Hindiya iyo xuquuqda dumarka: Guryo casri ah oo loo dhisayo haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada

Guryo loogu talagalay inay ku sugnaadaan haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada ayaa laga hirgelinaya galbeedka Hindiya, waxaana guryahan ku noolaan doonaa kumanaan haween ah oo laga soo ceyriyay guryahooda dhiigga caadada dartii.

Hay'ad samafal ah oo ka howlgasha Mumbai ayaa ku howlan sidii haweenkan ay ugu sameyn lahayd guryo casri ah oo leh sariiro, musqulo, koronto iyo biyo.

Dhaqamada ka jira halkaas ayaa dhigaya in haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada lagu hayo guri cooshad ka sameysan oo ka fog tuulada ay degan yihiin kuwaas oo nadaafadooda iyo ku nolaanshadooda laga deyriyay.

Dadka garwadeenka ka ah barnaamijka ayaa aaminsan in arrintani wax looga qaban karo takoorka ka dhanka ah haweenka qaba dhiigga caadada, waxay sheegayaan in haweenka ay siinayaan goob amni ah xitaa haddii uu sii socdo dhaqamadan ka dhanka ah haweenka dalkaas.

Haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada waxaa dalkaasi laga rumeysan yahay in ay yihiin dad wasakh ah, isla markaasna looma ogolo dumarka Hindiya inay ka qeybgalaan munaasabadaha diimaha iyo kuwo bulshada.

Muddo sanado ah, dhaqamadan gurucan ee ka dhanka ah haweenka waxay jireen qeybo badan oo Hindiya ka mid ah, gaar ahaan deegaannada ay ku nool yihiin dadka saboolka ah.

Dhaqamada qaar waxay farayaan in haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada ay bishiiba shan maalin ku qaatan guri ku yaalla duuleedka tuulada ay degan yihiin, si gaar ah meel u dhaw dhul keymo ah, loomana ogolo inay cuntada kariyaan ama biyo ay soo dhaansadaan.

Waxaa loo ogolyahay inay ku tiirsanadaan cuntada iyo biyaha ay u keenaan haweenka kale.

Haddii haweenkan ay taabtaan qof rag ah waa in durbadiiba uu iska dhaqo maadama ay rumeysan yihiin in ay wasakh yihiin.

Tuulada Tukum ayaa ka mid ah meelaha laga hirgeliyay guryaha casriga ah, sannadkii la soo dhaafay - waxay guryahaas caawiyeen 90 haween oo dhiigga cadaadada uu ku dhacay.

Surekha Halami, oo 35 jir ah ayaa ka sheekeyneysa dhibaatadii ay kala kulmi jirtay guryihii cooshadda ahaa ee horraan loogu talagalay inay ku noolaadaan dumarka uu ku dhaco dhiigga caadada.

Waxay sheegtay in kaneecada ay ku cuni jirtay, qabow daran ay dareemi jireen, isla markaana xaywaanno duur joog ah ay dhibaato kala kulmi jireen.

Sheetal Narote oo 21 jir ah waxay sheegtay in kaligeed ay ku nooleyd guriga cooshad ah, ayna hurdaba ay qaban wayday.

"Gudaha guriga mugdi ayuu ahaa, waxaana doonayay in aan baxo balse wax go'aan ah ma laheyn", ayey tiri.

Durpata Usendi oo 45 jir ah waxay sheegtay in gabadh uu ku dhacay dhiigga caadada oo ku sugneyd guriga cooshadda ah uu qaniinay mas isla markaana ay geeriyootay.

Nicola Monterio oo ka tirsan hay'yadda samafalka ee ku howlahan guryaha loogu dhisayo haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada, ayaa sheegtay in mashruuca uu ku baxayo $8,900 oo doolar, iyo in muddo kooban ku qaadeyso dhameystirka guryaha.

Waxaana lagu wadaa in guryaha si rasmi ah loo daah furo bartamaha bishan.

Dhammaan haweenka ku sugan deegaanka Tukum iyo deegaanada ku xeeran ayaa sheegay inay aysan dooneynin inay degaan guryahan cusub ee loogu talagalay haweenka uu ku dhaca dhiigga caadada, sababo la xiriira dhaqamada oo ku aadan inay ku noolaadaan guryaha cooshadda ah marka uu dhiigga ku dhaco.

Gabadh ka mid ah dadka deegaankaas ayaa sheegtay in ay ka cabsi qabto inay ka tagto dhaqankooda, waxayna ka cabsi qabto in balaayo ay usoo jiideyso qoyskeeda.

Chendu Usendi, oo ah madax dhaqameed ku sugan tuulo ku taalla galbeedka Hindiya ayaa BBC u sheegay in iyaga aysan waxba ka bedeli karin dhaqanka noocaas, oo ay aaminsan yihiin in uu yahay 'awaamir rabbaani ah.'

Wuxuu sheegay in qofkii iska dhiga tira dhaqankaas lagu ganaaxayo in uu quudiyo dhammaan dadka ku nool tuulada ama in laga qaado ganaax lacageed.

Sanadihii ugu dambeeyay, dalka Hindiya waxaa ka imaanayay warar ku saabsan in qaar ka mid ah dumarka ka soo jeeda qoysaska saboolka ah ay iska saaraan ilmo galeenka.

Waxaa jira dhacdooyin muujinayaa in dhibaato lagu hayo haweenka uu ku dhaco dhiigga caadada, gaar ahaan haweenka ka soo jeeddo qoysaska saboolka ah ee aanan helin waxbarashada aasaasiga ah ama aanan helin cid u dooddo.

Waxay tallaabadan noloshooda ku reebtaa saameyn dhanka caafimaadka ah.

Gobolka galbeedka ku yaalla ee Maharashtra, kumanaan dumar ah ayaa isku sameyay qaliin ay isaga saarayaan ilmo galeenka, waana arrin soo taagneyd saddexdii sanno ee la soo dhaafay.

Dumarkan iska saaray ilmo galeenka waxay ka shaqeeyaan beeraha qasabka laga soo saaro.

Waxay doonayaan inay beeraha qasabka ka helaan shaqooyin ay ku maareeyaan noloshooda.

Sannad kasta, tobonnaan kun oo qoysas sabool ah oo ku nool magaalooyinka kala ah Beed, Osmanabad, Sangli iyo Solapur ayaa u qaxa dhinaca deegaanada ku yaalla galbeedka, si ay shaqo ugu raadsadaan beeraha qasabka, waxay beerahaas ka shaqeeyaan muddo lix bilood ah oo uu soo go'ayo qasabka.