo celisaa hadba wixi ay ka wada hadlayeen.
Waxa ugu horreeya ee guurkooda ka dhigay mid farxad leh waxay labaduba haystaan diinta Hinduuga. "Inaan hal diin ah haysanno ayaa gacan naga siisay inaan heerkan soo gaarno" ayey tiri Esha. Ma jiraan wax badan oo cusub oo aan kala baraneyno. Waxa kale ee aan baraneynana wuxuu yahay inuu qofba qofka kale waxa uu jecel yahay uu ogaado.
Daraasad qoto dheer oo diimaha ka jira Hindiya ku saabsan oo uu sameeyey mac-hadka Pew wuxuu ku talabixiyey isu dulqaadashada diimeed ee muwaaddiniinta dalkaasi u arkaan iney jiritaankooda udub dhexaad u tahay, "Diimaha ugu waaweyn ee ka jira Hindiya dadyowga aaminsan ma dareemaan iney wax badan wadaagaan".
Machadka Cilmibaarsta ee Pew 2019-2020 wuxuu wareysi la yeeshay 30,000 oo qof oo ku hadla 17 luuqadooda oo ku kala nool 26 gobol iyo 3 deegaan oo dalkaasi ku yaalla.
Marka laga hadlayo xiriirada, dadka Hinduuga, Sikh ama Muslimiinta intooda badan waxay leeyihiin waa in la joojiyaa guurka dadka diimaha kala duwan haysta. Ku dhawaad 80% oo Muslimiin ah iyo qayaas ahaa 65% dadka hinduuga sidaa ayey aaminsan yihiin.
Daraasadu waxay ogaatay dadka Hindiya "iney si aan kala joogsi lahayn u muujiyaan xamaasadda dulqaadka diinta" waxayna lahaayeen "doorbidid joog ah oo ah oo ay ku hayaan bulshooyinkooda diimaha iyaga ka duwan aaminsan" (Si gooni gooni ah iyo si wadajir ahba iney u wada nool yihiin).
Waxaana lagu soo afmeera: "Labadan aragtiyood iney u muuqdaan kuwa iskhilaafsan, balse dadka reer Hindiya badankood sidaa ma qabaan."
'Nidaamka taageeradannada isku mid ayuu ahaa'

Xigashada Sawirka, Esha & Rahool Kapoor

Esha iyo Rahul waxay isku heleen qaabka online-ka ee ay bulshada ku xiriirto kaddibna waxay isguursadeen muddo siddeed bilood ah markii ay haasaawayeen. Kaddib Esha arooskeeda ay uu magac dartay 'mid miiggan' , waxayna lamaanahaasi sanadki hore isku guursadeen xaflad aroos oo aad u yar oo ay ka soo qayb galeen 11 qof o ka mid ah dadka ehelka u aha ama ay jecel yihiin.
Esha waxay sheegtay markii ugu horreysay oo ay billowday iney baadigoobto ninkii ay guursan lahayd, ineysan ogeyn sida ay muhiim u tahay inaad qofkaasi diin wadaagtaan.
"Waxaan ahaa qof aan arrintaa wax badan u arkin" ayey tiri iyada oo qosleysa. "Balse markii aan guursaday qof aan isku diin aaminsannahay wax weliba fudeyd ayey ii noqdeen. Dalka Hindiya qoysasku waa kuwa ballaadhan marka arrintan waxay kuu sahleysaa iney wax weliba ku fududaadaan."
"Dalka Hindiyana guurka qofka aad la yeelaneysid waxaa kaaga muhiimsan xiriirka aad qoyskiisa la yeelaneysid," ayey tiri.
'Ma aha inaad raadiso qof dhammeystiran'

Xigashada Sawirka, Tania Sondhi

Tania Malhotra Sondhi oo ah ka shaqeysa xafiis ay ku xiriiraan dadka guurdoonka ah waxay sheegtay iney maqasho aragtiyo la mid ah shaqadeeda
"Waxaan la shaqeynaa macaamiil reer magaal u badan oo u muuqda iney horumar gaareen, aqoon leh iyo meela badanna safarro ku soo maray," ayay tiri.
Iyada oo hadalkeeda sii wadatana waxay tiri, "Dadka aan la kulanno ee guur doonka ah intooda badan diyaar uma aha iney guursadaan qof ay isku diin ahayn".
Qaar ka mid ah macamiisheeda aaminsan diinta Hinduuga waxay walac ka muujinayaan haddii ay guursadan qof Muslim ama Kirishtan ah iney diintooda ka beddelan.
"Marka kala duwanaashaha diimaha ay dadku aaminsan yihiin shacabka Hindiya badankoodd ayey uga kala fog yihiin balse mustaqbalka la rajeenayo iney wax badan isbeddelaan".
'Wuxuu ahaa Jacayl cajiib ah'

Xigashada Sawirka, Sumit Chauhan & Azra Parveen
Sumit Chauhan iyo xaaskiisa Azra Parveen guur ayey ku heshiiyeen.
Sumit oo Hinduu ah waxay go'aansatay iney noolasha la wadaagto Azra oo muslim ah balse weli ma dhicin.
"Seddex sano ayaan jaamacad wada dhiganeynay intaana isbarasho wey nooga filneyd" ayey tiri Sumit. 'Saaxibtinimadeenna waxay ahayd mid adag, labadannadaba waan isku faraxsaneyn'.
Balse, Azra waaxaa uu yiri. "Waa xaqiiqo oo waan ognahay inaan ka mid nahay bulshoyinka labada diin kala haysta oo ay adag tahay iney isgursadaan."
"Aragti khaldan ayaa bulshada muslimka laga qabaa, balse anigu waxaan arrinkaa ka dhaadhiciyey hooyadeey, walaalkeey iyo walaasheey" ayey tiri.
"xaaskeyga waxay iskudayday iney qoyskeeda ka dhaaciso, balse si adag ayey uga soo horjeesteen. Waxayna ku yirahdeen qofka Hinduu ah ma guursan kartid."
Haddaba maadaamaa ay qoyska Azra guurka lamaanaha waafaqi waayeen waxau ku qasbanaadeen iney si qarsoodi iisu guursadaan, kaddibna ay guurkooda ku wargeliyaan qoysaskooda.

Xigashada Sawirka, Sumit Chauhan & Azra Parveen
Sida uu dhigayo xeerka u yaalla guurka gaarka ah ee Hindiya, wuxuu dhigayaa dadyowga diimaha kal duwan aaminsan ee isguursanaya guurkooda ka hor iney 30 maalmood ogeysiis meel fagaara ah ku soo dhajiyaan si ciddi diiddan ay dacwad uga soo gudbiso.
Gobollada Hindiya ee uu maamulo xisbiga wadaniyadda ay madax martay ee Bharatiya Janata Party (BJP), xeer la meel mariyey November 2020 waxaa lagu mamnuucay inaan qofka diintiisa si xoog ahama khiyaar la'aan looga beddeli karin.
'Waxaan xoogaha ka baqayaa in la hojoogsado qorshaheenna guurka," ayuu yiri Sumit.
Balse nasiib wanaag taa ma dhicin, balse 'Guurka annaga oo seddex jirsaday weli qoyska Azra nalama hadlaan".
"Sanadki hore dumaashideey ama gabadha ka yar xaaskeyga ayaa la arosay balse arooskeeda nalaguma martiqaadin."
"Runtii wey ku adagtahay dadka inalamidka ah ee isjeclaaday haddana isguursaday, balse ma aha inaan diintaaa u beddelato qof aad guursatay awgii" ayuu yiri Sumit
'Qof aad jeceshahay oo aad la noolaato ma aha dambi," ayuu yiri.










