Ra’iisal wasaaraha dalka Hindiya ayaa markii ugu horreysay ka
hadlay dagaal ugu yaraan 20
askari oo Hindi ah ay ku dhimatay. Iska horimaad dhexmaray ciidamada dalkaasi iyo
kuwa Shiinaha ee ku sugan xuduudda Himalaya ee ay labadaasi waddan isku hayaan.
Khubadda ra’iisal wasaaraha oo si toos ah telefishinada looga
daawanaayay ayuu Narendra Modi ka digay in dhimashada askartiisa “aysan sidaas
uga haraynin.”
Iska
horimaadkan ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad xooggan ay u dhexayso labada
dhinac, waana kii ugu dhiig daadashada badnaa muddo ka badan 45 sano.
Milateriga
Hindiya ayaa markii hore shaaciyay in saddex askari ay dhankooda uga dhinteen
dagaalka, khasaare aan la shaacinna uu soo gaaray dhanka Shiinaha.
Balse
gelinkii dambe ee Talaadada ayaa saraakiil Hindi ah waxa ay sheegeen in askar
dhaawac uu kasoo gaaray dagaalka ay geeriyoodeen.
Wasaaradda arimaha
dibedda ee Hindiya ayaa ku eedeysay Shiinaha uu jebiyay heshiis ay labada dal
gaareen todobaadkii hore ku aaddan xasiloonnida Dooxada Galwan.
Beijing
ayaan shaacin khasaaraha dhankeeda soo gaaray, balse waxa ay Dehli ku eedeysay
inay ciidamadeeda usoo tallaabeen dhanka Shiinaha.
Zhao
Lijian oo u hadlay wasaaradda arimaha dibedda ee Shiinaha ayaa sheegay in
ciidamada Hindiya ay Isniintii laba goor kasoo tallaabeen xuduudda,
"iyagoo daandaansaday, weerarna la beegsaday ciidamada Shiinaha, taasoo
keentay in gacmaha la isula tago," sida ay kasoo xigatay wakaaladda
wararka ee AFP.